Dibedbaxyo ka socda Dalka Venezuela

Dhaqaatiirta, ganacsatada iyo shaqaalaha kale ee Dowladda Venezuela ayaa dibadbaxyo ballaadhan ka dhigaya Magaalooyinka waweyn ee Wadankaasi, waxanay codsanayaan in gargaar Bani’aadanimo la gaadhsiiyo Shacabka, Xafiiskana uu banneeyo Madaxweynaha talada haya, Nicolas Maduro.

Taageerayaasha hoggaamiyaha mucaaradka, Juan Guaido, ayaa lulaya Calanka Dalkaasi, iaygoo ku dhowaaqaya ereyo ka dhan ah Madaxweynaha haatan talada haya.

Qaar ka mid ah dibed baxayaasha ayaa Al-Jaziira u sheegay in ay haysato dhibaato la xidhiidha xagga quutul daruuriga, waxanay ka cawdeen in aysan helin dhaqaale ku filan xaalad adagna ay ku jiraan Shacabka.

Todobaadkii tagay ayay ahayd markii uu , Juan Guaido isu Caleema saaray in uu yahay Madaxweynaha Dalka Venezuela, tallaabadaas oo ay ku kala qeybsameen Waddama badan oo caalamka ah.

Advertisement

Ku Xayeysiiso