Maqaalkan oo noqon doonaa qormadii labaad ee aan ku soo koobeynay buugga “DAİLY RİTUALS: HOW ARTISTS WORK” ee uu qoray Mason Currey.

Maqaalkan oo noqon doonaa qormadii labaad ee aan ku soo koobeynay buugga “DAİLY RİTUALS: HOW ARTISTS WORK” ee uu qoray Mason Currey.
Maqaalkan oo ah qeybtii labaad waxaynu ku soo qaadan doonaa qaar ka mid ah dhaqamaday lahaayeen dadkaasi uu qoraagu ka waramay. Inaga oo u eegi doona si kooban. Waayo haddii aynu is nidhaahno qof-qof u soo qaata , waxay u baahnaan doontaa qormooyin fara badan.

1. XILLIYADA AY SOO KICI JIREEN.
Xillyada ay soo kici jireen haddi aynu si kooban u sheegno , waxay u badnaayeen subaxa hore ; tusaale ahaan cel-celis ahaan wakhtiyada u dhaxeeya 5 subaxnimo ilaa 9ka subaxnimo.
Sidoo kale waxa jiray dad aan tiro ahaan badneyn oo duhurka soo kici jiray. Taas oo ay inta badan sabab u ahayd inay habeenka intiisa badan soo jeed iyo hawlo ku qaadan jireen.
Wakhtigii aan ku jiray akhriska buuggan , waxa arrin layaab ah ahayd in (Frances Trollope) ay 4ta subaxnimo fadhiisan jirtay goobta ay wax ku qorto. Iyada oo isku deyi jirtay inay qoraalkeeda dhammeyso inta aanay caruurteedu soo kicin!

2. AKHRISKOODA.
Xilliyada ay akhriyi jireen ,mawduucyada ay wax ka akhriyi jireen iyo goobaha ay wax ku akhriyi jireen waa ay kala duwanaayeen. Balse si guud haddaynu wax uga tilmaano waxaynu u qeybin karnaa :
• Dad subixii markay quraacanayaan wax akhriya , oo hal mar quraacda wax-na akhriya.
• Dad wax ku akhriya goobaha loogu talo galay akhriska (library).
• Dad wax akhriyi jiray galabtii ama habeenkii.
• Dad wax akhriyi jiray inta aanay seexan ka hor.
• Dad wax akhriyi jiray ka hor inta aanay bilaabin qoraal-kooda . Taas oo macnaheedu yahay markasta oo ay doonaan inay wax qoraan waxay ka horeeysiin jireen akhris.

Waxyaabaha ay wax ka akhriyi jireen waxa ka mid ah balse aanay ku koobneyn , buugaagta noocyadooda kala duwan gaar ah kuwa taariikhaha iyo dhacdooyinka caalamka laga qoray , sidoo kalena waxay akhriyi jireen buuggaagta xusuus-qorada loo yaqaan (biography) ee ay qoreen ama laga qoray dad magac ku leh adduunka. Sidaas si la mid ah waxa ay aad u akhriyi jireen intooda badani jaraa’idada iyo joornaalada wakhtiyada cayiman soo baxa sida kuwa bil walba ah ama saddex bilood ah, iwm.
Waxa iga xasuusin ah in maqaalka su’aasha ah “sidee buug loo akhriyaa?” , aynu qormo hore kaga jawaabnay. Maqaalka qormadana waxaynu ka jawaabnay su’aasha ah ” goorma ayaan wax akhriyaa”?

3. WAX-QORISTOODA.
Marka laga hadlayo caadooyinka ay lahaayeen dadka qoraayada ahaa ee buuggan ku xusnaa waxa ka mid ahayd inay si maalinle ah wax u qori jireen.
Cel-celis ahaan waxa ay wax qori jireen ama hadaf-koodu ahaa inay 3saac ku qaataan qoris maalin-kasta. Waxyaabaha ay wax ka qori jireen waxa u badnaa sheekooyin faneed. Balse waxa dhici jiray inay 3-daas saac maalmaha qaar ay ku dhamaato iyaga oo aan waxba qorin!
Qoraaya-daas talooyinkooda ku saabsan caadada wax-qorista waxaynu ku qaadan doonaa maqaalada dambe.

4. WAXAY CAAN KU AHAAYEEN QAAR KA MID AHI SOCODKA & HURDADA GAABAN .

Caadooyinka ay lahaayeen dadkaasi waxa ka mid ahayd inay jeclaayeen lugta. Tusaale ahaan ku dhawaad %30 dadka buuggan ku qorani waxay lahaayeen caado ah inay socod ku qaataan ugu yaraan 30 daqiiqo oo maalintooda ka mid ah. Wakhtiyada ay socod-kaas samayn jireena waxa ka mid ahayd marka ay dhameeyaan hawlahooda maalintaas , xilliga ay nasa-shada uga baxaan shaqadooda ama xilliga habeenkii. Waxa xusid mudan in dad badan oo ka mid ahaa dadka buuggan ku xusani ay lahaayeen fasax gaaban oo ugu yaraan ahaa 1saac si ay u qado tagaan.

Waxyaabaha ay caan ku ahaayeen qaar ka dadka buuggan ku xusani waxa ka mid ahayd hurdada galabtii. Taas oo u dhaxeysay 30 daqiiqo ilaa 1saac cel-celis ahaan.

5. WAXAY QIIMEYN JIREEN KUNA DEDAALI JIREEN JIMICSIGA.
Dadkaasi intooda badani waxay la iman jireen jimcisyo kala duwan sida samaynta jimcsi ay u diyaarisay dawladda Maraykanku shcabkeeda oo aan u baahneyn qalab. Jimicsigaas oo ujeedadiisu ahayd inay ku ilaaliyaan , kuna baraan shacabkooda qiimaha uu leeyahay jimcisgu. Sidoo kale waxay laaayeen hiwaayado ay qaban jireen wakhtiyada qaar una noqon jirtay jimicsi sida fardo-fuulka, dabaasha , ciyaarista tennis-ta , cunno-karinta iyo kaluumeysiga.
Sidoo kale waxa xusid mudan in qaar ka mid ah dadkaasi ay tagi jireen goobaha jidhka lagu dhiso.

6. WAXAY XIISEYN JIREEN BADANKOODU KAFEEGA, SHAAHA CAGAARAN AH IYO JIKOLAADKA.

Dadka ku xusnan buuggani intooda badani waxay aad uga heli jireen saddexdaas kor ku xusan .
Qaar ka mid ahi waxay ku bilaabi jireen ama quraac ka dhigan jireen keliya KAFEGA.Sidoo kale xilliyada ay shaqada ku jiraan ama ay wax qorayaan waxay isticmaali jireen KAFEEGA ama waxa ay cuni jireen JIKOLATADA.

Xidhmada maqaalka waxaynu soo aragnay sida ay u qiimeyn jireen akhriska iyo qorista . Taas oo aynu kaga dayn karno inaynu ugu horeyn barano caadada akhriska, inaga oo dooran karna xilli ka mid ah xilliyada ay dad-kaasi wax akhriyi jireen. Sidoo kale waxa aynu ka baran karnaa qiimaha ay leedahay in goor hore la kaco subaxii . Waayo wakhtigaasi waa wakhti barakaysan oo uu nabigu ALLE ka baryay inuu uu barakeeyo ummadiisa.

Dhinaca kale socodka aad ugu yaraan 30 daqiiqo maalintii aad lugeynayso waa mid inuu faa’ido badan u leeyahay caafimaad-keena la sheegay. Sidoo kale hurdada yar ee galabtii waa mid faa’ido u leh jidhka sidoo kalena waa sunne aynu ajar ka heli karno.

F.G
Haddii ay jirto cid u baaahan inaan maqaalo gaar ah u diyaariyo sida degelo ama wargeyso , waxay igala soo xidhiidh karaan ciwaankeygan hoos ku yaal.
Sidoo kale hadday jiraan cid xiiseynaysa akhriska ama aad tahay qoraa ama rabto inaad noqoto qoraa. Waxaad igala soo xidhiidhi kartaa ciwaankaasi.

Bulside3@gmail.com

La socda qeybta dambe.
Ka daalaco qoraaladii hore oo dhan degelkan.
https://medium.com/@Kadim

Advertisement

Ku Xayeysiiso