SAWIRRADA HOOSE:
1) Galmudug June 2019 (Booqashadii RW Khayre)
2) Galmudug Jan 2018 (Booqashadii MW Farmajo)
3) Puntland Jan 2018 (Booqashadii MW Farmajo)
4) Kismaayo March 2019 (Booqashadii RW Khayre)
5) Shirkii Golaha Amniga Qaranka June 2018 (Baydhaba)
6) Doorashadii Farmaajo (Xamar 2017)
Sawirradani dhammaantood waxay muujinayaan yididiilo iyo rajo. Waxaad arkaysaa sida ummadda Soomaaliyeed hadday isu tagto oo wadahadasho ay iyagoo faraxsan isu qaabilayaan, isu soo dhoweynayaan farxad ugu kulmayaan, iyagoo faraxsan oo wax isla meel dhigayna ay ukala ambabaxayaan.
Waxay muujinayaan in dadka Soomaaliyeed jecelyihiin inay helaan dawladnimo hanaqaadda oo ka saarta haadaanta ay ku dhaceen. Waxay tusayaan inay hiil u baahan yihiin. Waxay tusayaan inaanay weli rajo gabin oo sugayaan madaxdii ka saari lahayd haadaanta ay gunteedii fadhiyaan.
Su’aasha is weydiinta lihi waxa weeye, ma hayaan madaxdii fahmi lahayd baahida ummadda kana jawaabi lahayd? Ma hayaan madaxdii daacadda u noqon lahayd danaha ummaddaa tabaalaysan? Ma hayaan madaxdii aammini lahayd awoodda shacabkooda uguna adeegi lahayd si waafaqsan baahida shacabka ay metelaan? Ma hayaan madaxdii uga diirnixi lahayd darxumada dadkaa haysata?
Waxaan qabaa in dhibka ugu weyn ee Soomaali haystaa uu yahay HOGGAAN XUMO. Madaxda aad arkaysaan ee sidaa loogu soo baxayo meeshay tagaanba waxaad mooddaa inaanay fahmaynba waxa dadkani ugu soo baxayaan. Qaarkood waxay u haystaan dadkuba inuu xoolo yahay oo 1) markii loo baahdo la abaabuli karo 2) wixii la doono loo sheegi karo 3) la laaluushi karo si ay calammo u ruxaan 4) la jiheyn karo oo iyaga la iska horkeeni karo.
Sawirradan kore iyo kuwo ka badan oo aad wada xusuusan tihiin waxay kusoo dhammaadaan in madaxda waddanku dadka la soo galaan ballamo adadag, ilaa iyo maanta lama hayo wax ka fulay ballamahaasi. Safarka maanta uu RW galaa bixinayo Galmudug ee uu dadka sida carruurta u maaweelinayo oo haddaladda uu ku hadlayo qaarkood markaad u fiirsato aadba ka wiswisayso sida “dhulkii gabdhaha cascasaayoow, Caabudwaaqeey ma i maqashaa”! Ku darsoo sidaan maqlay xididtinnimona way u dhexeysaa Khayre iyo reer Caabudwaaq. Cadaado iyo Dhuusamareebna wax la mid ah uu kaga dhawaaqayey oo aad mooddid inuu carruur la hadlayo. Arrimahani waxay ku tusayaan sida madaxda maanta joogtaa ay uga arradan yihiin asluubta dhaqanka Soomaaliyeed iyo sida aanay u fahamsanayn baahida dhabta ah ee dadkooda haysata. Dadka Soomaaliyeed ma mudna in loola hadlo si la mid ah sida dadka dheregsan ee nabadda haysta ee Yurub iyo Maraykan loola hadlo marka madaxdoodu codka ka doonayaan ee ay maaweelinayaan kuna dhereg dhacsanayaan.
Ummadda aad masuulka u tahay waa inaad dhaqankooda taqaannaa, markaasaad fahmi karaysaa waxa ay tebayaan iyo waddada loo mari karo sidii waxaas wax looga qaban lahaa waxaas ay tebayaan.
Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu RW Khayre soo afjaro khilaafkii dadka Soomaaliyeed ee Galmudug deggan oo madaxda Federaalka laftoodu ay qayb ka ahaayeen. Waxaan kaloo ka rajaynayaa RW Khayre inuu fuliyo wixii halkaa lagaga soo ballamo, ee aanay noqon sidaynu hore uga barannay “hal bacaad lagu lisay”.
Gebagebadii
RW Khayre iyo MW Farmaajo waxaan kula talin lahaa haddaydaan midnimada iyo wadajirka iyo isu soo dhowaanshaha ummadda Soomaaliyeed waxba ku kordhin karayn ha uga sii darina oo hoos uga dhigina halkii wax marayeen markii aad xukunka la wareegteen Feb 2017. Waddanku maanta waa Federaal (si kasta ha ku yimaaddee), madaxda waxa looga baahan yahay inay la yimaaddaan siday isugu hayn lahaayeen xubnahaas Federaalka iyo dawladda dhexe. Waxa muuqata inay arrintaasi hoos u dhac weyni ku yimid tan iyo intii xukuumaddan jirtaa talada la wareegtay. Waxa kale oo la rajaynayey inay dhammystiraan wixii ka dhiman Federaalka oo ay wixii hore u dhisnaa oo Xasan Sheekh Maxamuud soo kordhiyey ay wax ku sii daraan, nasiib darrose intii horaa sii kala daadanaysa.
Mohamoud Ibrahim (Xaaji)
dalmarbilaal@gmail.com