Maxkamad ku taalla Kenya oo sii deysay Saddex Qof oo loo haystay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab

Maxkamad ku taalla Magaalada Nyeri, ee Dalka Kenya ayaa sii deysay Saddex Qof oo loo heystay in ay ka tirsanaayeen kooxdii weerarka ka geysatay dhismaha Dusit D2 Nairobi, badhtamihii Bishii hore.

Abdul Kibiringi, James Mwai Mwangi iyo Habiba Geeddi Hunshur, ayaa Maanta oo Jimca ah xorriyooda dib u helay, markii ay Maxkamaddu sheegtay in ay laamaha ammaanku baadhitaan ka dib ku waayeen dembiyadii lagu soo eedeeyay.

Maxkamadda ayaa caddeysay in qeybta Boliiska u qaabbilsan la dagaallanka argagixisadu ay xidheen Gal-dacwadeedkii ka yiillay Dadka la fasaxay, laguna waayay tuhunkii ku aaddanaa in ay wax ka ogaayeen weerarkii ay Al-Shabaab ka geysatay Nairobi.

Kooxda Al-Shabaab ayaa 15-kii January ee Sanadkan weerar ku qaadday dhismaha Dusit D2, ee Magaalada Nairobi, halkaas oo ay ku dhinteen inta la ogyahay 21 Qof.

Advertisement

Ku Xayeysiiso