Daraasad caddaysay xidhiidhka ka dhexeeya shaqooyinka niyad-jabka keena, hurdo yarida, dhiig-karka iyo wadna xanuunka. Qalinkii: Sadam Osman Kaabash.

“Niyad-jabka shaqada laga qaado, dhiig-karka iyo hurda xumadu  waxay keenaan dhimashada kediska ah”, Cilmi-baadhe Jarmal ah ayaa soo weriyey.

Cilmi baadhistan waxaa lagu sameeyey ‘2000’ laba kun oo qof. Kuwaas oo horay  u qabay dhiig-karka nooca heerkiisu sarreeyo. Sidoo kale, dadkaasi waxay hayeen shaqooyin niyad-jab iyo hurdo xumo ay ka qaadeen. Cilmi baadhsitu waxay cadaysay, “Saddex laab dadkaasi waxay u leedmeen wadno xanuun marka loo eego dadkii haayey shaqooyinka fudud horena u seexan jiray”.

“Ugu badnaan 50% boqolkiiba konton, dadka waaweyni waxay qabeen dhiig-kar”, sidan waxaa yidhi, Dr. Gregg Fonarow, oo ka ah bare sare qaybta wadnaha ee jaamacadda California, Los Angeles. 

Shaqooyinka niyad-jabka keena, dhiig-karka iyo hurda xumado waxay xidhiidh la leeyihiin in ay keenaan wadna xanuunka, faaliga, wadna-is-staagga iyo kelyaha oo fadhiista (kidney failure), waxa sii raaciyey Dr. Fonaraw.

Dr. Karl Heinz Ladwig, waa bare sare kana tirsan qaybta caafimaadka deegaanka ee jaamacadda Technical university for Munich. Waxa uu yidhi, “Hurdada waa in wakhti la siiyaa si’ jidhku  u kaydsado tamar ku filan is-kagana saaro welwelka kasoo gaadhay shaqada adag, taas beddelkeeda hurdo la’aantu waxay keentaa in jidhku heliwaayo tamar-kaydsan(stored energy)”. Sidoo kale waxa uu raaciyey, “Daraasado badan oo kale waxay xaqiijiyeen in uu xidhiidh ka dhexeeyo shaqada aan nafsadda loo hayn, hurdo yaridda iyo wadna xanuunka, daraasadahanina may qeexin sida ay hurdo la’aantu u sababto xanuunada wadnaha”. Marka la eego daraasaddan, cilmi baadhayaashu waxay sheegeen in shaqada karaahiyada ah ee shaqaaluhu ka cabanayaan ay keento in shaqaaluhu uu dalbado waxyaabo ka maqan,  laakiinse, loo shaqeeyuhu uu uga garaabi waayo; isaga oo cadaadis badan ku haaya inta badan shaqaalaha. Taasina ay dhaxalsiiso in shaqaaluhu uu dareemo dhiirrigelin la’aan uu kale kulmo booskiisa aakhirkana  ay shaqadaasi keento stress joogta ah.

Mika Kivimaki, waa bare sare oo ka tirsan Jaamacadda University College London, qaybta daraasadaynta xanuunada faafa (epidemiology), waxa uu walaac ka muujiyey halista caafimaad ee ay samayso shaqada adagi. Waxa uu yidhi, “Cilmibaadhisihii hore waxay xoogga saarayeen dhibaatada ay leedahay shaqada culayska ahi”

Ugu danbayn waxaynu ka faa’iidaysanaynaa daraasaddan in aynu ka feejignaano isku buuqa tira-beelka ah iyo hurdo la’aanta joogtada ah inaga oo caafimaadkeena eeganayna.

Sadam Osman kaabash

Fekerka aqoonyahanka: 

Hargeisa, Somaliland 

Degmada: Maxamed mooge.

— 

Name:  Sadam Osman Mohamed 

Phone : 063 4010419

Email: Sadamkabash99@gmail.com

Address : mohamed moge village 

Tittle: Biomedical Scientist / Writer 

Advertisement

Ku Xayeysiiso