“Shirkani waa mid lagula xisaabtamayo madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, xisbiyo ayaad doorateen, markii xisbiyada la doortayna aniga WADDANI wuu I doortay oo UCID baa I doortay, siday ii doorteenna waa markii codkii la riday KULMIYE ayaa u badsaday, labadii xisbi ee kale haddii aanay oggolaanin oo codkii igu soo wareejin oo aanay odhanin madaxweynow dalka dhex baad u tahee wad maynu soconneen oo sida Koonfurta ayeynnu is layn lahayn, markaa xisbigii KULMIYE oo masuuliyaddaas sida oo qaranka oo dhan u hadlaaya, ayaa ila xisaabtamaya, shanta boqol ee dhaw dhaw ee shirka imanayaana waxa ay ka imanayaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland oo dhan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.