Soonka iyo Sayniska. Qalinkii: Sadam Osman Kaabash.

Bisha barakaydan ee Soonqaad waxaan qaadan doonaa barnaamijyo taxane oo aan u bixiyey “Soonka iyo Sayniska”. Qaybta koowaad, Soonka iyo dheefshiidka. 

Bisha Soonqaad waa bil muhiimadeeda leh, waxay muslimiinta ugu fadhidaa kaalin muhiim ah. Waa xillisan oo muslimiinta iimaankooda, dhaqankooda, naxariistooda, maamuuskooda iyo is-caawintooduba kor u kacdo. Soonku waxa uu u dhexeeya waaberiga ilaa gabbal dhaca. Qofkuna waxa uu af-xidhnaanayaa 13-18 saacadood. 12 saacadood  gudahood jidhku waxa uu ku hawlanyahay burburinta cuntadii iyo gasiinkii uu suxuurtii quutay si’ loo gaadhsiiyo qaybaha kale duwan ee jidhka. Wixii 24 saac ka danbeeya jidhku waxa uu isticmaalaa kaydka cunto sida: borotiinada, duxda, iyo nafaqooyinka kale. Waxaana  shaqaynaya hoormoonada looyaqaanno “Anti-insulin hormones” ama Glucagon, waxay nafaqooyinka kaydsan u beddelaan tamar uu jidhku isticmaalo is la soonka. (Mahan and Escott-stump, 2000).

1994, shirkii caalamiga ahaa ee la magac baxay “Caafimaadka iyo Soonka” laguna qabtay Casablanca, waxaa ka soo qayb galay 50 cilmi-baadhe iyo qorayaal caalamiya iyaga oo ka arrinsanayey faa’iidada caafimaad ee soonka. Waxay ogaadeen in soonku daawo iyo ka hortag ba u yahay qaybo kamid ah xanuunada: Macaanka, Dhiig-karka bilawga ah, yaraynta miisaanka qofka, xasilinta dheefshiidka, hoos-u-dhigga dufanka jidhka”.

Dheefshiidku waa habka ugu muhiimsan qaybaha kale duwan ee habdhisyada jidhka aadmaha. Dheefshiidku waa habdhiska ugu fidsan uguna shaqada iyo saamaynta badan habdhisyada  jidhka. Dheefshiidku waxa uu jidhka u suuro geliyaa in uu helo tamar joogto ah oo ay ku shaqeeyaan  unugyada jidhku. Sidaa daraadeed, shaqadaa baahsan awgeed, dheefshiidku nasasho iyo nasiimo joogto ah buu ka helaa bishan barakaysan ee Soonqaad. Xubnaha dheefshiidka badankoodu waxay noqonayaan kuwa nasta muddo 12 saac ku dhaw.

Habdhiskan meerto-shaqeedkiisa waxaa la soo dersa jirrooyin kale geddisan kuwaas oo sababa in ay carqaladeeyaan hab-u-socodka dheefshiidka, kama danbaystana yareeya xaddiga nafaqo ee gaadhi lahaa unugyada jidhka(cells). Jirrooyinkaasi waxay leeyihiin astaamo xanuuneed oo badan sida laabjeex, calool-istaag, dibbiro, yalaalugo, matag. 
Jirrooyinkan inta badan waxaa keena habka cunna-cunsita  iyo cuntooyinka la cuno oo is-beddelo. Sidaa daraadeed bishan Soonqaad waxay caanku tahay quudashada cuuntooyinka baalka leh. Kuwaas oo habdhiska dheefshiidka ee khalkhalay dib u soo celinaaya. Xanuunada caloolstaagga waxaa ka daawo ah cuntooyinka baalka leh,  halka Gaastariga, yalaalugada iyo laabjeex ay cunto-geddisku saamayn wanaagsan ku leedahay in uu qofka  soomani ka  bogsado.

Cilmi-baadhis uu sameeyey sulimani, waxa uu ku sheegay, “Cunto cunista bilaa xadka ahi waxay sababaan caafimaad darro. Soonqaadkuna waxa uu saxaa isku dheellitirka qaadashada cuntada”

Hilaaddi 1975, Cott buugiisa uu qoray waxa uu u bixiyey “Fasting the way of life” waxa uu ku qoray, ‘Soonqaadku waxa uu hagaajiyaa habdhaqanka qofka, shaqada dheefshiidka, shaqada neerfaha, iyo falgalka kiimikaad ee jidhka’.

Sadam osman kaabash

Fekerka aqoonyahanka

Hargeisa, Somaliland

Degmada: Maxamed Mooge.

Advertisement

Ku Xayeysiiso