Sidii loo gaasiray Siciid Cali Giir ayaa Cali Sandullena loo gabay:
Siciid Cali Giir waxa uu ka mid ahaa saraakiishii ugu horaysay ee faro ku tiriska ahaa ee gartay inuu u gaylamo gobanimaddii Somaliland qaadatay 26ka June 1960kii ee ay
Hataqda ku tureen 33 Mudane Baarlamaan ee indhaha la’aa ee Somaliland lahayd. kuwaasi oo aan wax fikrad ah ka haysan go’aankii siyaasadeed ee burburiyay dadka reer Somaliland ilaa maantana halkii ka sii socda, iyadoo ay xilligaa ka soo wareegtay lixdan sano ku dhawaad taasi oo aanay xataa muuqan sidii ay ku soo afjarmi lahayd.
Halagaa ka yimi go’aan qaadasho qaldanayd oo ay horseed ka ahaayeen 33 Mudane Baarlamaan,
inay Italian Somalia U siiyeen in go’aan siyaasadeed kasta oo ay qaadato Italian Somalia ay Somaliland u daba
Fadhiisanayso. Waayo waxaa ay shaanbadda ugu dhufteen go’aankii siyaasadeed ee dadka
Reer Somaliland inay masuul ka yihiin qaybtii uu Taliyaanigu gumaysanayay taasi oo la macno ah in go’aan siyaasadeed oo kasta oo ay muqdisho gaadhaa aanay Hargaysa iyo Somaliland wax talo ah ku lahaan. Taasi oo aan taariikhda Adduunka meel kale ka dhicin Somaliland mooyee.
Bishii December 1961, waxaa arrinkaa diiday oo ka soo horjeedsaday koox Saraakiil ah
Oo uu hogaaminayay Alle ha u naxariisto ee Xasan-kayd Cabdulle Walanwal oo dabcan
Siciid iyo rag kaleba ka mid ahaayeen. Sidoo kale waxa ka mid ahaa Maxamed Siciid Caabbi oo ahaa Xiddiglihii kaliya ee ku geeriyooday horseedkii lagu soo dabaalayay in gobanimaddii Hataqda ay ku tureen 33 Mudane ee bilaa aragtida ahaa, Kuwaasi oo aan garanayn go’aankii qaldanaa ee ay qaateen iyo dhaxalka uu reebi doono. Siciid iyo Jaallayaashiisii kula bohoobay inay dib ugu soo celiyaan gacanta dadka reer
Somaliland gobanimaddii ay sida qaldan ugu gacan galiyeen Maafiyaddii Taliyaanigu gumaysan
Jiray,taasi oo aanay Xasan kayd, Siciid Cali Giir, Maxamed Siciid Caabbi iyo Jaallayaashood aanay ku guulaysan inay dib ugu soo dabaalaan gacanta dadka reer Somaliland. Laakiin waxa ay guteen xil qaran oo saarnaa.
Mudaddii lala soo noqday gobanimaddii luntay oo ku beegnayd 1991 kii waxa uu Siciid mar kale ka mid noqday horseedka baadigoobkeedii oo uu ka mid noqday SNM oo burbur badan ka dib ku guulaysatay in la soo dabaalo gobanimaddii mar kale. Dabcan Siciid labo
Jeer ayuu ka qayb qaatay halgankaa lagu guryo keenayay xornimadii Somaliland. Cidna se uma abaal gudin cidda kaliya ee wax ka tidhi ama xataa wax ka qortay uu yahay Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale, cid kale oo soo hadal qaaday oo aan ogahay ma jirto.
Sida dad looga qaateen ah ii sheegeen, Siciid mudo dheer ayuu ku dacdaraysnaa Hargaysa oo aan cid xaalaysa maamuladdii kala duwanaa, aanay jirin. Taasina waxay ku tusaysaa sida dadka reer Somaliland ay caanka ugu yihiin inay u darnaadaan inta Abaalka ku leh ee wax tar qaran gaysatay. Aakhirkiina uu ka dhuyaalay
Isagoo u dhalandhoolay magaaladda Laas-caanood ee barriga Somaliland oo uu ka soo jeeday, halkaas ayaana uu ku geeriyooday. Waxaan Eebbe uga baryaynaa inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo. Abaalkaana waa laga sugayaa wali dadka reer Somaliland ee uu u gaylamay labo jeer aanse gudin Dawlad iyo Dadwayne toona.
Cali Sandulle oo ay kala xilli ahaayeen ayaa isna sidaa si la mida wax badan u qabtay nabad ku soo dabaalistii gobolka Sool iyo guud ahaan Somaliland. Isna maanta ayuu Sariir yaal ku yahay Hargaysa, dawlad iyo dadwayne toona cid wax tartay ma jirto. Tanina mar kale waxay ku tusaysaa sida taariikhdu isku qorto iyo abaal la’aanta dadka reer Somaliland
guud ahaan iyo gaar ahaan dawlada oo aan doorkeedii dawladnimo aan marna ciyaarin haddii ay noqon lahayd
Siciid Cali Giir shalay iyo maanta Cali Sandulle midna.
Waxaan jecelahay in aan maqaalkan fariin u sii mariyo madax-waynaha Somaliland ee maanta Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo aan filayo inaanu wax badan ka tari doonin inuu Cali Sandulle u qabto wax la taaban karo oo ah abaalkii uu dalka ku lahaa wax uga celiyo, loona diro Dhakhtar dibadeed oo caafimaadkiisa lagu baanto. Haddii kale waxa ay noqonaysaa in gayiga Somaliland yahay gayigii abaal ka darka taasi oo aan kor ku soo xusay siddii Siciid Cali Giir loo galay loona dafiray abaalkiisii uu gaystay Qarni badhkii ka hor waana halkii uu Salaan Carrabey ka lahaa Xaashe nin libin kaa xistiyay, xumihii waa yaab.
Waxaan jecelahay inaan ku soo afmeero Maqaalkaygan haddii waxba loo qaban waayo Cali Sanduule maanata, sidii loo gaasiray Siciid Cali Giir ayaa Calli Sandullena loo gabay.
Waxa qoray: Cabdi Muhumed
Cabdimuhumed60@gmail.com