Muxuu Alle (SW) Kala Hadlaa Muruqan-Yar ?
Khuburada ku xeelka dheer cilmiga barashada caafimadku waxay sheegaan, in marka ay dhimato maskaxadu uu qofku geeriyoodo, iyadoo ay inoo muuqato kumanaan kun oo qof oo maskaxdoodii dhimatay (Death brain), haddana nool oo uu sii shaqeynaayo wadnahoodu iyo kumanaan kun oo kale oo wadnahoodu joojiyey shaqadii uu qabanaayey oo sidaasi ku geeriyooday, taasi waxay inoo cadeynaysaa in aanay wax-aqoon ah u lahayn khubarad ku xeel-dheer cilmiga barashada caafimaadka wadnuhu.
Haddaba, waxa isweydiin mudan, muxuu Alle (SW) kala hadlaa Muruqan-Yar?
Waa muruq-yar oo leh sharaf iyo qurux, waxaana quruxdaasi lagu tilmaamaa, fudeydka, rayraynta, raaxada, farxadda iyo deganaashaha laga dareemo marka uu qofku sameeyo samo-falka, laakiinse, waxa murugo badan iyo degenaansho la’aan ku keena shaydaanka iyo falka –xun ee uu qofku sameeyo, waxaana xannuun ku keena labada xannuun ee la yidhaahdo, shakiga iyo laba-wajiileynta.
Muruqan-yar waxa la yidhaahdaa wadne, Alle’na (SW) waa Qalbi-jire, Qalbiguna waa kalmed af-caribaya oo macnaheedu uu yahay wadnaha, wadnuhuna waxa uu leeyahay meel lagu keydiyo araga, maqalka iyo hadalka, Damiirkuna waa fu’aadka, Fu’aadkuna waa kalmed af-carabiya oo macnihiisu noqonayo, marka uu wadnuhu sameeynayo dareennada, farxada, warwarka, walaaca, hamada, buuqa, cadhada, murugada iyo qiirada, rumeyntuna waa iimaanka, laabtuna waa sedriga, sedriguna waa kalmad af-carabiya oo macnihiisu noqonayo laabta, waa kadinka ay ka soo baxaan araga, maqalka, hadalka, halkaas oo uu kaga faaideysto sheydaanku.
“Indhaha qalbigaa ka eegmo fog, oo waxaanay arkeyn buu ogaadaa, “ Midhiihii Erayaddii Dhakhtar Carabayto”
Muruqan yar waxa lagu qiyaasaa celcelis ahaan cabir miisaanka culeyskiisu gaadhayo 310-garaam oo culeys ah, waxa ku yaala qolkiisa midig ee ugu sareeya unug yar oo ah dareen dabka-dhaliya, kaasoo sameeya garaaca uu ku shaqeeyo wadnuhu ee afka qalaad loogu yeedho sinus node (pacemaker), waxaana lagu qiyaasa in uu halkii daqiiqaba sameeyo garaac gaadhay 60-illaa iyo 100-jeer dadka waaweyn, marka uu joojiyo garaaca wadnuhu, waxa dhamaan jidhka intiisa kale laga dareemaa qabow aad u badan, taasina waxay ina tusinaysaa in uu u xil-saaran yahay sameynta kulka uu u baahan yahay jidhku aadamuhu.
Wadnuhu waa muquq-yar oo sameynaya dhaqdhaqaaq iyo dhawaaq codeed oo ay ku duuban erayada dhawaaqa baniaadamka ee afka qalaad loo yaqaano “Human Voice” codkaas oo wadajiraa marka uu ka soo baxa ee uu soo gaadho laabta, waxa sii qaybiya hawada uu soo saaro sambabadu, waxa kale oo lagu qeexaa in uu leeyahay habka koritaanka aqoonta, dareenka, hamiga, fahamka ,fikirka, xisaabtanka, jiheynta, go’aan qaadashada iyo ha’yadda sirdoonka ee afka-qalaad loogu yeedho Cardio centric oo ku yaala wadnaha badhtankiisa.
Wadnuhu waxa uu leeyahay dareen afka-qalaad loogu yeedho “Heart nervous system” kaasoo fariimo u dira maskaxda, waxaanu sii daaya dheecaacanka jaceylka loo yaqaan “love hormone” ee afka-qalaad loogu yeedho “ Oxytocin”, dheecaankaaasi maaha mid ahmiyad gaar ah u leh jaceylka oo kaliya, laakiinse, waxa kale oo lala xidhiidhiyaa in uu ahmiyad weyn u leeyahay xiisaha, dareenka, waxa barashada, waayo-aragnimada, daaweynta dhaawac’yada, keydka xussuusta, awooda dareenka fahanka iyo habdhaqanka dabeecada bulshada , gaar ahaan, hooyooyinka nuujinaya iyo kuwo uurka leh.
Wadnuhu waa muruqa ku sii daaya dhiiga halbowlayaasha dhiiga xanbaara hawada, dheecaamada, macdamaha, sida Tamarta “carbohydrates” nafaqada “ proteins” Fiitamiinada iyo macdamaha kale ee loogu tallo-galay unugyada jidhku ay ku noolyihiin, waxaanu sii qaadaa walxo khashin ah isagoo ka saara jidhka, waxaanu illaaliyaa heer-kulka iyo dheelitirka xajmiga awooda biyaha uu qaadanaayo maqaarka jidhku.
Jinkuna waxa uu raacaa dhiiga wadnaha, waxaan xusuustaa wakhti laga joogo ku dhawaad 13-sannadood ka hor, mar la iigu yeedhay gabadh uu jin-galay, si aan ugu xidho dawada dareeaha macdanta ee loo yaqaano Dextrose 5% oo loogu soo daray millan dawo dareere ah oo uu soo siiyey mid ka mid ahaa culimada cudurada nafsaaniga ah dabiibaa.
Markii aan ku muday irbadii xididkii gacanta ee aan ku furay dawadii dareeraha ahayd, waxaan arkay dhiig kor u sii raacaya tuunbadii dheerayd oo gaadhay badhtamaha laga xakameeyo hakinta iyo socodsiinta caagada dawada dareeraha ahi ku jirtay.
Isla-markaana, waxaan isku dayey in aan joojiyo dareerihii, oo aan ka saaro irbadii ku jirtay xididka, waxaan ka sii daayey dhiigii kor u raacay tuunbadaas, waxaan mar-labaad isku dayey, in aanirbadii raaciyo xididka gacanteeda kale, waxaan mar-labaad arkay dhiigii oo kor u raacaya tuunbadii ku xidhnayd Sayloonka, waanan ka xidhay, irbadiina waxaan ka saaray xididkii, anigoo haddana, ka sii daayey dhiigii raacay tuunbada, ka dib, waxaan weydiiyey su’aal qof ka mid ahaa qoyskii gabadha, waxaanu ku idhi “ Ma jirtaa wax kale oo uu sheekhu yidhi”, ha’loo raaciyo dawadan marka lagu mudaayo, waxay iigu jawaabtay “ Alla waxaan kaa illownay cajald quraanka oo uu sheekhu yidhi ha’loo shido marka dawada lagu mudaayo”
Ka dib, markii lagu riday cajaldii quraanka ahayd cod-baahiyihii uu dhawaaqay, ayaan xididkii ku muday irbadii ee aan ku furay dareerihii daawada ahayd, si fiican buu u qaaday daawadii dareeraha ahayd xididkii dhiigii wadnaha gabadhii aan ku xidhayey daawada .
Tixraac: Quraanka Kariimka ah suuradaha iyo aayaadaha:- {Surah Al-Axsaab:33:26, Al-xaj : 53, Al- Baqra: 2: 7, Al-Baqra: 2: 10, Al-Baqra: 2: 74, Al- Baqra: 2: 225, Al- Fatxi: 29: 4, Al- Isra: 111: 36, Al- Cimraan: 3: 156, Al-xaj:22: 46, Al-xaj:22: 32, Al-xaj :22: 53, Al-acraf: 7: 100, Al-acraf: 7: 179, Al-Anfaal: 8: 2, Qaaf: 50:37, Al-maa’ida: 5:52, Al-maa’ida: 5:41, Towba: 9:77, Towba: 9:45, Towba: 9:93, Al-racda: 13:28, Taqaabuun: 64:11, An-faal:8:63, Xujraat:49:3, Al-Shuucraa:26:88-89}
Qoraa: Maxamed Faarax Qoti