Kagaamiyeyn (Paul Kagame) mooyee kala gur ma fileynin.Qoraalkani waa dhaliil, Baraarujin & Talo ku socota: Ku sime Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar

Kagaamiyeyn (Paul Kagame) mooyee kala gur ma fileynin
===============================================================================

Qoraalkani waa dhaliil, Baraarujin & Talo ku socota:
Ku sime Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar
Dowlad Deegaanka Soomalida Itoobiya.

Gabi ahaan Soomaalidu gaar ahaan Shacabka Deegaanku iyagoon u kala hadhin waxay si buuxda oon sakati iyo laalaabasho toona lahayn gacmo furan ku soo dhaweeyeen magacaabistii Ku Sime Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar.

Waxaa la yidhi : Dad iyo Duurba wax aadan ka fileynin baa kaaga soo baxa.

Aad bey ugu hanweynaayeen, waxaaney naawilayeen in KSM Mustafe uu yahay shakhsi waayo aragnimo ku filan u leh in uu hogaamiyo Deegaanka waqtigan kala guurka ah ee isbadalka cusubi ku yimid Taliska sare ee Dalkan Itoobiya oo uu Maamul ahaan hoos tago.

Aniguna sidaas oo kale waxaan aaminsanaa in Deegaanka Soomaalidu aad u nasiib badanyahay oo mar hadii iktiyaarka iyo xulashada Cidda Hogaamineysaa aaney gacanta Soomaalida ku jirin, loo dooray Shakhsi u qalma kuna haboon Xilka loo magacaabay.

Waxaan aaminsanaa in Mustafe oy u dhantahay Qiyamkii, Akhlaaqdii, Aqoontii iyo Khibradday u baahneyd Hogaaminta Caafimaadka qabta oo lagu daray Duruufihii qalafsanaa, Tiiraaanyadii iyo Xanuunkii la soo darsay isaga iyo Qoyskiisaba uu yahay Shakhsi dareemi kara dhabaatada xog ogaalna u ah baahida loo qabey in Deegaanku helo Hogaamiye Daacad ah, gurmad deg-deg ah iyo badbaado uu kaga gudbo waqtiga adag ee uu ku jiray.

Waxaan aaminsanaa in waayo aragnimadiisa maamul iyo maareynta howlaha Bani aadanimada ee uu in badan ku soo shaqeeyey sida (Save the Children, WFP & OCHA) ay ka caawin doonto in uu noqdo Shakhsi leh Sifooyin Hogaamiye bisil oo ka sarreya heer Deegaan iyo heer Dal labadaba oo gaadhsiisan heer caalami sidaa daraadeed uu Deegaanka u horseedi karo horumar dhankastaba isagoo mudnaanta kowaad siinaya si deg-deg ahna wax uga qabanaya arrimaha ay ka midka yihiin:

Isu soo dhaweynta Dowladda iyo Shacabkeeda (Taageerayaal & Mucaaradba)
Sugidda amniga Nafta iyo Hantida Muwaadinka
Hanashada iyo dhaadhicinta Dowladnimo si buuxda oo waafaqsan Dastuurka
Soo celinta adeeg bixinta Dowladda
Sugidda sareynta sharciga, Cadaaladda iyo Sinaanta

Ka dibna ay toos (Automatic) u soo raacaan dib u soo celinta: Adeega Bulshada (Dhamaantii). Dib u heshiisiinta. Daryeelka Dhalaanka, Waayeelka, Agoonta iyo Naafada. Jaangownta Dhaqaalaha. Dib u dhiska iwm.

Iyadoo Ballan oofinta iyo Go’aan adag qaadashadu ay ka mid yihiin sifooyinka ama calaamadaha ugu muhiimsan ee uu leedahay Hogaamiyaha wanaagsani, ayaan filayey in uu Mustafe ka dhabeeyo Ballamihiisii quruxda badnaa iyo Hadaladiisii macaanaa, noqdana #Kagaamiga Soomaali Galbeed Samatabixin kara.

Ma fileynin in uu noqdo #Kala_Gure, #Guruub_gaar_leh Deegaanka ka lumiya waqti kale oo qaali ah.

Ma fileynin in uu Shacabka qayb ka mid ah raarta gashado isagoon ku xulan Caqli, Aqoon, Waayo aragnimo, Karti iyo Xirfadkale toona oo uu #Masaasado Dhaqaale, Qandraasyo & Hantidii qaranka ah afka u galiyo, inta kalena uu dibadda kaga dhaqaaqo isagoo Horboodayaashooda aan bisleyn ku maaweelinaya oo afka u galinaya #Kaddaabado (Masaasadaha Carruurta lagu aamusiiyo ee beenta ah) iyo Ballamo aan jirin.

Waxaa la yidhi : Aakhiro seeg mooyee, Aar walaal ma noqdo.

Cafisku Diinteena Islaamku waxay ina bareysaa in uu yahay furaha aad ku gaadhi karto Guul aduunyo iyo mid aakhiro labadaba.

Aargoosigana waxay Culimada Cilmaanigu ku macneeyeen sida Dhamac kuluul ood gacantaada ku qaadeyso si aad ugu tuurtid ama ugu dhufatid Cidda aad ka aargoosaneysid. Taana weynu garan karnaa dhibka Naftaada aad gaadhsiineysid inta aanad Dhamacda gaadhsiin halkaad ku waddey.

Saxaabi Maalqabeen ahaa aadna u awood badnaa Ilaahey baa awood lehe oola odhan jirey #Qays ibnu Caasim (Ilaahey ha ka raali noqdee) ayaa isagoo Saaxiibadii iyo Tolkii dhex fadhiya loo keenay Meydka Wiil uu dhalay oo uu aad u jeclaa iyo Ninkii dilay oo la soo qabtay oo xidh-xidhan.

Wuxuu yidhi Ninkan wiilkeyga dilay waad ka nixiseene xadhiga ka fura, iskana sii daaya waan cafiyey eh. Meydkana Janaasad lagu tukado iyo Aas u diyaariya. Hooyadiina Magtii wiilkeeda xoolahayga ka siiya. Anigana ii duceeya.

Waxaan aaminsanaa in Mustafe mudnaanta Koowaad siin doono is Cafinta guud ee Shacabka Deegaanka isaguna uu sidii Hogaamiyaha Ruwaandha #Paul_Kagame noqn doono ka u horeeya ee Cid walba cafiya, Bulshadiisana ugu baaqa kuna dhiiri galiya in ay ku daydaan ooy is wada cafiyaan.

Anigoo shakhsiyan aad uga xun Dilkii loo geystay Walaalkeen (AHUN) Marxuum Faysal M. Cumar hadana waxaan aad ugu hanweynaa in Mudane Mustafe uu walaalkii ka samri doono una samri doono Aakhiradiisa, danta guud ee Deegaanka iyo Dadkiisa una cafiyi doono Cid kasta oo uu aaminsanaa in ay ka dambeysay Falkaa Argagixisnimo ee walaakii iyo #Boqolaal kaleba lagu dilay, ama Dowladi (Mid Deegaan & Mid Federaal) ha disho ama ONLF ha disho ama cid kaleba ha dishee.

Taariikhda waxaynu ka baranay in Hogaamiye kasta oo guul gaadhey uu ku gaadhey Lataliyeyaal Wanaagsan.

Mid kasta oo guuldareystayna ay ugu wacnaayeen Lataliteyaashiisa oo karkaarka weydaariyey.

KSM Mustafe wey u dhamaayeen (Sida aan filayo) sifooyinkii Hogaamiyaha Wanaagsan ee u suurogalin karey in uu qaato go’aan adag oo uu ku cafiyo Cid walba.

Waxaanse eeda saarayaa oo Fursadaa Mustafe dhaafiyey isagoo u nuglaaday Talo Xumayaal aanuu marka horeba ku xulan Caqli, Aqoon, Waayo aragnimo iyo Karti toona oo hab kaloo guracan badankoodu ugu soo xoomeen isaguna uu iska garan waayey kana ilduufay.

Waxay dhegta hoosteeda kaga turqeen Irbad Maskaxda qaybta Afkaarta wacan, Wadaninimada iyo Cadaaladda kabuubyeysa oo Jiffeysan ama Seediyeysan.

Waxaan qabaa hadii Mustafe ku soo xulan lahaa Lataliyeyaashiisa #Soomaalinimo iyo sifooyinkii kale ee uu ku xulan jirey Shaqaalihiisii OCHA in aanuu ka gaabiyeen heerka ay Dadkiisu ka filayeen. Waxaan qabaa in aanuu marnaba si caam ah (Public) uga hadleen Bulshadana ula wadaageen Xuska Sanad Guurada Dilkii Walaakii ee uu badalkeeda Shacabka u horseedi lahaa is Cafis guud oo uu Hormuud ka yahay.

Waxaa la yidhi : Dhidar Xabaalo qodaa qudhun buu uga dhaadhacaa.

Waxaan aaminsanaa in KSM Mustafe uu la iman doono Dulqaad, Barnaamij Siyaasadeed oo hufan iyo Hadaf qorsheysan oo uu Shacabka isugu soo dhaweeyo, Xurguftii iyo Mad-madowgii soo kala dhex galayna uu meesha ka saari doono.

Ma fileynin in aan arko Mustafe iyo Dowladiisii oo dhan, Qurbo joogtii Deegaanka timid iyo Maxaabiistii Jeel Ogaadeen ka soo baxday oo dhamaantood ku mashquulsan Siyaasadeynta, soo Faqidda lafaha, Daawashada, Dalxiiska iyo isku sawirka Qubuuro dad Muslim ahi ku aasanyihiin.

Arrintaasi in ay boogo bogsanayey damaqdo oo qudhun looga dhaadhaco mooyee wax #Kigaameyn ah ama wanaag ah oo marka la eego halka aynu taaganahay iyo halka aynu hiigsaneyno laga faa’iidayo garan waayey anigu, waqti iyo dhaqaale lumis mooyee.

Waxaanse ogahay in Talo xumada iyo waqtiga qaaliga ah ee lagu lumiyey Xabaalo Qodidda iyo Ceebo uruurintu uu yahay ka manta kaalintiisii uu Mustafe tabayo ee aadka u wiiqay Hogaan wanaagii aan ka filayey iyo Diirad weyn oon jeclaa in uu goor hore si deg-deg ah ugu eego Xubnihii uu ugu yimid Talada Xisbiga iyo Dowladda uu dhaxlay.

Waxaa kaloo la yidhi : Gees Lo’aad kuleylkaa lagu gooyaa.

Waxaan aaminsanaa in Mudane Mustafe uu ahmiyad weyn siin doono hirgalinta qodobada kor ku xusan kuwooda ugu muhiimsan sida in uu si buuxda u hanto Dowladnimada loo Xil saarey isagoo taageero buuxda ka haystay Dowladda dhexe laamaheeda kala duwan.

Waxaan aaminsanaa (Inta Geesku kuluulyahay) isagoo aan Cidna waxba yeelin in uu deg-deg Cafis Guud (Oyna ku jirin Hantida la kala dhacay ee cadeymaha leh) u fidin doono Xubnihii Dowladii uu dhaxlay (Iyaguna aan hubo in ay sidaa Abaal ku qabeen) hadaanba wax loo raacayn sidaana uu ku unko Dowlad Badbaado Qaran ah oo ka kooban Soomaali Galbeed dhamaantood oy ka dhaxeyso wada shaqayn hadafkeedu yahay in si Daacad ah Dalka iyo Dadkiisa loogu adeego iyadoon Qalad – Qalad ku sixin.

Waxaan aaminsanaa in uu la iman doono Qorshe iyo Siyaasad Dastuurka waafaqsan oo uu si deg-deg ah ugu wiiqi karo awooda Ninka ay maanta is qabteen iyo Xulufadiisa.

Ma fileynin in uu arrinta maanta soo gaadhsiiyo oo uu halkiisa ku sugo Fursadna siiyo intay Xubnihii hore ee Xisbiga iyo Gudoomiyahoodu Koomada ka baxayaan dibna isu abaabulayaan.

Waxaa la yidhi : Balaayo Daan la qabto ayey leedahay ee Dabo la qabto malaha.

Ma fileynin in uu Mustafe waqtigiisa inta badan ku lumiyo waxyaabihii uu ku eedeynayey Nidaamkii ka horeeyey sida Dacaayadaha, Faanka iyo soo uruurinta iyo baahinta Ceebihii iyo Dhibaatooyinkii Deegaanku soo maray.

Ma fileynin in Dhalinyaradii taageertay ee Ku faraxdey Magacaabistiisii sida diiranna u soo dhaweysay uu Meydkooda wadhi doono isagoon 3 biloodba dhameysan Magaaladda dhexdeeda isagoo adeegsanaya Xubnihii Dowladii hore iyo isla Ciidankii uu ku eedeynayey in ay ka dambeeyeen Dilka Walaalkii iyo inta badan Lafaha Walaalada kale ee uu ka soo qufay Qubuuraha

Ma fileynin in Gacan ku dhiiglayaashii intuu Hogaanka Deegaanka hayey Maatada xasuuqay ay si xorriyad leh u difaacaan isaga iyo kuwuu ku soo uruursaday Madaxtooyadu, Dhibanayaashiina laga dhigo wax la xidho, wax la jidhdilo iyo wax Xilalkay hayeen si awood sheegasho ah looga qaado.

Ma fileynin Dhibkii uu lahaa waa nalagu hayaa in uu isna markiisa Dadka ku hayn doono.

Ma fileynin in Ehelada iyo Qaraabada Madaxdii Nidaamkii hore uu si gaar ah u beegsado, Xidh-xidho ama Jidhdilo iyagoo wax dambi ah oy galabsadeen aaney jirin.

Ma filaynin in xubnihii Dowladii hore uu qaarkood iyagana si gaar ah u beegsado, Guryahooda iyo Maatadoodana gaba-gabeeyo, qaarkood kalena uu indhaha ka qarsado.

Ma fileynin indhaha haba ka qarsadee in uu sii dalacsiin doono jagooyin Cusbna u magacaabi doono oo ah waxyaabaha maanta aadka u wiiqay Cumcaddiisa iyo awoodiisa, marka la tago tayo xumada Lataliyeyaashiisa.

Ma filaynin haba sii dalacsiiyee in uu goor ay Xeedho iyo Fandhaal kala dhaceen soo baraarugi doono oo uu xidh-xidhi doono iyagoo aan maanta lagu tilmaami Karin in ay yihiin Wasiirro ka tirsanaa Xukuumaddii hore, waayo waxay ku dambeeyeen oy haatan ahaayeen Xubnaha ugu fir-fircoon ee uu Xukuumadiisa Mustafe u xushey Xilalkii u muhiimsanaana ku aaminey.

Waxaa la yidhi : Nabsi bil ha jiro boqolse ha jiro, isha baalkeeda ka dhow.

KSM Mustafe, waan ka xumahay in aadan helin Lataliyeyaal wanaagsan iyo Taageerayaal ku dhaliili kara, Sawiradaada oy kala badalaan iyo Viva Halyey Mustafe oy meelahaa ku xar-xariiqaan mooyee.

Waan ka xumahay kuwii aad umadda ka soo dhaweysatey in ay noqdaan kuwo Sacabka kuu garaaca oo waqtigaagii qaaliga ahaa kaaga lumiyey Ammaan, Xabaalo Qod iyo Nidaamkii hore oo la caayo.

Waan ka xumahay in kuwaad Raarta gashatay eed Malqaacadda dahabiga ah ku quudineysay dhiggoodii ka qiimo badnaana Cidlada kaga dhaqaaqday ay adigii maanta dib kuu raamsanayaan Dibindaabyadaaduna laabtooda ku dawaarsantahey.

Waxaanse aad ugu faraxsanahay in aan arko kuwaad shalay si walba u gacan bidixeysay ee V8 kii aad qaybisay la dul marinayey, oo maanta Cadowgaaga kala duwan kaa difaacaya.

Waxaan ku faraxsanahay in ay yihiin kuwa maanta Af iyo Adinba kula garab taagan ee kaa caabiyaya Cadowgaaga ka soo kallahaya ama usoo kallahaya Xafiiskaaga iyo Hoygaaga Madaxtooyada.

Waxaan ku faraxsanahay in kuwaad kafankooda toleysay ay maanta kabtaada tolayaan, Hiil iyo Hoona aaney waxba kaala hadhin, ilaahay ka sokowna ay sabab u noqdeen in aad kaga badbaado Hogga Aakhiro wax yar ka sokeeya ee laguu qoolay.

Waxaa kale oo la yidhi :
Walaalkaa u hiili marka laga gardaranyahey, Marka uu gardaranyaheyna u hiili oo Qaladkiisa u sheeg kana qabo.

KSM Mustafe, Waxaan aaminsanahay in aad faa’idey aqoon iyo waayo aragnimo kugu filan oy Suntii iyo Fikraddii dalabta lahayd ee qadaadka lagaaga turqey hadda dhiigaaga iyo maskaxdaada ka meydhantay oon War-xumo Tashiil dambe iyo Nin Yurub iyo Mareykan deyn kaga soo dhoofay ku fooftan habaabin doonin. Ha la tashan Nin aad Jiffo uun wadaagtaan aseydaan aqoon, mabda’ iyo waayo aragnimo kale toona aydaan wadaagin isku Darajona (Level) aydaan ahayn.

Waxaan rajeynayaa in qoraalkeygan aad u qaadandoonto siduu yahay iyo baraarujin iyo dhanka wanaagsan oo aanuu ku baalmari doonin.

Waxaa la yidhi : Talada wanaagsan adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola.

Horaad u talo xumeysatee, intaad hogaan Deegaanka hayso (Ilaahay ha kugu asturee) Xasuusnow Rag Gogoshii waa Cadaalad iyo Sinnaan eegaba la kaalay oo Soomaali Galbeed oon kala gurneyn meel isugu keen. It is never too late for a new beginning.

Mindida daabkeedii gacantaadey ku jirtaa, waarina meyside War wanaagsani ha kaa hadho.

KSM Mustafe, Guul & Horumar dhankastaba ah ood Deegaanka gaadhsiiso ayaan kuu rajeynayaa.
Mahadsanid;
Ahmed Qadhabo
ahmedqadhabo@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso