War ay soo saartay Hay’adda Save The Children ayaa lagu sheegay in Ku dhawaad boqol carruur ah oo ku nool bariga dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ay ugu dhinteen cudurka Ebola,iyadoo laga cabsi qabo in ay sii kordho.
Save the Children oo ah Hay’adda samafalka ee ka shaqeysa arimaha caruurta ayaa ka digaysa in haddii aan degdeg wax looga qaban xanuunkaasi ay qaadan doonto ilaa sanad in lala tacaalo,waxaana soconaya dadaalo xoogan oo looga hortagayo fiditaanka cudurkaasi.
Dalka Conga ayaa la sheegaya In guud ahaan tirade dhimashada ah ay gaadhayso ilaa shan boqol oo qof oo la xaqiijiyay in ay cudurka Ebola ugu dhinteen dalkaasi Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo,dowladda Congo ayaana sheegaysaa in cudurkan uu yahay kii ugu ballaadhnaa ee abid soo mara dalkaasi.
Warka ay soo saartay Hay’adda Save the children ayaa sidoo kale lagu sheegay in mid ka mid ah shantii qof ee uu cudurka ku dhacay uu yahay ilmo u badan kuwa ka yar da’da shan jirka.
Wadanka Dalka Congo ayaa marar badan la tacaalay cudurka Ebola,hase ahaatee waxaa la sheegayaa in xaaladda haatan ay tahay midi ugu darnayd abid soo marta dalkaasi.
Dhanka kale maleeshiyaadka ka dagaalama dalkaasi Congo ayaa la sheegayaa in ay caqabad ku yihiin amniga dadka dhakhaatiirta ah ee la tacaalayaa cudurkaasi,taasi oo keenysaa in ay is hortaagaan howlwadeenada caafimad.