waa in kor loo qaada haybada shaqo fayadhowr ee shaqaalaha sida mushahar guno si ay uga socnaadan ku dhaqanka baahida musuqmaasaq laalush cadaalad daro……………

Fariin Caafimaad.
Goorma ayuu fayadhawre u shaqayn karaa sifo maamul shaqo oo daacad ah
Waa markuu helo aqoonteeda shaqo mushahar guno ku filan si uu uga badbaado laalush iyo musuqmaasaq
Waa in la helo siyaasad shaqo caafimaad oo isku xidha dawlada hoose ee dalka iyo wasaarada caafimaadka jsl si ; loo gaadho in dambiilaha fayadhawr ee ku xad gudba sharciga iyo qawaaninta fayadhowrka loo hor geyn karo ilaa heer maxkamadeed iyada oo loo cuskanayo qawaaninta sharciga fayadhowrka dawliga ah

Waa in la ilaaliyaa aqoonta shaqo
Ee shaqaalaha fayadhowrka dawliga si ay u gutaan hawshooda shaqo fayadhowr ee ay ku shaqeeyan
Waa in kor loo qaada nadaafada iyo bilicda magaaloyinka dalka. Si ay caasimadeenu u barbar istaagto caasimadaha caalamka waa in la ganaaxa cidii goob aan loogu talo galin ku tuurta qashin
Awooda shaqo shaqaale mushahar fayadhowr oo kur loo qaado waxay wax ka taraysaa in la helo shaqo hufan oo leh tixraac maamul oo ay ku xisaabtaman goolaha deeganka caasimada hargeisa
In la helo dakhli ganaax fayadhowr hadii shaqaalaha kor loo qaado mushaharkooda shaqadooda iyo maamulkooda shaqo
In la ilaaliyo dhaaman shirkadaha dhismaha caasimadaha magaaloyinka jsl goobta iyo qaabka dhismaha bulaacadaha wadooyinka laga bixinaayo
In laga baahiyo idaacadaha dalka mareegtooyinka tvyada joornalada sharciga fayadhowrka dalka iyo shuurucda qawaanintiisa si ay bulshadu u fahanto macnaha ereyga fayadhowr iyo ujeedada uu xambaarsan yahay
In la tix galiyo lana soo celiyo haybadii shaqo shaqaale ee fayadhowrka degmooyinka dalka si u guto wajibaadka shaqo shaqaale uu uga masuulka yahay waa in waaxda fayadhowrka laga dhex saara waaxaha kale ee maamulka dawlada hoose maadama ay waaxdani tahay waax caafimaad

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan
Fayo-dhawre madax bannaan
buux2010@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso