Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta furay kalfadhigga shanaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa khudbadiisii kaga hadlay Wadahadalada Somalilan iyo Somaliya Waxaanu sheegay in wadahadallada Somaliland ay Dowladiisu ay diyaar u tahay inay si waafi ah uga garawdo tabashooyinka reer Somaliland isla markaana doonayso inay ka midhadhaliso wadahadallada labada dhinac si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.