Safaaradda Ingiriiska oo Daahfurtay Abaalmarinta Saxaafadda ee Soomaaliya

Muqdisho: Si loogu dabaal dego Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Adduunka iyo ‘Shirweynaha Caalamiga ah ee Xoriyadda Saxaafadda’ (#DefendMediaFreedom) oo ay martigelin doonaan dawladaha Ingiriiska iyo Kanada bisha Julay 2019, Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho waxa farxad u ah in ay ku dhawaaqdo daahfurka Abaalmarinta Saxaafadda ee Codka Da’yarta Soomaalida.

Waxa aannu raadinaynaa muuqaallo gaagaaban iyo sawiro ay soo gudbiyaan ardayda saxaafadda barata iyo saxafiyiinta shaqada ku cusub ee Soomaliya ka shaqeeya. Muuqaallada iyo Sawiradu waa in ay soo bandhigaan sheekooyin togan, asal ah, wax badan la gooni ah oo ku saabsan Soomaaliya.

Abaalmarintani waxa ay iftiimin doontaa muhiimadda ay leedahay difaaca xoriyadda saxaafadda waxaana ay muujin doontaa doorka muhiimka ah ee ay saxaafaddu ka ciyaarto in Soomaliya ay ka samaysanto bulsho furan oo loo dhanyahay. Waxa ay sidoo kale abaalmarintani isku deyaysaa in ay ogaato oo ay saadaaliso codadka da’yarta Soomaalida oo ay kuwa Somaliland ku jiraan iyo sheekooyin wanaagsan oo Soomaaliya ku saabsan.

Abaalmarintan waxa lagu shaaciyay xaflad loogu dabaal degayey Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Adduunka oo lagu qabtay Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho, xafladdaas oo ay wada martigeliyeen Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Ben Fender, iyo Wakiillo ka socday Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taakulaynta Soomaaliya. Xafladdu waxa ay fursad u siisay saxafiyiin Soomaaliyeed oo qaybo kala duwan ka socda in ay sameeyaan wacyigelin ku aaddan caqabada iyo fursadaha ay la kulmaan ee la xidhiidha Xoriyadda Saxaafadda Soomaaliya.

Safiirka Ingiriiska ee Soomaliya, isaga oo hadlaya xafladda ka dib, waxa u yidhi:

“Saxaafad xor ahi waa difaaceenna ugu wanaagsan ee musuqmaasuqa, xagjirnimada iyo ku takrifalka awoodda. Xoriyadda saxaafadda Soomaaliya waxa ay wajahaysaa weerar sii kordhaya maadaama ay saxafiyiintu si joogto ah ula kulmaan cagojuglayn, xad-gudub iyo xukun maxkamadeed. Waxa aannu la sii shaqayn doonnaa saxaafadda, ururrada bulshada, ururrada/dalalka caalamiga ah ee aannu wada shaqaynta leenahay, iyo Dawladda Soomaaliya, si dhibaatooyinkan xal loogu helo si wada jir ah.”

“Ujeeddada ay Safaaradda Ingiriisku ka leedahay Abaalmarinta Saxaafadda Soomaaliya waa in ay xusto isla markaasna kor u qaaddo doorka muhiimka ah ee ay saxaafadda xorta ahi ka ciyaarto Soomaaliya iyo in la ogaado ama la aqoonsado hibada soo baxaysa ee saxafiyiinta. Waxa aannu ku dhiirigelinaynaa dhammaan da’yarta Soomaaliyeed ee barata saxaafadda ama ku cusub shaqada saxaafadda in ay tartanka si firfircoon uga qayb qaataan.”

Shuruudaha ka qaybgalka tartanka

  • Tartarnku waxa uu u furanyahay ardyada saxaafadda barata iyo saxafiyiinta ku cusub mihnadda (3 sanno ama wax ka yar shaqaynayey oo ah shaqaale toos ah ama si madaxbannaan u shaqeeya). Waxa si gaar ah loo dhiirrigelinayaa codsiyada ka imanaya haweenka iyo dadka la takoorro.
  • Dhammaan ka qaybgalayaasha tartanku waa in ay muwaadiniin Soomaali ah yihiin isla markaana ay haystaan Baasaboor (ama dokumenti kale oo lagu safri karo) shaqaynaya oo aan dhicin.
  • Wakhtiga ugu dambaysa ee ay tahay in la soo gudbiyo muuqaallada/sawirrada waa 23:59, Jimce, 7da Juun 2019. Wixii la soo gudbiyo wakhtigaas ka dib lama aqbali doono.
  • Tartamuhu hal muuqaal/sawir ayuunbuu soo gudbin karaa.

Sida looga qaybgelayo

  • Waxa aad soo gudbisaa:

(i)       Muuqaal ugu badnaan 2 daqiiqo ah oo muujinaya qiso gaar ah oo togan oo ku saabsan dhinacyada nolosha ee Soomaaliya. Muuqaalku Af Soomaali wuu noqon karaa laakiin waa in ay turjumaad Ingiriisi ahi hoosta kala socoto.

ama

(ii)     Sawir madow iyo caddaan ah (aan midab lahayn) am midab leh oo muujinaya qiso gaar ah oo togan oo ku saabsan Soomaaliya. Sawirku waa in uu lahaadaa ciwaan ama qoraal sharaxaad ah la socda.

Muuqaalka/sawirka waa in lagu soo hagaajiyaa UKinSomalia@gmail.com iyada oo la adeegsanayo We Transfer ama Google Drive. Haddii aad weydiimo qabto, ama aad dhibaatooyin kala kulanto habka soo gudbinta, fadlan la xidhiidh kooxda abaalmarinta UKinSomalia@gmail.com inta ka horraysa Jimcaha, 7da Juun 2019.

  • Soo gudbi arji (CV) hal bog ah oo ay ku qoranyihiin magacaaga, xilliga dhalashada, waxbarashada, iyo taariikhdaada shaqada.
  • Soo gudbi nuskhad ka mid ah baasaboorkaaga ama dokumenti kale oo lagu safri karo.

Fariin ku socota tifaftirayaasha

  • Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Adduunka waxaa si rasmi ah logu aqoonsaday 3da May sanad kasta. Maalintani waxa ay fursad muhiim ah u tahay si tixgelin gaar ah loo siiyo caqabadaha iyo fursadaha ay wajahaan saxafiyiinta caalamku iyo si loo xuso mabaadi’da aasaasiga ah ee xoriyadda saxaafadda.
  • Abaalmarintan saxaafadda ee cusub waa tusaale ka mid ah taageerada Ingiriiska ee saxaafadda Soomaaliya. Dawladda Ingiriisku waxa ay taageeraysaa tababarro saxaafadeed oo la xidhiidha dimuqraadiyadda iyo isla xisaabsantka oo qayb ka ah barnaamijkayaga £3 million ee la xidhiidha ka qayb gelinta bulshada ee Soomaaliya, ujeeddaduna tahay in awoodda muwaadiniinta kor loo qaado si ay kor ugu qaadaan codkooda arrimaha siyaasadda iyo in kor loo qaado ka qayb galka. Waxa aannu taageernay kuliyadda saxaafadda ee Jaamacadda Hargeysa.
  • Dawladaha Ingiriiska iyo Kanada waxa ay Landhan ku wada martigelin doonaan ‘Shirweynaha Caalamiga ah ee Xoriyadda Saxaafadda’ 10-11ka Julaay si loo iftiimiyo xoriyadda saxaafadda, loo kordhiyo ciqaabta ay la kulmaan kuwa carqaladeeya, iyo in kor loo qaado badqabka saxafiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta.
  • Shirweynahan Caalamiga ahi waxa uu noqon doonaa kii u horreeyey ee noociisa ah oo ku saabsan xoriyadda saxaafadda, waxaana ka qayb qaadan doona in ka badan 1000 ka qayb gale oo ka socda dunida oo dhan. Shirweynahani waxa uu isu keeni doonaa wasiirro iyo saraakiil dawladeed oo kala duwan, hay’ado caalami ah, bulshada rayidka ah, aqoonyahan, tifaftirayaal, shirkado daabacaad, iyo saxafiyiin si ay arrimahan uga doodaan oo ay ka qaadaan tallaabo caalami ah.

Advertisement

Ku Xayeysiiso