SNM Halyeeladiila Hilmaamay ee Afrikada Bari iyo Muj: Idiris Cusmaan Hagarlaawihii la Weheliyay 29th January 2019th

SNM Halyeeladiila Hilmaamay ee Afrikada Bari iyo Muj: Idiris Cusmaan Hagarlaawihii la Weheliyay 29th January 2019th

Bismillaahi raxmaani raxiim

By Historian Mr  Cali Dool Axmed “C.Qoryoley”(Author of more than dozen of books, for History of Somaliland,World history,political culture of Somaliland,two sociology books like the Prisoners Gossips,Government  Constitution of Somaliland,Social culture and proccesse of development,and Ali was a lecturer  of Somaliland History at Golis University Hargeisa in 2016-2017th,   email: alidoolahmed@gmail.comTelephone : 00252634405993,Facebook: Cali Dool Axmed  Qoryoley

Waxkasta oo ilaahay qadaray waa kii la fuliyo,sidaas darteed inuu dalka jamhuuriyadda Somaliland xoroobi,oo uu dowlad dhisto,oo  dhulkeeda laga dul taago,calan “towxiidkii Eebbe ee 7 samo iyo 7da dhul ka cuslaa ama ka miisaanka weynaa” uu ku qoarn yahay,(kelimatullaahi culyaa).waa calan aan ahayn sida calamada dowladaha kale ee midabada badan uun leh,laakiin kani waa calan kelmaddii sarreysay ee towxiidka leh oo aan habeen iyo maalin midna hoos loo dejin karin ee  taagan,waa calan muuqiisa ay indhaha muuminiinta iyo indhahay Ilaahayba jeclaysanayaan,ilaahayna raali ka yahay.

Saaxiibayaal sadkiin waa jannee,sidii aad kusoo aragteen,qoraaladaydii hore ee taariikh halgameedkii mujaahid Idiris Cusmaanguray ku saabsnaa,dida taariikhdii qoyskii reer Cusmaaguray,taariikhdii Idiris iyo kaalintii uu kasoo qaatay halgankii SNM,arrimahaas waxad kagasoo bogateen, maqaaladii hore ee kala ahaa (,M/weyne Muusoow kani waa Muj: Idiriskii reer Kenya ee Naf iyo Maalba u Huray Halgankii SNM ee xorreynta dalka Somaliland iyp Xogaha Shirqoolkii ay Somaliya 1989kii Muj: Idiris ku Khaarajinaysay Sidii Jamal Khoshogi),maqaaladasoo soo baxay dhammaadkii Nov.iyo Horraantii Dec. 2018kii.

 (sawirkandhanka bidix ka bilow Mujaahid Idiris Cusmaanguray,Muj: Max’ed Jamac Nuur Blacki, Muj: Cabdillaahi Dhakaar iyo Muhj: Ibraahim Cige Jamac)

 

Hadaba akhristoow qoraalkan waxan waxoogaa kaga warbixin doonaa,taariikh halgameedkii halyeeyadii dalalka Afrikada bari halgankii SNM ka waday,aniga oo ku bilaabaya,4ta mujaahid xagga sare ku sawiran.

Muhiimadda ay Barashada Taariikhdu Leedahay

Bal hadaba aan idhaahdee,sida sunnaha nolosha laga bartay,dhacdooyinka taariikhdu waxay u qaybsamaan,2 nooc,dhacdooyin wanaagsan oo dadka nool xilligeeda ay imaatinkeeda ku raaxaystaan iyo dhacdooyin qallafsan ama khadhaadh oo dadka nool xilligeeda ayay xummaan iyo xannuun badan kala kulmaan imaatinkeeda,dhacdooyinka noocan dambe waxa loo yaqaanaa “taariikhihii madoobaa ee umamddaas soo maray”.

Dunida ma jirto dhacdo qadarka Eebbe soo dhinac martay oo aan ku qorayna looxul maxfuuka,fulinta dhacdooyinka taraiikheed ee saameynaha weyn yeelana doono,waxa uu Eebbe ku xoojiyaa junuuddiisa aanay indhaha Aadamuhu arki karin,dadka fulinta dhacdo taariikheeddaas loo xil saarana Eebbe midkasta awoodda qofnimo ayuu u kordhiyaa,qaar ayaaba awoodohooda qofnimo la gaadhsiiyaa in qofkiiba uu la awood noqdo 20 qof oo cadowga kasoo horjeeda ah.astaamo badan oo caddeynayay in mujaahidiintii SNM Eebbe awoodaha u kordhniayayna,taariikhda halgankaas waa lagu hayaa,waxabana aan ku timaami karaa,in mujaahid Idiris la weheliyay oo awoodda qofnimo loo kordhiyay.

Hadaba dhacdooyinka ama taariikhaha madow ama taariikhaha khadhaadh ee xummaanta iyo xinjiraha ku mariiman ee bulshadooda soo maray, ayay quruumaha ilbaxa ahi bartaan oo daraasadeeyaan oo ku cibro qaataan iyaga oo ka eegaya

          sababihii imaatinkii dhacooyinkaas taariikheed horseeday ee hordhaca u ahaa.

          Biowgii dhacdo taariikheedda iyo baaxadeeddii ama saameynteedii

          dadkiiku sunamay dhacdoada ee uu Eebbe u diray fulinta qadarkii qorraa ee Eebbe .

          iyo raadreebkii ay dhacda taraiikheedu ka tagtay ama dhaxalkii ay ka tagtaydhacdo taariikheeddu

          barashada dhacdooyinka taariikhduna waa tooshka lagu iftiinsado wada mustaqbalka lagu hayaaminayo  bulshada ay khuseyso.

Quruumaha horumaray ayaa cilmiga taariikhda barta oo si habboon uga faa’iideysta, kana feejignaada dib usoo noqoshadii dhacdooyinkii qallafsanaa iyo taraiikhihii madoobaa ee hore usoo maray,kuna dadaala inay waxkabartaan oo lagu cibra qaato,taariikhihii umaddooda iyo umadaha kale adduunyada ku nool ifka kusoo maray.

Tusaale ahaan marka ay ummadi u halgamayso xorriyadeeda iyo madaxbanaanideeda waxay la kulantaa dhacooyin qallafsan oo xanuun badan,dhiig iyo xinjiro badan oo daada,barakac iyo burbur  dhaqaale,geeri iyo goblan,darxumo iyo diihaal,daal iyo dalandool,daaduun iyo dangaraaro,dil iyo duudsi iyo ficilkasta oo khadhaadh oo cadowgoodu ku horjoogsan karo halgamayaasha u dagaalamaya xorriyadda dalkooda iyo dalkooda.

Ilaahay iasgaa xgmad badane quruumaha xorriyadooda u galgamaya,waxa uu howlaha adag ee ka midhadhalinta halgankooda u xulaa rag si gaar uu Eebbe u carbiyay,kuwaasoo uu Eebbe ku xoojiyo halganka si qadarkii Eebbe ee qorraa loo fuliyo ama loo hirgelyio

Halgankii ururkii SNM ee laga dhaxlay xorriyadda iyo madaxbanaanida dalka jamhuuriyadda Somaliland,sida sunnaha nolosha laga bartaywaxa uu Eebbe u xil saaray raggii iyo dadkiii ugu habboonaa ee howlihii khadhaadhaa ee halgankaas kasoo bixi karay.waxan odhan karaa,halgankii ururkii SNM gudo iyo dibadba waxa uu Eebbe u xulay dadkii ugu  habboonaa ee xilkaas culus u dhabar ayaydi karayay,dhammanatoodna waxa uu Eebbe ka dhigay dad diranayaal ah oo naf iyo maalba u huraya waajibkii weynaa ee xorreynta dadka iyo dalka Somaliland ee nafta la huriay,waxayna ugasoo bexeen sidii qadarka Eebbe ahaa,iyaga (mujaahidiintii la weheliyay ee SNM) cid aan iyaga ahayn oo fulinta howshaas kaga habboonayd aanay jirin.

Mujaahidiintiii la Weheliyay ee Guutadii 5aad ee ex..4aad Axmeguray

Akhristoow sadkaa waa jannee,mowduucan oo aan qaybaha dambe aad ugaga hadli doono,idam ilaahay,waxa uu ku saabsan yahay,barashada mujaahidiintii la weheliyay ee ilaahay ku xoojiyay halgankii xaqa ahaa ee ururkii SNM,waxan raadraaca qoraalada mowduucan kasoo bilaabi doonaa,mujaahidiintii gobolada galbeedka Somaliland,gaar ahaan Gobolka Gebiilay kaasoo ahaa gobolkii laga asaasay ciidankii SNM ee ugu horeeyay,waa guutadii 4aad Axmedguray laga bilaabay ciidamadii SNM ,waxan iskiin bari doonaa,mujaahid Muuse Budle oo ilaahay ha u naxariistee,oo ka mid ahaa mujaahidiintii xirfadda weyn u lahaa dagaalgelista,kaasoo uu Eebbe awoodda qofnimo u kordhiyay,waxa uu ahaa geesi isnacay kaasoo inta uu qaato,2 qori (mid baasuuke ah iyo qori PKM ah oo buuxa)ayuu marka waxoogaa dagaalada laga nasanayo uu keligii xilliyada cawadaranta ah weerari jiray guuto ciidamadii Somaliya ah oo meel deggan,kaasoo marka ay ciidamdii SNM ee uu ka tirsanaa ay duulayaan,inta uu taliyihiisii aadka u yaqaanay muj:Maxamed cabdi Jibriil (M.Dhuub),inta uu u yeedho,kuna yidhaahdo Muusoow kasoo dhex bax ciidanka dabadeedna inta uu keligii gooni usaaro uu ku amri jiray,inuu keligii dhinac ka dagaalamo,isaga qaadan jiray aag dagaal oo uu M.Dhuub u cayiimay oo uu weerar kaga qaado ciidanki cadowga,halkan ciidanka kale ee SNMna ay iyaguna aagga kale qaatan jireen,marka uu M.Dhuub ciidanka ka dhex saarayo,ayuu Muuse Budle isaga oo weji libaaxyeeshay yara gunuunuci jiray,waxa uu odhan jiray ( .Dhuubow maad nin maydkayga soo sheegto uun iraacisid?,ma in ana cidlo ku dhintaad doonaysaa,hadda intaas qorigiisii ayuu hagaajisanayaayoo wuu iska dhoolacaddeynayaa,,inayr kadibna gariirkii baasuukihiii uu la dhacayay ciidanka cadowga ayaa la maqli jiray,markaasay ciidankii guutadii 5aad iyaguna weerar kedis ah ku qadai jireen xeradii ay deganaayeen ciidankii cadowgu),sidaasay u halgamayeen mujahaidiintoo la weheliyay ee ururkii SNM iyaga oo saacado kooban   ku jabin jiray ciidanka cadowga ee ay weeraraan.

Saaxiibayaal waxan idin bari doonaa,dhammaan mujaahidiintii la weheliyay ee SNM,haddii ilaahay ii ogolaado,aniga oo idin xusuusin doono qaar badan magacyoodii iyo dagaalyahanimadoodii,mujaahidiintii la weheliyay ee SNM waxay ahaayeen kuwouu Eebbe u xil saaray xorreyntii dalka Somaliland oo gudaha iyo  dibadaba ka waday howlihii halgankii ururkii SNM…………..lasoco

Maxay SNM u Noqotay Somalida Jabhaddii Keliya ee ku Guulaysatay Halgankeedii Xornimo Doonka ahaa?

Saaxiibayaal sadkiin waa jannee,marka aan guud kooban ku sameeyo,asbaabihii faraha badnaa ee ururkii SNM u suurageliyay inuu noqdo, jabhaddii qowmiyadda Somalida ee qudha ee ku guulaysatay halgankeedii xornimo doonka ahaa ee 10 sano socday 1981-1991dii. waxanku sababayn karaa sidan:

          SNM waxay ahayd ururka keliya ee xaq ku dagaalamayay,ururkaasoo kelmadda culus ee towxiidku ay astaan u ahayd,kuna xardhanayd calankiisa,mujaahidiintiisuna markay dagaalamayaan ay ku dhawaqi jireenkelmadda “ALLAAHU AKBAR”

          SNM waxay ahayd urur ka keliya ee ay dhammaan qaybihii bulshada ee kala duwanaa ay ka qaybgaleen,(madaxdhaqameedyadii beeluhu,waayeelkii bulshadu eeganaysay,siyaasiyiintii,saraakiishii ciidan,abwaanadii,heesaagii,cuqaashii,maalqabeenadii,culimadii diinta,ardaydii da’da yarayd,haweenkii,ganacsatadii,aqoonyahanadii,xoola dhaqatadii IWM)

          SNM waxay ahayd ururka keliya ugu diimuqraadisanaa jabhadihii kale ee Somalida

          SNM waxay ahayd ururka keliya ee ku tiirsanaa dhaqaalaha taageerayaashiisu bixiyaan oo keliya

          SNM waxay ahayd ururka keliya,wadatashi buuxa ku shaqeyn jiray,waa loo sinnaa talada SNM.

Hadaba haddii aanyara  guud maro dhacdooyinkii taariikheed iyo isbedelka siyaasadeed ee  laga dhaxlay halgankii khadhaadhaa ee ururkii SNM hogaaminayay waxa ka mid ah,

          marka hore halganku waxa uu ka dhashay caddaaladda darro,dulmi iyo duudsi siyaasadeed ee lagula kacay dadkii reer Somaliland ee 1960kii midnimada Somaliweyn horseeday

          halgankii SNM waxa uu la dagaalamayay dowlad Aayadihii Ilaahay si cad u beenisay oo yaraysatay kitaabkii quraanka  kariimka ah

          halganku waxa uu la dagaalamayay nidaam kelitalis ah oo xukun maroorsi iyo amar ku taaglayn xun ku dhisnaa

          halgankii SNM waxa laga dhaxlay,qaranka mustafeysan iyo dowladda madaxbanaan ee jamhuuriyadda Somaliland

          halgankii SNM waxa laga dhaxlay, dowlad geeska Afrika ka dhalatay oo calankeeda uu ku xardhan yahay towxiidka Ilaahay,(sarreynta kelmadda ilaahay),

          halgankii SNM waxa laga dhaxlay dowlad uu dastuurkeedu caddeeynayo in dalkan lagu dhaqayo xukunka shareecada islaamka

          halgankii SNM waxa laga dhaxlay,walaanimo iyo nabadgelyo buuxda oo ay ku wada noolaadaan dadka ku nool dalka Somaliland.

          halgankii SNM waxa laga dhaxlay,xorriyadtul qowl iyo kobcinta waccyiga siyaasadeed ee bulshada Somaliland

          halgankii SNM waxyaalaha asasaiga ah ee laga dhaxlay aad iyo aad ayay u badan yihiin lamanaso koobi karo…………………………………….

Madaxweyne BiixiyowHagarlaaweIdiris Badhtamaha Hargaysa Deji si loo Xusuusto Halyeeyadii SNM ee Afrikad Bari

Waa waajib qaran inay dowladda Somaliland Muj: Idiris dejiso badhtamaha caasimadad jamh.Somaliland ee Hargayas,maxaayeelay waxay arrintaasi tulaase wanaagsan iyo kudayasho  u noqon doontaa,halgamada ay jiilalkeena dambe difaaca iyo horumarinta dalkooda u gali doonaan.

 

Idiris Wuxu ahaa Wixii Dhacayaba Dhankiisa Hayihii Halgankii SNM”

Markii aan daraasadeeyay kaalintii Muj: Idiris ee xilligii halganku socday,Idiris waxan odhan karaa wuxuu ahaa “wixii dhacayaba dhankiisa hayihii koowaad ee halgankii SNM”,hadaba Mujaahid Idiris waxa uu ka mid ahaa diranayaashii Eebbe ku xoojiyay halgankii SNM,dabadeedna Dirane Idiris Cusmaan,Dirane Maxax’ed Blacki,dirane Cabdiilaahi Dhakaar  iyo diranayaashii la nooca ahaa waxa ay u shaqeyn jireen,si ili ma aragtay ah,waxayna halgankii SNM u caawin jireen siyaalo badan ama sida Awliyada  iyo malaa’ikta  Ilaahay u tabantaabiyaan shaqada hirgelinta qadarka Ilaahay ah

Tsaale ahaan marka aan dhagaysto sheekooyinkii ama waxtarkiiay halgankii SNM u geysteen,guud ahaan muwaadiniintii reer Somaliland ee dalka Kenya deganayd,gaar ahaana Muj: Idiris Cusmaanguray,Muj: Max’ed Jamac Nuur Blacki iyo Muj:Cabdillaahi Dhakaarwaxay naftaydu isku canaanataa,maxaad maalinkasta u ururin wayday halgankii raggii uu Muj: Idiris hormuudka u ahaa? ,maxaa caajiska kuugu wacan qalinkaaga?.maxaad….maxaad……maxaad?

Halyeeyadii la Hilmaamay ee Barika Afrika u Joogay Ururkii SNM

Halyeeyadii bariga Afrika ee ay madaxdii SNM  hilmaameen ayay ka mid ahaayeen mujaahidiinta kor ku sawiran,halyeeyadii SNM ee dalalka Kenya iyo Tanzania deganaa, waxa hogaamin jiray Muj: Idiris Cusmanguray,waxasoo labeynayay Muj:Maxamed Jamac Nuur “Blacki”,waxana soo saddexeynayay Muj: Cabdillaahi Dhakaar iyo Muj: Ibraahim Cige,mujaahidiin kale oo badan oo aan taariikhohooda dib ka qori doono ayaa ka mid ahaa halgamayaashii SNM ee bariga Afrika SNM u  joogay.

Aan ku horreyee miyaad taqaanaa,wixii dhacayaba dhankiisa hayihii halgankii SNM Muj: Idiris?, Saaxiibayaal sadkiin waa jannee,aan idiinka warramee,markii aan dhankasta ka qiimeeyay,kaalintii uu halgankii SNM kasoo qaatay Mujaahid Idiris Cusmaan waxan ku micneeyay inuu ahaa,”WIXII DHACAYABA DHANKIISA HAYIHII HALGANKII SNM”,

JalleecistaDhacdo Halgameedyadii Halyeeyadii Afrikada Bari

Raggii dalalka bariga Afrika deganaa kuwaasoo badankoodu aan arag ama aan weligood imanin dalka Somaliland ka hor 1991dii,waxay ahaayeen kuwii ugu halganka badnaa qurbojoogeenii waagaas,tusaale ahaan,judhiiba markii lagu dhawaaqay ururkii SNM 6dii Abriil 1981dii

          mujaahidiintii SNM ee halyeeyada ahaa ee barika Afrika deganaa naf iyo maalba wey u hureen halgankii xorreynta dalka Jamh.,Somaliland,dhibaatooyin badan ayaana kasoo gaadhay,oo cadaadis dhaqaale,xadhig iyo qudhgoynba isugu jiray, dhowr jeer ayaana qaarkood dil lala beegsaday oo ilaahay ka badbaadiyay.

          Waxay ugu horreyntii abaabuleen dadkii Somaliland kasoo jeeday ee daganaa bariga Afrika si ay uga wada qaybqaataan halgankii SNM.

          Tallaabadii 2aadna halyeeyadii bariga Afrika waxay fureen sanduuq dhaqaale (banka account )ay SNM leedahay,Ibraahim Cige oo ahaan gudoomiyihii laantii SNM ee dalka Tanzania ayaa igu yidhi,markii aanu sanduuqa SNM u furnay waxa 20,000 ee dollar ee ugu horeeyay ku shubay Muj: Idiris Cusmaanguray,wuxuu Muj: Ibraahi yidhi,Caliyow IdirisCusmaanguray kaalintii uu la lahaa halgankii SNM iyo waxtarkiisii ilaahay uunbaa xisaabin kara,wuuna ka ballaadhan yahay,wax warqad kooban lagu wada sheegi karo,

          Mujaahid M.C.Cabsiiye waxa uu iisheegay,inuu mujaahid Idiris ahaa ninkii ugu horeeyay ee lacag usoo diraya,madaxdii  ururkii SNM markii ay 1981dii dalka Itoobiya gaadheen ee shirweynihoodii ugu horreyayna ay magaalada Lazareed ku qabsaanyeen isaga oo usoo diray 30,000 ee doollar pplacag aad iyo aad u badan ahayd.

          tusaale ahaan,Muj: Idiris iyo Muj:Blacki waxay ahaayeen laba halyeey oo umadda dalka Kenya ka dhex muuqday,halka uu Idiris ahaa,ganacsidihii ugu horeeyay ee reer Kenya ee dadka midabka madow ahaa ee dahabka (pricous stone) dibadda u dhoofiya,Blackina waxa uu ahaa,halyeeygii ugu horreeyay ee dadka madow eeku guulaystay tartanka baabuurta ee bariga Afrika caanka ah ee ee kummanaanka km  ah,Mr Blacki oo 1978dii dalka Kenya tartankaasugasoo hoyiyay guul weyn oo lasiiyay billad dahab ah,labaduba mujaahidba niman ganacsato ah oo gacantooda Eebbe waxgeliyay ayay noqdeen,gaar ahaan Idiris waxa uu Eebbe ka dhigay nin malyandheer ah oo xoolaha nool u dhiifin jirya dalalka Carabta,ganacsigisii iyo hantidiisiina waxa uu ku maalgeliyay halgankii SNM.

          halyeeyadaasi sannadkasta waxay soo dhoofin jireen oo xagga SNM usoo diri jireen raggii Somaliya kasoo tallaabayay,iyaga oo Hoteelada Nayroobi dejin jiray,baasabooro cusub usemeyn jiray.tikidhada ka bixin jirya,kadibna diyaaradda Itoobiyan Airline Addisabab u saari jiray,boqolaal mujaahid ayay xagga SNM u direen

          waxay sameeyeen cusbitaal gaar ah oo ay 2  dhakhtar oo lacag badan qaata ay ka shaqeyn jireen (mid Talyaani ahaa iyo mid Baakistaan ahi dhaawaca SNM ku daweyn jireen),waxana lagu daweeyay mujaahidiin badan oo dhaawacyo culus qabay.

          lacag gunno ah oo min (1000$) dhan ayay gudoonyihii SNM iyo madaxdii sarsare SNM bilkasta siin jireen.

          wufuud kala duwan oo ururkii SNM ah ayay ku casuumi jireen Kenya,si waxayna la xidhiidhin jireen dublomaasiyiintii dalalkii reer galbeedka,

          waxay ahaayeen raggii faafiyay warqaddii sirta ahayd ee gummaadka reer woqooyiga ee uu janaraal Morgan qoray Maxamed siyad barre 1985tii,iyaga oo inta ay guriga Idiris ku cassuumeen u gudbiyay wardaddaas xildhibaan aqalka wakiilada ee dalka Maraykanka ka socday oo dalka Kenya booqanayay.

          Cabdillaahi Dhakaar waxa uu kasoo jeeday qoys siyaasadeed oo madaxda sare dalka Kenya ka mid ahaa,(marna ra’iisal wasaare anaan jiray marnamadaxwryne xigeen ahaan jiray,waana siyaasigii caanka aha aee Ojingo Odingo,ama waa Rayla Odogno Aabihiisii caanka ahaa,arrintaasi waxay C.Dhakaar usuugelin jiray iyo halyeeyadii uu ka midka ahaa ee Kenya deganaa inay siro siyaasadeed oo badan ogaadaan oo dowladdii Somaliya ,khuseeya ay helaan kadibna ay kooxdu si cilmi kudhisanuga hortagaan,

          Cbadillaahi dhakaar waxa uu aha aninkii isaga oo aan baidkii araga Hargaysa yimmid Somaliland 1993diiisaga oo Mudane Cigaal casuumad uga siday madaxweynihii dalka Kenya ee la odhan jiray Danial Aramoi,Nayroobi taasoo horseeday in Cigaal loogusoo dhoweeyay Kenya sidii madaxweynihii Maraykanka oo si la mid ah,casuumaddaasi waxay sababtay inay madaxweyne Cigaal oo dhowr bilood uun kursiga ku fadhiyay ay dalal kale iyaguna casuumad madaxweyne usoo direen sida madaxweynayaashii dalalka geeska Afrika,sida M/weynihii dalka Jabuuti oo Xasan Guuleed ahaa iyo madaxweynaha dalka Eriteriya Isayas Afawarqi.

          C.Dhakaar waxa uu ahaa halyeeygii dalka Somaliland iyo dalka Kenya isusoo dhoweeyay 1990aad isaga oo booqasho rasmiya ku keenay Somaliland mudane Rayla Odongo 1997dii oo xilligaas xubin baarlamaan ahaa iyo mudanayaal lasocday weftigiisa kuwaasoo ilaa muddo todobaad ah Somaliland joogay,

          sidii ay halgankii SNM u tabantaabin jireen ilaahay uunbaa xisaabin kara,laakiin saacad qudha kama aanay nasanin inay kaalintooda qaataaeen ilaa dalku xoroobay 1991dii.

 

Kumuu Ahaa Mujaahid Max’ed Jamac Nuur “Blacki”

Sida aan kasoo xigtay mareegta farshaxan,Oday Jaamac Nuur oo wuxuu ku barbaarey degaanka gobolkaTogdheer ee wadanka Somaliland ,hase yeeshee socdaal uu ka tagay magaalada Cadan ee dalka Yemen ayaa suurtogaliyay inuu 1934kii ugu baqoolo dhinacaa magaalada Nayroobi ee dalka Kenya. Gu’gii 1950kii Waxaa aabo Jaamac Nuur iyo hooyo Marya.Cilmi ugu dhashay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya wiil ay

ugu wanqaleen Maxamed. Waxaa la dhashay caruur dhawr ah kala ahna Faadumo,C/Rashiid,Aamina-Shaadi, Xasan, Axmed, Kinsi,Farxiya .Taasi waxay tiradooda ka dhigaysaa 4 rag ah iyo 4 dumar ah.Mujaahid Blaki wuxuu ku barbaaray magaalada Nairobi ee waddanka Kenya oo uu waxbarashadiisii hoose/dhexe ku qaatey dugsiga Tanzaniya Private School.Halka uu dugsiga sarena uu ku dhameeystay dugsiga sare ee Nairobi High

 

Ka dib mujaahidku wuxuu u xoogsi tegay noqdayna shaqaale ka tirsan wasaarada dalxiiska (Ministry of Tourism), waxaanu isaga laftigiisu furtay shirkad gaar ah (private company)oo uu ka furay waddanka Kenya aanu isagu maalgaliyey. Iskufilnaanshaha dhaqaale ee Mujaahidku gaadhey wuxuu sababey inuu yeesho saaxiibo badan oo ka tirsan xukuumada Kenya, waxaase la yaab badneyd inuu yeesho taageerayaal badan oo aad ugu riyaaqsanaa heerka uu ka gaadhey tartankii baabuurta ee lagu qaban jiray geeska Afrika.Tani waxay aad ugu fududaysay inuu si hagar la’aaneed uga qayb qaate halgankii xaq u dirirka aanu door laxaad leh ka ciyaaray halgankii hubeysnaa ee SNM

kula jirtay teliskii Siyaad Barre.

Markii uu Maxamed Jaamac Nuur guul u soo hooyey, noqdayna hormoodkii qaarada Afrika ama qofkii ugu horeeyey ee ka mid ah dadka ku abtirsada midabka madow ee badiyey tartan noocan oo kale ah .Tartankani waxaa loogu magacdarey ama uu ku suntanaa 1978kii Harambee Rally.

Sawir dhinacani hoose ku xardhani wuxuu muujinayaa Mujaahid Blaki oo ku guuleystay

tartankii orodka baabuurta ( Professional Motor Sports Rally – East Africa) ee Bariga Africa saddexdiisa waddan ee Kenya, Tanzania, iyo Uganda laysku soo mari jiray. Tartankaasi oo goyn jiray masaafad ay baaxadeedu dhan tahay 6,500 km, waxaa berigii hore la odhan jiray “East Africa Safari”.Mujaahid Maxamed Jaamac Nuur “Blaki” wuxuu tartankaasi nooca 1600 CC Class uu koobkeedii kaalinta koowaad ku galay 1978kii, 1979kii, iyo 1980kii. Mujaahidku wuxuu noqday ninkii ugu horeeyay ee Afrikaan madow ah oo dhameeya 6,500 KM markii ugu horeeysay 1978kii , halkaasina wuxuu ka sameeyay taariikh lama ilaawaan ah oo ilaa iminka lagaga xasuusto waddankaasi Kenya. Blaki xilliyadaasi wuxuu aad uga soo bixi jiray jaraa’idka waddankaasi. Muj Blaki wuxuu kaloo ka mid ahaa 5tii nin ee ugu horeeyay ee Afrikan ah ee kaba qayb gala tartan baabuureed 1971kii . Ka dib markii uu tartano yar yar koobab badan ka qaatay wuxuu mujaahidku markii ugu danbeeysay wacdaro lama ilaawaana ka ah.Waxaa aad loogu tilmaamaa Mujaahid Blakie inuu yahay nin gacan furan aadna u deeqsi ah.Had iyo jeer waxaa lagu baadisoocaa inuu maal iyo muruqba u huro wuxuu aaminsan yahay una farobaxo.Waxaa maankiisa mari wayday sida xukkumadii Siyaad Bare ula dhaqmeysay goboladii woqooyi (iminkana ah wadanka Somaliland).Wuxuu markaa u hawlgalay siduu dhibta ula qaybsan lahaa qayb libaaxna ka qaadan lahaa halgankii xaq u dirirka ahaa ee SNM oo lagu dhawaaqey markii uu ka madax banaanaadey ka qayb qaadashadii tartanadii baabuurta .

Gu’gii 1985 ayaa koox ka tirsaneyd ururkii SNM socdaal shaqo u tageen wadanadaa Kenya iyo Tanzaniya. Markii ay marayeen wadanka Kenya ayaa waxaa ka war helay Maxamed Nuur Jaamac oo xilligaa Ilaahay gacanta u galiyey deeq lacageed iyo tiro ah hantida maguuraanka. Wuxuu markiiba u holadey qaabilida kooxdaa, isagoo ugu deeqay kharash ay hawlahooda ku fushan karaan, guri ka mid ah guryihiisii ka dib markuu furihii gurigaba gacanta ka saarey.Waxaa ka mid ahaa wafdigaa aqoonyahanka qalinka iyo qorigaba ku dirirayey mujaahid Maxamed Shiikh Ibraahim Xujaale. In ka badan dhawr jeer ayaa socdaal sidan oo kale ah ay xubno ka socdo ururkii SNM ku tageen dalkaa Kenya,waxaana ka mid ahaa ragga helay fursada ka mid noqoshada wafdiyadaa abwaan Maxamed IbraahinHadraawi, Xasan Guure, Abiib Timo Cadde, Korneyl Aadan Cadde, iyo rag kale oo badan. Maxamed Shiikh Ibraahim Xujaale oo ka waramaya kulankaa 1985kii oo ahaa kii ugu horeeyey ee kula kumay mujaahid Maxamed Jaamac Nuur ayaa yidhi; “Waxaa la yaab laheyd isagoon aqoon hore noo laheyn laakiin u dhuundaloolay hawlahaan u socono inuu noola dhaqmay noona soo dhaweeyey sidii dad waligoodba is yaqaanay.Waxaana xusid mudan in aan xilligaa wadey qorista buuggii “All in the Family” oo aan fursad fiican u helay qorista buugga markii uu noogu deeqay guri ka mid ah guryihiisa”.

 

Maxamed Sh. Ibraahin Xujaale oo ka waramayaa siduu u tilmaami lahaana wuxuu yidhi: “Waa nin gacan furan oo deeqsi ah, oo dulqaad badan, Ilaahay ku manaystay karti iyo raganimo dheeraad ah, waxaanu ka mid yahay dadka dhibta badani ka soo gaadhi jirtay taakulaynta kooxaha SNM ee dalkaa Kenya imanaya .Waxaa ayaan daro weyn ah in dadkii waxtarkaa uu Maxamed Jaamac Nuur “Blaki” u gaysanayey xubnaha SNM ay ka soo horjeedeen maamulkii Siyaad Barre .Waxaanay adeegsan jireen rag uu ka mid ahaaXuseen Cali Ducaale “Cawil” oo geed dheer iyo geed gaabanba u koray siduu hagardaamo ula beegsan lahaa xubnaha SNM ee halkaa ku sugan iyo dadka reer Kenya ee taageerayey halgankaa umadeed ay kana mid ahaayeen Mujaahid Maxamed “Blaki”iyo Mujaahid Idiris Xaaji Cismaan.(waxan kasoo xigtay mareegta farshaxan)

 

Goormuu Muj: Idiris Galay Dareenkii Halgankii Xorreynta Dalka Somaliland?

Maalin dhoweyd ayaan Hotel Maansoor kula kulmay ninka la yidhaahdo Cabdiilaahi Dhakaar,oo ahaa ninkii labaad ee Kenya deganaa kaalintiisii halgankii SNM ee soo labaynayay Idiris Cusmaan,iyada oo aan odhan karo,ninka saddexaadna waxa uu ahaa Maxamed jaamac Blacki iyo mujaahidiintii kale ee tirada badnaa ee reer Kenyaba dhammaantood ilaahay haka jasaa’isiiyo kaalintoodii lama illaawaanka ahayd ee ay kasoo qaateen halgankii xorreynta dalka Somaliland.

mujaahid Idiris oo aan isaga bilowgii janaweri 2019kii ku sheekeysay Hargaysa ayaan ka warraystay,goortii ay ku dhalatay inuu ka qaato halgankii SNM,ayaa waxa uu yidhi,”in aan halgankii SNM naf iyo maalba u huro dareenkiisii ugu horreeyay waxa uu igalay,maalin aanu sheekeysanay nin ka mid ahaa madaxdii hay;adda qaabilsan duulimaadyada diyaaradaha ee caalamiga ah,ayuu iiga warramay,muhiimadda ay magaalada hargaysa u leedahay,dhinaca xidhiidhinta duulimaadyada caalamiga ah ee u kala gudbaya qaaradaha afrika,Aasiya iyo Yurub,kadibna waxa uu iiga warramay inay Somaliya safar shaqo ku tageen wefti uu ninkaasi ku jiray,si ay madaxweynihii Somaliya ugu qanciyaan,in magaalada Hargaysa laga sameeyo,xarunta xidhiidhinta duulimaadyada caalamiga ah ee bariga Afrika,balse nasiib darro mashruucaas dowladdii Somaliya way is-hortaagtay,waxan la yaabay waxay dowladda Somaliya u diidan tahay in Hargaysa fursaddaas ganacsi la siiyo?

Markii aanu aad isu waraysanay sarkaalkii ajanebiga ahaa ayuu iisheegay inuu Siyaad Barre sababo siyaasadeed isu hortaagay codsigii hay’addaas caalamiga ah iyo ka furistii xaruntaas magaalada Hargaysa.Muj: Idiris wuxuu yidhi,,maalintaasioo qiyaasihii ku beegnayd badhtamihii 1970naadki,waxay igu reebtay xusuus xun,waxayna naftaydu in badan isweydiinaysay,waayo muxuu madaxweyne M.Siyad Barre u xaasidayaa horumarinta gobolada woqooyi ee ka mid ah dalkiisa ?.ugu dambeynti markii aan siyaasiyiin badan oo Somaliland kasoo jeeday kala sheekeystay arrintaas waxa ii caddaatay inay diidmadii dowladdii Somaliya ee horumarkii gobolada woqooyi ay salka ku haysay arrin siyaasadeed, islamarkaana uu Siyaad Barre muhiimaddaas ganacsi ee caalamiga ah uu u quudhi waayay inay helaan goboladii woqooyiga, kadibna waxay naftaydu in badan qoommammaysay,go’aankii ay reer Somaliland kula midoobeen Somaliya 1960kii,waxan in badan ka murugooday horumar caddaadisyadii siyaasadeed ee la saaray woqooyiga iyo  jeceylkii ay iyagu midnimada Somaliweyn u hayeen 1960kii.

Idiris waxa uu yidhi,cadhadii waagaas igashay ayaa igu kallftay in markii la asaasayay ururkii SNM aan noqdo,shaqsiyaadkii u riyaaqsanaa ee abaabulkii halganka kaalinta hore kaga jiray,waxan safari ganavsi ku tagi jiray,dalalka Carabta sida Sucuudiga,Baxrayn iyo Yamen,waxan goobjoog u ahaan dhammana shirarkii ay dalalkasa ku yeelan jireen waxggaradkii reer Somaliland ee ay ka mid ahaayeen Ina Wadaadiid,Ismaaciiil Buubaa,Sh Yuusuf Sh. Madar,Max’ed Xaashi,Duqsi iyo raggii kale ee eeyniga ahaa,

Mujaahid Idiris waxa uu ragga kale dheeraa,isaga oo ganacsade xoolaha u iibgeeya Carabta ahaa,markasta oo u Markab xoola ah u diro,dalalka Carabta waxa uu sii mari jiray xafiisyadii SNM eek u yaallay Addisababa,Diridhaba iyo Jabuuti,marka uu Kenya ku laabanayana wuu sii mari jiray  isaga oo taakulo u wada SNM.

Waxan ka akhriyay shabakadda Farshaxan,sheekooyin badan oo ku saabsan,halgankii Dirane Idiris iyo saaxiibadiis C/lahi Dhakaar iyo Max’ed Blacki,tusaale ahaan markii gudoomiyanimadii ururkii SNM loo  doortay Muj: Cabdiqadair Koosaar ayuu sidii caadada u hayd Muj: Idiris sii maray magaalooyinka Addisababa iyo Diridhaba,waxana uu la kulmay gudoomiye Koosaar,waxa uu ka waraystay baahidii ururkii SNM ee xilligaas taagnayd iyo waxkasta oo ciidamadii SNM u baahan yihiin,Muj:C/qaadir Koosaar waxa uu ahaa nin hal abuur dagaal leh,mowjado qorshayaal ah iyo warar badan ayuu Idiris ku akhriyay dhammaanna waxay ahaayeen xogo Idiris qiiro geliyay ,kadibna waxa uu Idiris ku dhiiriyay si loo badiyo tababarada iyo xeryihii ciidamadii ururkii  SNM in magaalooyinka Rabaso iyo Awaare laga furo laba xero ciidamo cusub oo SNM ah lagu tababaro,kharashkii tababarka cidamada iyo dereyskoodiina Idiris ayaa damaanad qaaday,sidaasaa lagu furay labadii xero ee ugu waa weynaa ee SNM ku yeelatay magaalooyinka xuduudaha bari ku yaala ee ku beegan magaalooyinka gobolka Togdheer sida magaalooyinka Burco ,Buuhoodle iyo Oodweyne.

Kumuu Ahaa Muj: Cabdillaahi Dhakaar?

Maalin dhoweyd ayaan Hotel Maansoor kula kulmay ninka la yidhaahdo Cabdiilaahi Dhakaar,oo ahaa ninkii labaad ee Kenya deganaa kaalintiisii halgankii SNM ee soo labaynayay Idiris Cusmaan,iyada oo aan odhan karo,ninka saddexaadna waxa uu ahaa Maxamed jaamac Blacki iyo mujaahidiintii kale ee tirada badnaa ee reer Kenyaba dhammaantood ilaahay haka jasaa’isiiyo kaalintoodii lama illaawaanka ahayd ee ay kasoo qaateen halgankii xorreynta dalka Somaliland.dhowr dhacdo oo uu  guud marayna,xagga hoose ayaad ka akhrisan doontaan.

Akhristayaalshayda sharafta mudanoow,inta aanan gudagelin mowduuceyga Idiris ku saabsan oo aad xagga hoose kaga bogan doontaan, waxan jeclaystai in aan idinku jalbeebiyo oo aan waxoogaa ka sheekeeyo,taariikhdii Mujaahid Maxa’ed Jamac Blacki,kaasoo ahaa mujaahidka  2aad ee ugu waxtarka badnaa halgankii SNM kaasoo dalka Kenya SNM deganaa.

Cabdillaahi Dhakaar oo aan wax ka wediiyay dhaqdhaqaaqoodii halgankii SNM,ayaa isaga oo qiiraysan igu yidhi,lamasoo koobi karo,howlgallayadii halgankii SNM ee kooxdayadii Kenya joogtay ay sameeyeen,maxaayeelay saacad keliya kama aanan nasan shaqada SNM iyo ka fekerista waxa xilligasa nala gudboon ee aanu gudan karo.

Cabdillaahi oo qoslaya ayaa yihi,xittaa markii uu Maxamed Siyaad Barre usoo qaxaya Kenya 1991dii,halgankii waanu sii wadnay,waxanu ka baqanaya inauu Madaxweynihii Kenya ee xilligaas Danial Aramoi oo dejiyo Kenya oo uu dhaqaale uu ku jabhadeeyo siiyo kadibna uu dib duulaan ugu qaado dalkii laga xoreeyay ee Somaliya.

Aniga iyo Idiris iyo Blacki baadhid dheer iyo xog ururin badan kadib waxanu ogaanay,in Hoteelkii uu deaganaa Siyad Barre ay madaxtooyada Kenya kharashkiisa damaanad qaaday,kadibna aniga ayaa u tagay,Ojingo Odino xilligaas oo gudoomiyihii xisbigii mucaaradka ahaa,waxana ku akhriyay xogihii ku saabsanaa Siyad barre iyo Danial Oramoi,kadibna inta uu wargaysyadii u yeedhay ayuu shir jaraa’id qabtay,waxana uu yidhi.(dowladda dalka Kenya waxan uga digayaa inay Maxamed siyad barre siiso taakulo dhaqaale iyo hub si uu ugu duulo Somaliya,waxaanu u ognahay inay dowladda Kenya magangelyo siyaasadeed siisay Siyad Barre imika dejisay Hoteel oo ay kharashkiisa iyadu bixiso,haddii ay go’aankaas ka noqon weydana cawaaqib xummo iyo colaad daba dheeraata ayay Somaliya ka dhaxli doontaa,mudaharaado lagagasoo horjeedo arrintaas ayuuna xisbiyagu ku shaqaaqi doonaa,”,markaasay madaxtooyadii Kenya soo saartay warsaxaafadeed,iyada oo beeninaysa inay dowladda Kenya caawinayso Max’ed Siyad Barre,hadana mar kale ayuu Ojingo Odingo shir jaraaid qabtay,waxana uu soo bandhigay,biilkii hoteelkii uu Barre deganaa oo ay bixisay madaxtooyadii Kenya,markii ay intaasi dhacday ayuu madaxweyne Aramoi la hadlay Barre oo uu ku yidhi,suuragal noqon mayso inay Kenya magangelyo siyaasadeed ku siiso oo aad nabadgelyo ku joogtide ka tasho,waxan kugula talinayaa inaad waddan kale magangelyo weydiisatid,maalintaas ayuu Barre go’aansaday inuu dalka Nayjeeriya magan galo oo uu dego halkaas.

Dirane Idiris  cahdigii uu socday halgankii SNM  waxwalba oo wuxuu ka doortay,inuu caddaadis iyo caddaalad darradii  haystay dadkiisa ka dul qaado xoolihiisiina ku bixiyo xorreynta Somaliland iyo inay dadkiisu xorrnimo buuxda ku noolaadaan,maantana isaga oo caafimaad qaba waxa uu dhex taxtaxaashayaa dalkiisii jamhuuriyadda Somaliland oo xornimo buuxda haysta.(waana ilaahay mahaddii).

 

LASOCO…………………………………………

Qore Cali dool Axmed

Advertisement

Ku Xayeysiiso