Maqaalka qormadan waa qeybtii u danbeysay taxanihii aynu ku soo koobeynay buugga DAILY RITUALS ee uu qoray MASON CURREY.
Qormadan waxaynu ku qaadan doonaa talooyin ay bixiyeen dadkaas ku xusan buuggasi .
Talada 1aad
Waxaynu ku soo qaadan doonaa sida ay bulshada ugula talin jireen inay noqdaan qaar barta kuna dedaala inay joogteeyaan qorista.
Talooyin-koodaas waxa ka mid ahaa:
- Mid ka mid ahi qoraayadaasi waxa uu yidhi maalinkasta u qoondee 3 saac inaad ku qaadato qoris.
- Qoraa kalena waxa uu talo ku bixiyay inaad maalinkasta laba saac ku qaadato qoris.
- Waxa uu mid kalena bixiyay talo aad u adag , oo ah maalinkasta 6 saac ku qaado qoraal. Saddex saac oo gelinka hore ee maalinta ah iyo saddex saac oo kale oo ah gelinka dambe ama habeenkii.
- Halka qoraa kale uu yidhi ugu yaraan maalin-kasta ku qaado 30 daqiiqo qoris.
Haddii aynu qiimeyno talooyinkaas ku saabsan qorista ee ay soo jeediyeen qoraayadaasi kala duwan , waxay ila tahay qoraaga yidhi : maalin-kasta saacad badh-keed ku qaado qoris ayaa u muuqata mid aynu si fudud ku bilaabi karno una joogteyn karno.
Sidaas awgeed in qofku barto caadada ah wax qorista waa mid adag. Balse u sabrid iyo ku bilaabida inaad wax ka qorto waxa aad xiiseyso ,ama aad aqoon u leedahay , ee aan kaaga baahneyn hawl badan ayaad ku bilaabi kartaa.
Tusaale ahaan inaad maqaalo ama buugaag aad akhriday soo koobtid oo ah xogaha ku jira ururisid , dabadeeto aad bulshada la wadaagto ; waa mid kaa caawin karta inaad kula qabsatid caadada qoraalka.
Waayo marka laga hadlayo dhibaatada haysata bulshada Soomaaliyeed iyo luuqadeeda oo aad arkeyso inay saameynteedu sii yaraaneyso , waxyaabaha sabab u ah waxa ka mid ah in aanay jirin buugaag iyo qoraalo badan oo ku qoran luuqadeena. Taas oo keeneysa inay meesha ka baxaan ama sabab u noqon doontna inay yaraadaan isticmaaalka iyo barashada da’yarta ee kelmadaha qaar . Inaga oo ay tusaale inoogu filan tahay barnaamij-ka KAS-MAAL ee la qabto bisha Ramadan.
Talada 2aad
Isku dey inaad noqoto qof isku filan. Taladan oo ka hadleysa inaad noqoto qof naftiisa u adeegi kara. Isla taladan waxaynu ku soo qaadanay maqaalkii ciwaankiisu ahaa “ noocyada ahdaafta”. Sidaas awgeed macnaha ku duugan isku filaanshaha waxaad ka daalacan kartaa maqaal-kaasi.
Balse keliya waxa xusid mudan in dhaqanka isku-filaanshuhu uu ahaa mid aan ku arkay qaar ka mid ah dadka buugga ku xusan.
Talada 3aad
Baro waxa aad ku fiican tahay , sidoo kale ka caawi dadka inay ogaadaan waxay ku fiican yihiin.
Gabadh qoraa ahayd ayaa waxa uu kula teliyay nin macalin ah oo dhigi jiray habka wax loo qoro , inay maalin-kasta wakhti gaar ah u qoondeyso inay wax qorto.
Sidaas awgeed inaad naftaada barato waxay ku fiican tahay , oo aad ka faa’ideysato aqoontaas ama xirfadaas sida haday tahay xirfada technology-ga , ama xirfadaha badan ee ay bulshadaaadu u baahan tahay . Oo aanad noqon mid kala bakheyla u sheegista ama ku xad-gudba kuna adoonsada bulshada aqoontiisa ama xirfadiisa. Sida aynu ku soo qaadaanay maqaalkii ciwaankiisu ahaa “ ha xad-gudbin hana bakheylin”.
Dhinaca kale waxay taarikhu xustay in kelmad keliya oo dhiirigalin ah oo aad ku tidhaahdo qof aad arkeyso ama dareemi karto waxa uu ku fiican yahay , ay sabab u noqon karto inuu helo dhiirigelin uu ku gaadho heer aanu filanayn inuu gaadho.
Talada 4aad.
Marka aad wax bilawdo isku dey inaad joogteyso. Sidoo kalena maalin-kasta u deji hadaf waxa aad qaban doonto.
Qoraagii weynaa ee Ruuskha ah TOLSTOY , waxa uu yidhi : ujeedada ugu weyn ee aan wax u qoraa waxay tahay inaan barto caadadada qoraalka. Waayo haddii aanan dhawr cisho ama maalin aanan wax qorin , waxa laga yaabaa inaan ilaabo ama ay nafteydu diido caadadan qoraalka. Sidaas awgeed ujeedadu maaha inaad wax wanaagsan qorto , balse waa inaad barato caadada wax-qorista.
Waxaana xusid mudan in intii aan ku dhex-jiray akhrinta buuggan aan arkay , dad qoraayo ah oo maalin-kasta 3 saac u fadhiyi jiray qoraal. Laakinse marka ay saaca-dahaasi dhamaadaan waxay kici jireen iyaga oo aan maalmaha qaar hal xaraf qorin!.
Waxaan filayaa qeybta dambe ee taladani uma baahna faah-faahin.
Xidhmada maqaalka waxaan rajeynaa in buuggani u ahaa mid aynu dhamaanteen ka faa’idney ugu yaraan hal shay oo nolosheena wax-tar u yeelan doona.
DHAMMAAD
F.G
WAXAAD IGALA SOO XIDHIIDHI KARTAAN CIWAANKAN HOOSE .
@2019.