Yuu u Qufulan yahay Dastuurka Somaliland?
Waxaad in badan ka maqlaysaa siyaasiyiin ku sheega Somaliland, dadwaynaha iyo warbaahinta ba “Dastuurka ilaa la furo hawshaasi ma suurta galayso.” iyo kan iyo keer. Iyadoo aad moodo inaynu ilduufayno su’aal aad u haboon inaynu is waydiino oo ah horta waa ayo cidda uu u qufulan yahay Dastuurka Somaliland?
Dastuurku waxa uu ka mid yahay dhaxalkii uu inooga tagay Alle ha u naxariisto e’ madaxwaynihii hore ee Somaliland Mudane Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Samayntiisuna waxay qaadatay mudo dheer oo kharash badani kaga baxay Qaranka Somaliland. Dad badan ayaa ka qayb qaatay oo uu ka mid ahaa Gudoomiyihii hore ee Golaha Wakiiladda Alle ha u naxariisto e’ Qaybe iyo nin
Suudaani ahaa oo saacaddii lagu siin jiray $150 oo Khabiir ku ahaa qoraalka dastuurka cusub ee la unkayo. Aakhirkiina hawshaa laga sameeyay buug yare in badan oo ka mid ahi qabyo tahay meelo badan oo ka mid ahna aad ku arkayso xeer ayaa qeexi doona.
Hadda geeridii mudane cigaal waxa ka soo wareegtay middo 17 sanno ah walina cid wax ku kordhisay iyo cid xaq u leh inay wax ku darto aan la garanayn.
Xattaa Cirro oo ahaa muddo dheer Guddoomiyaha Wakiiladda far uma qaadin inuu qabyo tiro isaga iyo golihiisu oo la odhan karo qabyo tirka Dastuurka waxa ay dani ugu jirtay in xisbigiisa Wadani uu ka qayb qaato doorsho dalka ka dhacda.
Mudane cirro iyo gole waynihii uu hor joogaha ka ahaa mudada dheer waa ay ku cambaaraysan yihiin arinkaa sababtoo ah waxay gudan wayeen waajib qaran oo ahaa in ay qabyo tiraan meelaha uu dastuurku qabyada ka yahay oo dhan. Cirro Waa uu ku bariiqday inuu hawshaa fuliyo taasi oo wax wayn ka tari lahayd in doorasho lagu soo doorto goleyaasha wakiilada iyo deegaanku ay ka dhacdo dalka. Waxa la odhan karaa qayb ayuu ka yahay in doorasho wakiilo iyo deegaan ka dhicin dalka isaguna waa mudano cirro e` uu eeda dhabarka u saarayo cid kale oo uu iska fogaynayo in uu badh ku leeyahay isaga iyo xildhibaanada kale ee wakiiladu. Waxaanu leenahy mudanayaal falaadhi gilgilasho kuma go’do.
Aan soo dabaalo hadalka iyo dulucda aan ka leeyahay maqaalkane, Yuu u xidhan yahay ama u qufulanyahay Dastuurka Somaliland ee lagu celcelinayo waa uu xidhan yahay. Waxaad mar mar is odhanaysaa ma marxuum Cigaal ayaa sameeyay oo haddana qufulay oo cid uu furihii kaga tagayna aan la garanayn. Dareen nooca ah inaad qaadatona ma aha mid la la yaabayo mar hadii aan la tilmaami karin cidda uu dastuurku u xidhan yahay.
Waxa aan qabaa in aan doorasho wakiilo iyo deegaan dalka ka dhacayn Deceber 2019-ka, iyadoo qoraalka Alle uu halkiisa yahay, hadana laba sababood ayaa carqalad ku ah in ay doorasho dhacdo ayaan qabaa oo kala ah :
- Qufulkan dastuurka saaran.
Waxa aan soo jeedinayaa in la furo tanina waxay xal u noqonaysaa carqalada labaad oo ah
- Arintata saami qaybsiga ee cid waliba ka qaylinayso.
Iyadana waxaan soo jeedinayaa in la helo qaran somaliland ah oo loo dhanyahay oo si siman wax loo qaybsaday.
Waxa aynu ku celcelinaynaa dastuurka ha la furo laakiin waxa ka horaysa yaa awood u leh ma golaha wasiirada, mise madaxwayne Biixi mise golaha wakiilada. Waa in la helaa cidda awooda u leh oo wax laga qabtaa arinkan oo caqabad ku ah waxyaabo badan oo ay ka mid tahay wadahaldii lala waday Cali Khaliif iyo Kooxdiisii la baxday Khaatumo. Sida ay ilo xog-ogaal ahi sheegeen waxa ay wada hadaladaasi u midho dhali waayeen waa qodobadii lagu heshiiyay oo waxba kama jiraan ku noqday dastuurkeena.
waxaan ku soo koobayaa laba arinba waa in aynu qorashe cad ka yeelano mid waa dastuurkan aynu ku celcelinayno uu xidhan yahay. mida kalena waa “Somaliland hadaynu nahay wali aqoonsi aduunka kama haysano“ oo iyadnu 30 sanno kusii durkaysa.
Mise dadka reer somaliland waxay la dabeecad yihiin shibirka Baqbaqaa oo wixii la yidhaa kadaba yidhaa cidii tidhi.
Allaa mahad leh.
Waxa qoray: Cabdi Muxumed