War-saxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska oo khuseeya wasaaradda gaadiidka iyo gaadiidlaydu war isuma hayaan,
wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiintu maxay qabataa?
Waxaa ciillan gaadiidayda dalka madaxa bannaan ee jamhuuryadda Somaliland
Waxaad arkaysa suuqa wadnaha caasimadda Hargaysa oo dadkii iska riixayaan gaadhi soconaaya waxaa kale oo aad arkaysa gaadhi waddada lagaga tegay oo xidhay isucodka dadka iyo gaadiidka waxay kalliftay in ay wadayaasha gaadiidku ay isu soo degaan si ay iyagu ciidanka waddooyinka u matalaan marmark qaarkoodna isku af dhaafaan
Waxaa iswaydiin leh mee ciidankii u xilsaarnaa ee ay gaadiidku cashuurta ku bixinayeen
Dambi malaha ninkaan diiday odhan karayne
Wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta
Waa waasaarad aanay caddayn shaqada ay dalka u qabato
Caalamka waa wasaarad tiir adag u ah waxay dalka u soo kordhisaa diridda waraaqaha iwm
Talo soo jeedin
In aanay soo galin galinka gaadiidku galinka hore iyo galinka dambe wadnaha caasimadda in ka ay hawlgalaan ciidanka waddooyinku suuqa dhexe ee caasimadda .In ay dawladdu ururrada maxalliga ah wax la qabato kuwaas ka qayb qaata horumarinta dalka .In wasaaradda caafimaadka laga haqabtiro qalabka loo adeegsado caafimaadka si bulshada danyarta ah ee aan tahli Karin dhaqaale buuran oo laga qaado loogu adeego waxaanu maqalla dalk waxba loogama qaban karoIn la sameeyo wasaarad dhallinyarada dhaqanka xunxun ku kacda laga wacigeliyo si ay yaraadaan dhaca iyo tuugta loona bixiyo wasaaradda dhaqanceliska iyo tababbarka suubbanIn deegannada aanay biyuhu gaadhin la gaadhsiiyo biyo ku filanIn mar uun la arko wasiir lagu soo eedeeyey lunsni hanti qaranIn dadka danyarta ah laga dhaafo cashuurta.
Ha ku ciil bixin tiiraanyo xasuuste walaal ma xidhiisho.
Ha ka baqan xaqaaga
Ha dhibin walaalkaaga aad dalka wada leedihiin.
Ha moodin in aanad dhimanayn
Deeq Cabdi Digale