“Waxa Hadal Ugu Horeysay Markuu Hargaysa Soo cago-dhigtay”: W/Q: Maxamed-Amiin Jibril

“Waxa Hadal Ugu Horeysay Markuu Hargaysa Soo cago-dhigtay”:

W/Q: Maxamed-Amiin Jibril

Hargeysa (Togaherer) – Waxa Hadal Ugu Horeysay Hargeysa – Waxay ahayd sannadkii 1964-kii markii xabadi lug iyo gacan ka jebisay dable Maxamed Uways, oo ka mid ahaa ciidankii la odhan jirey xoogga Dalka isaga oo ku jira dagaal ku dhexmaray Somalia iyo Itoobiya Tog-Wajaale ee xadka u dhaxeeya Somaliland iyo Ethiopia.

Waxa markaasi iska barbar dagaalamayeen Allaha u naxariistee askari tirsan ciidanka xoogga dalka oo isagana magaciisa la odhan jirey Xalane isla goobtaasina ku geeriyooday, markii dambena meelo badan oo ka mid ah dalkii Soomaaliyeed loogu magac daray aadna loo weyneeyey xuskiisa, isla markaana ay magaciisa wada  maqleen inta badan bulshada Soomaaliyeed ee da’doodu ka weyn tahay 40 jirka. Dhaawaca soo gaadhay Uways inkasta oo uu fududaa, haddana waxa ku dhacay dhiig bax, dhaawaca badan ee goobta yaalay iyo dhiig baxa ku dhacay oo keenay in aanu samaynin wax dhaqdhaqaaq ah, waxa loogag tegay mayd ahaan tegay goobtii dagaalka, balse nin oday ah oo reer miyi ah oo magaciisa la yidhaahdo Cumar Dheere ayaa goor fiid cawl ah awr safar ah soo mariyay halkii dagaalku ka dhacay oo ay labada ciidan isku horfadhiyaan. Ka dibna waxa qabtay ciidankii Itoobiya, waxaanu u sheegay inuu isagu yahay nin reer miyi ah, isla markaana aanu wax dagaal ah ku jirin, balse uu hadhuudh ka soo qaatay magaalada Kalabaydh oo ay ku taalay beer kale oo uu lahaa. Markii ay ciidanka Itoobiya baadhistii ka dhamaysteen ayay u celiyaan dhinaca xadka ee ay Soomaalidu ka xigta ee gudaha Somaliland. Intii uu dhexda soo socday inta u dhaxaysa labada ciidan wuxuu kula kulmay abaaro xiliga cisahaa’iga Mr. Uways oo ku dhex jira dhawr qof oo mayd ah, isla markaana dhaqdhaqaaq samaynaya. Oday Cumar Dheere intuu xaggiisa dambe eegay uu ee iska hubsaday in la soo eegayo amaba ay cidi daba socoto ayuu si degan awrkiisa u fadhiisiyay, ka dibna Uways ayuu ku dhawaaday, waxaanu u gartay inuu yahay askari Soomaali ah oo dhaawac ah.

Markii xaqiiqsaday inuu nool yahay ayuu awrkiisa ku raray, waxaanu u sii socday dhinicii loo soo jeediyay. Balse khashaafad weyn oo ay isticmaalayeen ciidanka Itoobiya ayay ku arkeen awrka la fadhiisiyay ee haddana kacay ka dibna rasaas ayay oodda kaga soo qaadeen. Awrkii ayaa diday, isla markaana oday Cumar xajin kari waayay. Oday Cumar awrkii wuu xejin kari waayay, isla markaana wuu jiidhay oo lug ayuu ka jebiyay. Odaygii halkii ayuu ku hadhay, waxaanu gurguurad ugu tegay ciidankii Soomaalida awrkiina didmadii wuxuu ku tegay Tuuladda Durya Dheer oo ahayd halkii uu odaygu deganaa. Sheekadii ayuu u sheegay ciidankii Soomaalida, halkii baanay ku hayeen, waanay kabeen, balse maxbuus ahaan ayay u hayeen muddo ku dhaw todoba maalmood. Nasiib wanaag reerkii Oday Cumar Dheere waxay garteen markii awrku u tegay habeen badh in awrku soo diday, isla markaana odaygii lahaa uu isku dayay inuu ninkani Uways ee awrka ku raran qaad ay cadaw arkeen lagana yaabo inay rasaas ku fureen oo uu dhintay amaba ay maxbuus ahaan u qabteen. Reerkii Oday Cumar Dheere waxa joogay oday weyn oo da’ ah oo xilliyo hore soo gaadhay, isla markaana yaqaanay sida dhaqanka wax loogu daaweeyo, ayaa markiiba gartay in ninkani dhiig bax badani ku dhacay, ayaa jalay Uways, isla markaana kabay gacantii iyo Lugtiiba. Lix saacadood ka dib ayuu ninkii Uways  ka soo noqday miyir la’aantii isaga oo ku dhawaaqaya  heestii Cabdi Kaamil Cawaale allaha u naxariistee ee ahayd “Calankayga Nuuroow haddii aanan soo noqon allahayow ku nabadgeli” hase yeeshee markiiba afka ayaa la qabtay oo waxa lagu yidhi waar hoos u hadal, dhaawac ayaad tahay cadawga dhexdiisana waad joogtaay’e. intuu aamusay ee uu dadka eegeegay, isla markaana jidhkiisa eegay ayuu yidhi “Abooweyaal miyaydaan Soomaali ahayn, waa maxay cadawga aad ka hadlaysaan” waxa lagu yidhi “Halkani waxa la yidhaahdaa Durya, adiga oo dhaawac ah oo awr saaran ayuu awrkii kula soo baxsaday ninkii awrka lahaa ee laga yaabo inuu ku saarayna la garan maayo meel uu jaan iyo cidhib dhigay, adna sidaasi ayaad halkani ku timid, waxaana laga yaabaa inaad Tog-Wajaale ku dhaawacantay oo shalay dagaal ka dhacay” ka dibna waxa uu weydiiyay dadkii la joogay halkani magaceed waxa lagu yidhi “Waa Durya Dheer” Waxaanu yidhi, “Durya Dheer allaw ka dhig halka hanad ka duulo, hoyga Guusha”. Dhawr maalmood markii uu halkii joogay ayaa loo tukubiyay halkii ugu dhaweyd ciidan Soomaaliyeed oo ahayd Geed-Balaadh. Markii uu halkii tegay ayaa looga soo gudbiyay Tog-wajaale oo taliskiisii ahaa, halkaasi oo uu ugu tegay Oday Cumar Dheere oo isna lug ka jaban, loona haysto askari dhaawac Soomaaliyeed ah oo isagu sheegay inuu doonayay inuu awrkiisa soo saaro, balse awrkii ka diday. Nasiib wanaag markii uu Uways tegay ayuu qisadiisii ka waramay, halkiina ay isku barteen oday Cumar. Ka dibna odaygii la sii daayay reerkiisiina la geeyay. Uwaysna dhaawac ahaan loogu qaaday Muqdisho iyo deegaankii uu ka yimid ee Somalia. Uways oo maanka ku haya sidii wanaagsanayd ee uu u soo nabadgalay, ayaa dalacay, isla markaana la siiyay laba xidigood, wuxuuna ka mid noqday ciidankii Soomaaliyeed ka hawlgalay Tog-Wajaale sannadkii 1977-kii. Balse magaalada Harar ayaa haddana dib ay maxbuus ahaan Itoobiya ugu qabatay.

Sanadkii 1988-kii markii ay Somalia iyo Itoobiya maxaabiista isdhaafsadeen ayaa la geeyay Muqdisho Uways, waxaana loo lebisay derejada Kornayl. Ka dibna waxa la keenay Somaliland oo xilligaasi dagaal ku dhexmarayay ciidankii Somalia iyo ururkii SNM. Ka dibna maalmo ka hor intii aanay dagaaladu ka qarxin Somaliland ayuu isku dayay inuu raadiyo ninkii Oday Cumar halka uu ku dambeeyey, waxaana loo sheegay in odaygii ciidamada Somalia dileen oo ay ku eedeeyeen inuu u shaqeeyo xabashida iyo qurmis ahaan (magac ay dawladii Somalia ugu yeedhi jirtey SNM)  qoyskiisiina u qaxeen Durya Dheer. Oo saldhig u ah urur ka soo horjeeda dawladda Somalia. Arrintani waxay maroora dilaac ku riday Mr. Uways, waxaanu qaadan kari waayay ciidamada dilaya dadkii isaga dhaawiciisa badbaadiyay. Ka dibna xaggan iyo Hargeysa ayuu u soo noqday, balse maalmo ka dib SNM ayaa Burco dagaal ku qaaday. Isaga oo markaasi jooga halka uu imika yahay taliska ciidanka Qaranka Somaliland oo ahayd taliskii ciidankii la odhan jirey 26-aad. Hase yeeshee, Uways wuxuu haddana ogaaday in askarta ka tirsan ciidanka Xoogga ee ay haybta wadaagaan Oday Cumarkii badbaadiyay la doonayo in dhegta dhiiga loo daro. Arrintii ayuu isku dayay inuu ka hortago, balse waxa la yidhi, isna waa qurmis isqarinayee raaciya. Waa la raaciyay. Nasiib wanaag nin ay haybta wadaagaan Uways ayaa arkay isaga oo geedka dilka ku xidhan oo madaxa joonyad loo sii gelinayo, ka dibna qaylo ayuu ninkii kaga tolay waar Uways oo qoladaa maaha. Balse markiiba askarigii madaxa joonyada u geliyay wuu ka dhaqaaqay, kuwii loogu talo galay inay toogtaana rasaastii ayay ku fureen, waxaanay kaga dhacday dhegta midig hoosteeda iyo afka. Balse waa laga joojiyayv intii kale. Balse kuma dhiman Uways, wuxuuna noqday dhaawac. Ka dibna dhakhtarka ciidamada ayaa la geeyay waana la daaweeyey, hadalse laga waa. Si kasta oo loola hadlana wuu aamusan yahay uun. Waxaana loo qaatay inay dheguhu wax noqdeen, waxaana loo qaaday Muqdisho. Halkaasi oo looga sii qaaday ilaa dalka Talyaaniga. Inkasta oo dhakhtaro badan la geeyay, haddana ma hadlee gacantiisa ayuu dadka wax ka weydiiyaa oo uu yidhaahdaa tilmaanta dhagoolaha ah ee “Mee, ama Meeye amaba Meeday”.

Dhakhaatiirtii Talyaaniga ayaa kula taliyay wiilkiisa Siyaad oo dhashay sannadkii 1969-kii looguna magac daray madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Siyaad Barre inuu dalkiisii ku celiyo, isla markaana geeyo halkii ugu dambaysay ee dhaawucu ku soo gaadhay. Inanka Siyaad marka ay dadku u yeedhayaan ee ay magaciisa yidhaahdaan wuu dhibsan jirey Uways, wiilkuna wuxuu kan aabihii ugu jecel ee aan ka fogaan. Ka dibna wuxuu u soo qaaday magaalada Hargeysa sannadkii 1989-kii. Markii ay madaarka ka soo degeen ee uu arkay magaaladii Hargeysa sida loo burburiyay, markii hore aamus ayay u ahayd ee oohin ayuu ku darsaday Uways. Waana laga celiyay. Waxaana la geeyay tuulo ku taala dalka Talyaaniga. Warna ma dhegaysto Uways mana daawado, Soomaalidana agteeda wuu ka fogaadaa. Wuxuu sidii ahaadaba maalin maalmaha ka mid ah sannadkii 2010-kii ayuu wiilkiisii Siyaad oo sita Joornaal ay ku qorantahay doorashadii madaxtooyadda Somaliland iyo natiijadii doorashada Oday Uways  joornaalkii ayuu qaatay waxaanu ku bilaabay akhris deg deg ah oohintiina wuu joojiyay intii uu akhriyay joornaalka. Odaygii wuxuu joornaalkii ka ogaaday inay Hargeysa iyo Muqdisho kala go’een laba dalna kala yihiin. Balse  odaygii waxa kaga sii darnayd inuu inankiisa ka maqlo isaga oo leh “Maxay doorasho geli waa hal qabiil oo is-calmaday oo dawlad baanu nahay leh ee bal hal dal oo adduunyada ahi miyuu aqoonsanyahay, waxay leeyihiin waa lana xasuuqay, Soomaali oo dhan ayaa is-dishay ee iyaga maxaa u dheer” . markii uu inankiisu sidaasi yidhi, ayuu odaygii fahmay wuxuu inankiisu u jeedo, waxaanu tusay weji cadho xad dhaaf ahi ka muuqato.

Inankii wuxuu u qaatay inuu Aabihii ka xanaaqsan yahay kala go’a labada dal, waxaanu yidhi “Aabo ma go’I karaan ee iska naso oo xanaaqa jooji, balse odaygii ayaa inankiisa la haabtay dhirbaaxo, balse awood la’aantiisa awgeed odaygii kuma dhufan”. Inankii Siyaad waxa ku dhacday yaab, Aabihii oo u dagaalami jirey in la isku keeno shan Soomaaliyeed, haddana hadalkiisa ka cadhooday. Wuxuu ka dibna odaygii si fara-fiiq ah ugu sheegay halkaasi I gee. Inankii oo yaaban, ayaa ku yidhi aabihii “Aabo ma Waqooyi galbeed ayaan ku geeyaa, qabiilkaaga iyo adigaba way ku neceb yihiin”. Odaygii isaga oo inankiisa hadalada uu leeyahay dhibsanaya  ayuu yidhi “Haa” inta uu madaxa lulay. Inankii odaygii wuu soo qaaday, waxaanu keenay Hargeysa, markii madaarka ay ka soo degeen, odaygii ayaa inta uu oohintii joojiyay mililacay madaarka Hargeysa oo ay ugu dambaysay sannadkii 1989-kii markii hadal ugu dambay Uways. Waxaama wejigiisa laga dareemay waxoogay farxad ah ilaa maalintii uu ku dhacay dhaawicii ugu dambayeeyey ee dhegta hoosteeda iyo afka kaga dhacday. Inanka Siyaad oo qaba waxoogay cabsi ah, isla markaana ka baqaya sida loola dhaqmi doono ayaa soo gaadhay halkii socdaalka ee lagu eegayay waraaqaha safaradda, isla markaana fiisayaasha laga bixinayay ee madaarka Hargeysa. Odaygii Uways hadli maayo, ee waxa keli ah oo uu leeyahay weji farxadeed. Askartii laanta socdaalka ee madaarka Hargeysa ayaa Siyaad ku yidhi “Miyuu dhego la’ yahay” wuxuu ku jawaabay isaga oo cabsanaya dhakhtaradu waxay yidhaahdeen dhegihiisu waxba ma qabaan, balse ma hadlo muddo dheer, isaga oo ka baqaya inuu sheego halkii ugu dambaysay ee dhaawucu ku gaadho oo ah magaaladda uu hadda joogo. Waxaanu intaasi raaciyay “Dagaaladii ka dhacay Muqdisho ayaa lagu dilay dad ehelkiisa ah, markaa taasi ayaa ku keentay”. Oday Uways intaa hadalka wuu maqlayaa, waanu dhoola-cadeeyey hadalka aan runta ahayn ee wiilkiisu sheegay. Ka dibna saraakiishii laanta socdaalku way yar hakiyeen, waxaanay u gudbiyeen taliyahooda arrinta ninkani aan hadlayn. Nasiib wanaag waxa loogu yeedhay sarkaal ka tirsan bileyska Somaliland oo asal ahaan ka soo jeeda Somalia, balse hadda reer Somaliland ah, waayo aragnimo ahaana loo biday bal inuu arrintani eego. Markii uu sarkaalkii yimid ee uu eegay wejiga ninkani odayga ah su’aal ayuu weydiiyay Kornayl Uways miyaanad ahayn? Ninkii odayga ahaa ee Uways ayaa ilka cadeeyey oo ku jawaabay “Haa waan ahay Kornayl Uways” ee adigu yaad tahay? Waxaanu yidhi “Waxaan ahaa askari dable ah oo ka tirsanaa xooggii dalka Soomaaliyeed, isla markaana ka talaabay dulmigii aad diiday ee keenay in dilka laguu xidho, kuna biiray SNM, ka dibna markii wadanka la soo galay waxaan noqday sarkaal bileyska Somaliland ka tirsan, magacayguna waa hebel hebel”. Markiiba wuu gartay Uways waanu ku dhedhegay. Waanay israaceen Uways iyo sarkaalkii bileyska ahaa magaalada ayayna soo wada galeen. Uways farxadda taasi uga weynayd waxay ahayd markii uu soo galay gudaha magaalada Hargeysa ee uu arkay sida ay wax u socdaan, Hargeysa cusub ee la dhisay iyo tii uu ka tegay 1989=kii. Wiilkii Uways dhalay ee  Siyaad, mar keli ah Aabihii wax dambe ma weydiiyay, isla markaana wuu daba socdaa uun sida marba meel loogu casuumayo iyo farxadda Aabihii ka muuqata. 24 saacadood ka dib Siyaad Aabihii wuxuu weydiiyay Aabo ma halkani ayuun baad u baahnayd? Wuxuu ugu jawaabay “Aabo, magaca Siyaad ee aan kuu bixiyay dhaawucuu ii geystay ayaa aamuska iigu wacnaa, waxaana igaga darnaa dadkii noloshayda lahaa dulmigii loo geystay, waxaase igaga sii xanuun badnaa markii aynu joognay Talyaaniga ee aad lahayd xasuuq aan jirin ayay dacwo ka dhiganayaan, hadda waa xasuuq aan markhaati ka ahaa, dhibane aan ka ahaa, waxa keli ah ee  dil la iigu xukumayna waa yaan la laynin askarta Soomaaliyeed ee aan dambi gelin, balse qoladooda loo laayay, iyo sida hubka noocyadiisa kala duwan loogu garaacay loogu xasuuqay dadkii Soomaaliyeed ee xorriyadda horseedka ka ahaa, dambiga keli ah ee ay galena ay ahayd qoladooda, markaa Aabo, magaca iska bedel oo Cumar Dheere la bax, odaygii noloshayda lahaa, maalin dambena yaanan kaa maqlin inaad ka soo horjeesato dawladnimadooda, waayo waa guul Soomaaliyeed, ee maaha guul-darro Soomaaliyeed bal eeg maanta sida ay tahay Somalia, waxa haystaa waa dulmigii ay halkani ka sameeyeen. Waxaanan kugu ogahay odaygii Cumar Dheere ee noloshayda lahaa ehelkiisa doon oo soo hel” ayuu hadalkiisa ku soo gebagabeeyey.

Advertisement

Ku Xayeysiiso