Bismillaahi Arramanirraxeem.
Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh
Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna wajahan
baaq nabadeed laba dulmane xadhigga adag Waxaanay kala ahaayeenAbwaan Baashe xasan maxamed iyo Cabdulqadir Nur macalin ah qaata 100 dolar abwaanku mushar ma qaato waa danyar
Maxkamada Racfaanka gobalka Maroodi Jeex ayaa xukuntay adag oo 8 sanno oo xadhig ah iyo lacag gaadheysa 625 kun oo Dollar ku xukuntay
Waxaannu u aragna qaran dumis loo badheedhay iyo isku dhufasho muwaaddiniin
Walaalo ah dalna wada leh
yaan la illaawin cadawga ciilka qaba in aan laga farxin
Yaan la illaawin barakacii laga soo kabtay yaan la ilaawin dumistii hargaysa laga hayaamay yaan la illaawin caasimadda hargaysa ee dhisantay
Ha laga digtoondo hooyo dhibaato ku timaaddo
Yaan la illawin macagangag aan shacabkiisa ka naxayn
Yaan illaawin dabka hareeraha ka holcaaya
waxaa hore u dhacdy
maxkamadd kale markii ku wayde wax dambi ah xorriyaddoodii u soo celiysay ay labada dulmane ahaydna in ay kadinka maxkamadda ka baxaan nin xeer ilaaliye ku sheeg ahi ganacsade ka awood sarreeyo uu diiday in ay albaabka dhaafaan ka dib markii ay eheladoodii ay la xidhiidheen ninka diiday labada nin ee ay maxkamaddu sii daysay wuxuu ku andicooday in laga awood sarreeyo taasina uu ka baqday in uu shaqada dulimiga ugu adeegaayo uu ku waayo
Xilligaas doorashada xusbiwaliba wuxuu u tafaxaydna sidii kursiga u hanan lahaa
Talo soo jeedin
- In madaxwaynuhu cafis u fidiyo labada nin ee aanu fiyayno in aanu ka warhayn kana dhabeeyo dhaartii uu allah la galey aakhiradiisana la kulankanka ALLAH su,aasha u fufudeeyo malaa,igta saddexda su,aalood ee kala ah waa ayo alhaah? Nabigaanuna? diintaadu waa tuma?
- In hay,dda garsoorku hubiso kiiskan dalka ku cusub ee lama filaanka ah
- In laga digtoonaado burbur dalka ku yimaadda .
- In laga dheeraado dhibaato dalka ku timaadda dhaxalkeedana ku suntanaato dawladda hadda hadda talada dalka lagu amminay.
- In shacabka markiisii horeba dhaqaale burburka la daaladhacaay aan barakicin
Deeq Cabdi Digale