DALKII AMA TUULADII INDHOOLAYAASHA

 

Buuraha dhaadheer anigoo kolba mid dusha uga baxaaya, ayaa markii danbe . cagtii ila siibatay oo aan buurtii dhinaca kale uga dhacay.

Waxaan dusha kaga dhacay Cariish, oo dhaawac badani ima soo gaadhin .

Waxaan arkay dad badan oo isdaba lugaynaaya oo aad moo did in ay INDHO LA,YIHIIN , sida ay isu daba socdan.

Waan la hadlay, laakiin iimay jawabin , ismanay taagin.

Kadibna waxaan weydiiyey in ay i arkayaan iyo in kale iyo in ay indho la’ yihiin ?

Waxay i waydiiyeen : waxay indhuhu yihiin ? iyo waxa ay tahay indho la@aantu ? iyo waa maxay aragu ? iyo waa maxay waxyaabahan uu ka hadlayaa ee aanay weligood maqlin ?

Waxa uu su.aalay : miyaanay Buurahaa dhaadheer iyo Cirkan iyo Dhirtan iyo Dhulkan aanay arkayn ?Waxay su:aal dib ugu celiyeen isagii iyo waxa uu sheegayaa ee uu ka hadlayaa . waxa ay yihiin ?

Waxa uu ka ogaaday in ay weligood sidan ahaayeen oo sidan ku dhasheen iyaga iyo Waalidkoodba iyo Awoowooyinkoodba . oo Cudurkan uu sheegaayo aanay weligood maqlin. ( Dadkanu muddoo 11 oday laga joogo , sidan ayey ahaayeen oo isku dhaleen , markii uu cudur indhaha ka dhacay , ee ay indho beeleen , oo ay muddo Boqolaal sano ah ay sidan ahaayeen ).

Kadib waxay u sheegeen , haddii uu doonaayo in uu la noolaado , in uu CUDURKAN indhaha la yidhiihdo iyo ARAGA in uu iska daweeyo ,oo la mid noqdo .

Haddii kale uu aanu la noolaan karayn , oo aanu ka mid noqon doonin oo ay weliba diyaar u yihiin in ay ka daweeyaan Cuduradan uu qabo ee uu sheegaayo ee isaga ku kooban .

Haddii kale , uu ka dhex baxo oo meeshii uu ka yimi ku noqdo.

Talo ayaa la soo gudbanaatay iyo in uu kala doorto 

In indhaha laga tuuro oo laga soo saaro , oo cudurkan aragtida la yidhaahdo laga daweeyo oo uu sidooda oo kale noqdo.

iyo in uu iskaga tago , oo uu meeshii uu ka yimi ku noqdo.

Hadaba dhawaan waxaan soo booqday , Tuulo  dadkeedu ay wada INDH LA’ YIIN , oo igu yidhi ?Haddii aad doonayso in aad nala noolaato , oo ad naga mid noqoto ( waa inaanu kaa daweynaa cudurkan aad qabto ee la yidhaahdo ARAGA iyo INDHAHA oo aanu kaa soo saarnaa oo aad sidayada noqotaa . 

Haddii kal aad naga tagtaa.

Waxaan markaa doortay in aanan la noolaan oo aana ka mid noqon , oo aan indhaheyga iyo aragayna aan heystaa.

Hadaba bal , maxaad fahantay 

 

Cali Maxamed Biixi

caliwwelli@hotmail.co.uk

Advertisement

Ku Xayeysiiso