Soonka, waxaa lagu qeexaa: waa iska daynta, cuntada, biyaha, galmada iyo IWM, muddo cayiman, kana bilaabanta waaberiga ilaa cadceed dhaca. Waa habka islaamiga ah ee diinteennu bannaysay. Waa habka ugu saxsan ee loo soomo faralka bisha Rabadaan, Shuwaalka, Khamiista iyo Isniinta iyo dhammaan sunnayaasha diintu jidaysay. Soonkani waa soonka lagu helo janno, denbidhaaf, naxariis iyo abaalmarinta Alle guud ahaan. Caafimaad ahaana waa mid muhiimaddeeda leh Allena innooga markhaati kacay.
Laakiinse, waxaa jira dhawr soon oo kale geddisan. Guud ahaan marka laysku wada qaado soonka oo dhan, waxaa kale tagsiiyey xilliga, u jeedada iyo sharcinimadeeda.
1. Habka soomista 24 saac ba 16 saac oo ka mid ah. Waa hab soomaha u horseedaya caafimaad buuxa. Waa habka ugu casrisan, dhakhaatiirtuna xilligan la joogo kula taliyaan bukaanadu in ay soomaan. Waana habka diinteennu inoo jidaysay taariikh fog horteed.
2. Habkana waa qaab ka ku suntan soomidda todobaadkiiba laba jeer, iyadoo shanta caanomaal ee kale la guddoomayo wixii cunto cabbid iyo jidiina la helo. Waana habka labaad ee ugu caansan caafimaad ahaan. Balse, qaabkani waa qaab isna rasuulku inoo jideeey. Laakiinse cilmibaadhayaashu ka dhigteen qaaciido caafimaad. Waa kale horidda maalmaha, iyadoo soonqaadanayo maalinta khamiista iyo Isniinta. Waa dariiq cuddoon oo rasuulkeennu inoo jideeyey, laakiinse, culimada saynisku ay istinbaadeen, hab casriyana innooga dhigeen. Waa sida uu ku doodayo suxufiga iyo dakhtarka Reer Ingiriis Machael Mosley. Waxa uu yidhi, “Waxbaad iska cuni kartaa dhammaan maalmaha oodhan laga reebo khamiista iyo Isniinta”.
3. Waa habka soomista 24 saac. Tusaale ahaan, soomidda quraac ilaa quraacda maalinta xigta. Ama, 7pm laga bilaabo Maalinta hore ilaa 7pm maalinka labaad. Habkan soonqaad waa qaabka ugu adag, qofka miisaankiisa ridayaana uma adkaysan karo dadka qaar adkaysi badan mooye.
4. Habka la diriridda cuntada, waa qaab soonqaadka fudud ka mid ah. Waa hab maalinkii qofku isticmaalayo cunto fudud sida kudaar, biyo, shaah IWM, taas beddelkeedana isticmaalayo cunto xaddigeedu badanyahay habeenka.
Aan soo qaadanno waxa uu Science-ku u yaqaanno “Intermittent fasting”.
Intermittent fasting, guud ahaan, waxaa lagu qeexaa iska daynta cuntooyinka iyo cabbitaanka guud ahaan xilliyo kale duwan. Quruumihii horena soonqaadkan way isticmaali jireen. Ujeedka ugu weynina waxa uu ahaa dan caafimaad oo ku lifaaqan awgeed. Taariikha ummadihii horena waa mid ku suntan dhaqan ahaan, diin ahaan, caqiido ahaan iyo taariikh ahaan ba.
Gris Gunnars, waxa uu June, 2017, maqaal uu ka qoray soonqaadkan yidhi, “Sababta soonqaadkan adduunyada casriga ahi u isticmaalaysaa waa saddex ujeeddo uun: in miisaanka layska ridaayo si macaan looga firxado, in lagu hagaajinaayo habka falgalka kiimikaad ee jidh oo la hagaajinaayo, iyo qofka sooma oo raba in cimrigiisu sii dheeraado”. Si kastaba ha ahaatee, sanadihii danbe waxaa sii badanaayey faa’iidada caafimaad ee soonka. Wixii ka danbeeyey 2010kii, xeeldheerayaasha caafimaadku waxay bukaanada ku boorriyeen soonqaad xilliyadiisu kale geddisan yihiin. Ujeedkaas dabadii, in ka badan tobankun boqolkiiba waxaa batay dadka soomay, tobankii sano ee tegay. Dadkaasna islaaamka meelna kagama abtirsadaan, caafimaadkooda oo ku xidhan awgeed ayey sidaas u sameeyeen.
Saynisyahanadu waxay ku doodayaan sababta ay soonkan ugu jideeyeen bukaanada ama dadka looga shaki qabo xanuuno mustaqbalka ku dhaca. Xanuunadaasna waxaa laysla qiray in soonkani ka qaybqaato hoos-u-dhaca miisaanka, ka hortago macaanka nooca labaad, iyo in uu xusuusta kordhiyo kana hortago illawshiiyaha mustaqbalka noqda asaasaqa.
Saynisyahannadu waxay kale saareen labada kelmadood “Starvation iyo Fasting”.
Macaluul(starvation), waa qofka oo waaya cunto jaad kasta oo ay tahay ba, jidhkiisiina u daciifo nafaqo la’aan, aakhirkana dhimasho timaaddo. Halka Soonqaad(intermittent fasting) ay tahay qofka oo ula jeeddo cayiman u daaya cunto cunista, isaga oo haysta mug iyo iskudhis tiro beela oo cunto ah. Soonkana u doorbiday sababo caafimaad, sababo diimeed–isaga oo ajar iyo xasanaad ka raadinaaya iyo sababo khuraafaad awgeed.
Faaiidooyinka intermittent fasting waxaa ka mid ah, miisaan dhac, hoos udhaca sonkorta jidhka, tamar badan, dheecaanada korriinka oo bata, heerka dufanka jidhka oo yaraada, heerka qaadista illawshaha oo yaraada, nolosha oo dheeraata, ka nadiifinta jidhka qashinka kiimikaad, yaraynta caabuqa jidhka ku qarsoon.
Yaan soomi karin?
1. Haddii heerka cabbirka celiceliska miisaanka qofk ama “Body Mass Index” ka yaryahay 18.5, ama ay jirto habka cunna-cunista qofka oo liidata(anorexia).
2. Gabadha uurka leh.
3. Gabadha naasmuujinta ku jirta.
4. Ilmaha da’diisu ka yartahay 18 jir.
5. Qofka qaba xanuunada aan laga bogsan sida: macaanka, xanuunada wadnaha, beer xanuunka iyo kelya xanuunka.
6. Qofka ay u socdaan daawooyinku sida: qof qaba xanuu ka TB.
7. Iyo qofka qaba xanuu ka gout-ka. Waa xanuun ka dhasha kor-u-kaca heerka uric acid-dha ee dhiiga.
Sadam Osman kaabash
Biomedical Scientist
Hargeisa, Somaliland
Degmada: Maxamed Mooge