Aafooyinka Ragaadiyay Horumarka Afrika W/Q Dhaqaale Yahan Muuse Cabdi

Afrika waa qaaradda labaad ee dunida ugu wayn, sidoo kalena waa isla qaaradda labaad ee ugu dadka badan.

Afrika waa qaarad leh aqoonyahan tiro badan balse nasiib darro hadana waa qaaradda jahliga dunida ugu badani uu yaallo, sababta oo ah dadkeedii aqoonta lahaa waxay ka shaqaysteen waddamada horumaray.

Afrika waa qaarad leh xadi roobaad ku haboon beerashada, carro ku habboon qodaalka, sidoo kalena hesha 12-ka biloodba qorrax, balse hada waa qaaradda ugu wax soosaarka yar.

Afrika waa qaaradda ugu macdanaha iyo khayraadka badan haddana waa qaarad in ka badan kala badh dadkeedu ay ku nool yihiin faqiirtinimo kuwaas oo ku nool wax ka yar 2$ maalintii, Afrika waa qaaradda laga helo dhammaan noocyada daawooyinka kala duwan balse hadana waa qaaradda ay ka jiraan dhammaan noocyada cudurada la yaqaano, hadaba marka xogahaas aan kasoo gudubno, waxa uu qofkastaaba is waydiinayaa su’aalo badan.

Waxaana kamid ah su’aalahaas sidee qaarad leh wax kasta oo horumar lagu gaadho hadana ay u noqotay qaarad sidan oo dhan u ah faqiir una dib dhacdey?

Hadaba shakhsi ahaan waxaan halkan kaga hadli doonaa qodobo dhawr ah oo aan u arkay in ay yihiin kuwa sababay dhibaatadan afrika udiidan inay horumarto. Isla qodobadaas ayaan mid-mid si cilmiyaysan ugu hadli doonaa aniga oo ku dabaqaya cilmigii aan bartay iyo waliba aqoonyahanadda ka hadla arimahani waxa ay ka yidhaahdeen.

Qodobka kowaad ee aan ka hadli doonaa waa mucaawinooyinka dibadda. Mucaawinooyinka dibadda( Foreign Aid) Maadaama afrika ay tahay qaarad aad uu faqri u saameeyey isla markaasna ay ka jiraan dhibaatooyin aad ufara badani, waxa ku adkaata maamulada markaas xilka haya inay la tacaalaan ama ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka faraha badan ee wadamadooda kajira kuwaas oo ay ka

mid yihiin faqri, macluul, cudurro, sicir-barar, jahli iyo waliba xaalado degdeg ah oo mararka qaar soo wajaha sida dabaylo, duufaanno, dhulgariiro iyo sunaami.

Marka indhaha binu aadantinimo lagu eego way haboon tahay in caawimaad kasta oo xaaladaas ka saari karta loo sameeyo, laakiin marka aad baadho xogo badan oo tibaaxaya mucaawinooyinka la bixiyay iyo horumarka wadamadii la siiyay waxa kuu soo baxaysa arin aan ahayn sidii la filaayay.

Waxa jira daraasado laga sameeyey saamaynta ay mucaawinooyinka dibaddu ku leeyihiin koboca dhaqaale ee wadamadda afrika waliba kuwa saxaraha ka hooseeya waxaana la ogaadey in xaddiga mucaawinada oo aad u badani uu waxba ku kordhin waayey koboca dhaqaalaha wadamadaas.

Qiyaas ahaan afrika sannad walba waxa ay heshaa mucaawino ka badan 50 Billion oo doolar, hadana dadyawga afrika 600 million oo qof ay ku nool faqiirtinimo gaadhsiisan inay maalintii ku noolaadaan wax ka yar 2$.

Waxa kale oo gebogabooyinka daraasadahaasi ay sheegayaan in wadamadii faqiirka ahaa ay sii ahaanayaan fuqaro, wadamadii hodanka ahaana ay hodantinimadoodu sii kordhayso, marka aad daraasayso kobaca dhaqaalaha qaarada Asia oo hadda aan mucaawinaad aad ubadani aanay ka jirin amaba xaddiga mucaawinada la siiyo wadamada ku yaala qaaradda Asia ay ka yar

tahay kuwa wadamada Afrika waxa la arkay in dhaqaaalaha wadamadaas uu yahay mid kobcaya.

Waxa jira warbixino uu soo saaray baanka adduunku( world bank), kuwaas oo lagu sheegay in sannadihii udhexeeyay 1981-kii ilaa 2010-kii in dadka macluusha ku noolaa ay ahaayeen 700 million dunida oo dhan, halkaas oo 627 million oo kamid ahi ay ku noolaayeen waddanka shiinaha, dunida kale oo dhanna marka la isku daro ay ahayd 73 million oo qof, hadii qiyaasahan loo rogo xisaabta boqolayda waxa ay noqonaysaa in 89.6% ay ahaayeen shiinays.

Taasi waxa ay ku tusinaysaa inaan mucaawimo lagu gaadhi Karin horumar, maadaama maantaba waddanka shiinaha oo ah quwadda labaad ee dhaqaalaha dunida ugu wayni aanu horumarkiisa ku gaadhin mucaawimo, wakhtigan hada la joogana iyadoo mucaawinooyinku ay sii badanayaan hadana waxaad aragtaa in macluusha iyo dhaqaale-daraduna ay la kordhayso, aragtidan ah in mucaawinooyinku aanay horumar keeni karina waxa la ogaadhey markay soo baxday aragtida “big push” ( big push theory).

Sawirka: world development Indicators Online.

Sawirkani waxa uu ku tusinayaa kobaca wax soo saar iyo mucaawinooyinka afrika.

Wadamada mucaawinooyinka bixiyaa waxay sii mariyaan hay’ado, halka ay qaarkoodna dawladaha si toos ah usiiyaan.

Mucaawinooyinku waxa ay noqon karaan kuwo ah cunto amaba maaliyad( lacag).

Qaybta xigta waxa aynu ku eegi doono si toos ah xidhiidhka mucaawinada iyo koboc la’aanta dhaqaalaha wadamada Afrika.

Advertisement

Ku Xayeysiiso