Xarunta dhaqanka ee Hargeysa waxa ay sannad walba waddanka ku soo casuumaan aqoonyahanno iyo suugaanyaqaan kala metalaya dalal badan oo aanay qaarkood weligoodba Somaliland maqal.
Xubnahaasi dalalkii ay ka yimaaddeen waxa ay ku noqdaan iyaga oo fahansan, ogsoon, isla markaasna sii fidin kara xaqiiqada dahsoon ee dalka Somaliland: nabadda suugaanta, afka, taariikhda, nolosha dhaqan dhaqaale, dariiqii halganka dibuxoraynta qaran iwm. Sidaas marka ay tahay, Xaruntu waxa ay ka qayb qaadatay faafinta qaddiyadda goonni-isutaagga Somaliland.
Tobankii sanno ee u danbeeyay Xarunta Dhaqanku waxa ay noqotay madal kulmisa dhallinyarada waddanka. Si taas la mid ah, waxa ay hoy u noqotay af iyo dhaqan dayacnaa oo innagu dhaafay “waxa la yidhi”. Sidaas darteed, waxa ay Xaruntu mar kale hiil u noqotay ereyga qoran iyo hawraar badan oo baylah ahayd.
Maalmihii ugu danbeeyay baraha bulshadu ku kulanto waxa aan ku arkay dad ku lid ah xaruntan. Waxa aan is weyddiiyay magaalada iyo dalkeennu miyaanu ka korayn faro la isku fiiqfiiqo?
Way fududdahay in khaladka iyo gefafka cidi leedahay la sheegaa. Laakiin waxa aan is weyddiiyay miyaa la waayay cid wixii khalad loo arko kala hadasha cidda ay dhaliilayso, kahor inta aanay warbaahinta isa soo hor tubin?
Waxa habboon in qofka wax dhaliilayaa hubsado waxa uu dhaliilayo, waayo, waxa aynnu marar badan aragnaa qof iska dhaliilaya wax aanu xog badan ka haynnin, bal se uu wax kale ka ursaday, ama dano kale awgood isaga maagayo.
Marka qof muwaaddin ahi la yimaaddo ficil uu ummadda wax ugu tarayo, maxay inoo shaqaysaa qaybta dhaliisha oo keli ahi? Mar haddii aynnu innagu keeni weynnay fikir wax lagu wanaajinayo, ma in aynnu ka hor nimaadno baa la inoogu dawgalay?
Anigu Xarunta dhaqanka kama shaqeeyo, laakiin waxa aan aaminsanahay in ay u shaqayso dadka afka Soomaaliga ku abtirsada ee aan ka midka ahay. Waxa ay iftiin u tahay dadka suugaan-kunoosha ah ee aan ka midka ahay.
Farduus Siciid Dirir
Hargeysa, Somaliland.