Daawo: Safiirka Cusub ee Dawlada Federalku u Magacawday in uu u fadhiyo Dalka Kuwait oo waraaqihiisi u gudbiyey Wasiirka Arimaha Debada ee Kuwiat.

Safiirka Cusub ee Dawlada Federalku u magacawday Dalka Kuwait ayaa nuqul kamida warqadaha aqoonsiga ugudbiyey, Sheikh Sabah Khalid Al-Sabah oo ah Kuxigeenka Raysul-Wasaaraha, isla markaana ah Wasiirka Arimaha Dibada ee Dawlada Kuwait.

Kulanka oo kadhacay xarunta Wasaarada Arimaha Dibadda , waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiirku Xigeenka Wasaarada Arimaha Dibadda, Kalkaaliyaha arimaha maamuska ee Wasaarada, Kalkaaliyaha Wasiirka ee Arimaha Dibada, sii hayaha isla markaana ah Qunsulka Safaarada Dawlada Fadaraalka Soomaaliya ee Dalka Kuwait iyo madaxkale.

Intii uu socdey kulanku waxaanu Wassirka Arimaha Dibada Ay ka wada hadaleen sii xoojinta xidhiidhka taariikhiga ah ee udhaxeeya labada shacab iyo dawladood ee walaalaha ah. Ka sokow in Wasiirku uu u rajeeyey inuu  ku guuleysto hawsha qaran ee lay igmadey, wuxuu xaqiijiyey in dawlada Kuwait ay aad uladhacsantahay horumarka iyo dib usoo kabashada ka socda Somaaliya, isla markaana ay diyaar u yihiin iney is garab istaagaan dawlada iyo shacabka Soomaaliyeed xiligan adag ee kala guurka.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso