Warbixin: Degmada Darroor

Warbixin: Degmada Darroor

Degmada Darroor waa mid ka mid ah degmooyinka ugu baaxadda ballaadhan uguna qabaleeyada badan ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI), Waa degmo ka tirsan gobolka Jarar oo Juquraafi ahaan dhacda dooxada caanka ah ee haro garduur, waana degmo istiraatiji ah oo xuduud la leh degmooyinka Gaashaamo, Awaare iyo Xarshin. Tan iyo markii la ansixiyey degmada Lix sanno horteed degmadu waxa ay ku tallaabsatay horumar fiican, marka laga eego dhinacyada kaabayaasha horumarka sida: Caafimaadka, Biyaha iyo Waxbarashada, taas oo intaa ka sii fiicnaan lahayd haddii aanu maamulkii hore wax badan oo ku takri fal ah degmada ka samayn.

Guddoomiyaha degmada ee xilligan xilka hayaa waa masuul da’ yar oo dalkiisa Itoobiya wax ku dhex bartay, isaga iyo xubnaha kale ee ay wada shaqeeyaanba, waana qodob degmada lagu majeeran karo marka loo eego demooyinka kale ee gobolka, taas oo u saamaxday in uu muddo kooban wax badan kaga qabto dhinacyada horumarka, taas oo aanay guddoomiyeyaashii ka horreeyey ku tallaabsan muddadii ay xilka joogeen.
Haddii aynu hoos ugu degno kaabayaasha horumarka ee xilligan degmada ka jira waxa aynu ka eegi karnaa dhinacyadan:

Waxbarashada:

Xarunta degmada Darroor way u dhamaystiran yihiin dhammaanba agabkii waxbarashada aasaasiga ahaa, waxana ay degmadu leedahay Dugsi Hoose, Dugsi Dhexe iyo Dugsi Sare, dugsiyadaas oo ay ku jiraan arday tiro badan isla markaana ay sannad kasta ka baxaan arday u gudubta dhanka Jaamacadaha Itoobiya.

Caafimaadka:

Dhanka caafimaadka degmadu waxa ay ku tallaabsatay horumar la taaban karo iyaga oo dedaalka sii ballaadhintuna weli uu sii socdo. Degmadu waxa ay leedahay xarumo caafimaad oo ka kooban:

MCH, Health Centers, iyo Hospitals, adeeggaas caafimaad oo ku kala filiqsan Centers-ka degmada sida Darroor, Rabaso, Abokor iyo kuwo kale. Waxa kale oo ay degmadu leedahay Ambulance ka hawl gala xarumaha caafimaadka kuwaas oo bukaanka ka soo qaada meelaha durugsan oo keena xarumaha caafimaadka ee degmada.

Biyaha:

Degmadu xilligan waxay ku jirtaa xilli abaareed oo biyaha iyo baadkuba ay gabaabsi yihiin, roobabkii gu’guna aanay weli ka curan deegaanka, laakiin degmada waxa laga hirgeliyey ceel biyood riig ah kaasoo dhammaan deegaanka ku hareeraysan ay ka cabbaan dad iyo xoolaba, ceelkaas oo ay kaga raysteen rafaadkii badnaa ee ay biyaha kala kulmi jireen dadka deegaanku marka uu jilaalku ku dheeraado. Dhanka kalena degmo xafiiseedka arrimaha biyaha ee degmada ayaa rajaynaya in ay ceelal riigag ah ka qodaan deegaannada degmada ka tirsan ee aan ceelkan soo gaadhi Karin.

Mashaariicda xilligan ka socda degmada:
Mashaariicda imika ka socda degmada waxa ka mid ah mashruuca dib u qorsheynta xarunta degmada, mashruucaas oo ah ‘Darroor Town planning Project’. Waana mashruuc qurux iyo bilic u soo jiidaya xarunta degmada, taas oo marka la dhammeeyo looga gudbi doono xarumaha kale ee degmada hoos yimaadda sida Rabaso, Abokor iyo magaalooyinka kale.

Fursadaha ka jira degmada:

Degmada waxa ka jira fursado iskugu jira fursado ganacsi iyo kuwo kale oo u baahan maalgashi, kuwaas oo la xidhiidha dhanka Beeraha, waxbarashada iyo wershadaha fudud.
Dhanka beeraha, degmadu waxa ay leedahay ciid iyo cimilo fiican, taas oo muwaaddinkii maalgashi ku sameeyaa uu ka faa’idi doono. Dadweynaha ku nool xarunta degmada oo tiro badan cuntooyinka quutal daruuriga ah ee ay cunaan, gaar ahaan khudaarta, waxa looga keenaa meelo durugsan, sidaa darteed cid kasta oo maalgashi ku samayn karta nidaamyada casriga ah ee waxbeerasho degmadu aad bay gacmo furan ugu soo dhawaynaysaa.

Dhanka waxbarashada, degmadu waxa ay aad u danaynayaan cid kasta oo furanaysa dugsiyo gaar ah oo gelinka danbe ah, oo lagu kaabi karo waxbarashada ardayda. Dugsiyadaas waxa ay noqon karaan kuwo luqadda iyo farsamada casriga ah (Language and computer applications) ka caawinaya ardayda degmada. Arrintaas oo uu maamulka degmadu aad u dhiirrigelinayo.

Degmadu waxa ay hodan ku tahay xoolaha nool oo ay dadku ka helaan cad iyo caano, sidaa darteed warshadaha fudud ee la xidhiidha habaynta cadka iyo caanaha, si loogu iib geeyo meelaha durugsan isla markaana da’yartu fursado shaqo uga helaan, waa fursad dawladda, ganacsatada iyo dadweynaha deegaanku ay si isku mid ah uga faa’idi karaan. Sidaa darteed degmadu arrintaa waxa ay u aragtaa fursad maalgashi oo ay qolqoljoogta degmada iyo qurbejoogtu maalgashan karaan.

W/Q: C.Risaaq Yuusuf Ismaaciil
Qurbejoogga Degmada Darroor.

Advertisement

Ku Xayeysiiso