( Nin guri isku xidhay umad uma taliyo , nin qoys uun arkayaana qaran ma maamuli karo , madaxnimaduna waa isku wadida umada , walaalaynteeda iyo wax wada lahaansheheega )
Dulmigii aynu ka tirsanaynay dawladii somalia waxa ugu waynaa intii aan dagaaladu dhicin cadaalad darro iyo waxii aynu wada lahayn oo cidiba waxba inaga waydiin wayday oo la inoo joojin waayey, hada garo oo dadka reer somaliland oo dhan baa dulmanaa inkasta oo dawladaha kala dambeeyay dadka qabail u kala fur-furayeen oo umada la isku soofaynayey.
Marka cadaalad darada iyo waxyaabaha tabashooyinka reer somaliland qabaan laga hadlayo waxa hubaal ahayd in inbadan oo reer somaliland ahi kuraasida ay ku fadhido ilaashanaysay oo ay lahaayeen waxba kama jiraan waxaa ay wadaan iyo anagaa dhamaynayna iyo wax la mid ah.
Somaliland waala wada leeyahay taasi yaanu cidina shaki ka galin laakiin munaafacaadkeeda iyo mansabyada qaranka ayuu dheeli ka muuqdaa , dheeligaasi oo u baahan in la miisaamo oo la isku dhibriyo oo dadka reer somaliland min bari ilaa galbeed wax wanaagsan oo la isla ogol yahay oo lagu wada qanacsan yahay ay noqoto dawlada somaliland.
Dadka somaliland qofna qof uma marti aha ee qofwaliba dalka wuu leeyahay , waxa uu doonayaa wax uga qalma dalkiisa oo waxa uu u baahan yahay in la qanciyo oo waxna laga shaafiyo waxna uu ka tanaasulo oo marka dadku wada doodaan la isku garaabo oo wax la isla meel dhigo , waayo dawladnimadu waa dan la wada leehay oo aanay cid gaar ahi lahayn .
waxa aan aaminsanahay waxa aynu raadinaynaa iyo aqoonsiga aynu rabnaa gudaheena ayuu yaalaa sida aynu isugu duubnaano ayeynu wax ku noqonaynaa oo meel ku gaadhaynaa , waxa wanaagsan in la is qanciyo oo cidkasta oo wax tabanaysa oo reer somaliland ah loo joojiyo oo la dhagaysto lagana jawaabo tabashadooda.
Somaliland waa ul iyo diir ab iyo isir iswada dhalay oo hadana dal iyo dawlad wada leh , waa dad is fahmi kara oo wada tashan kara oo wax wada leh waligoodna wax wada lahaa , waa dad dhaqan af iyo diin wada haysta isku tanaasuli kara oo waligood caado u lahaa marka la is waraysto ee la wada hadlo in wax la isla meel dhigo.
Waxa aan aad uga xumahay in aan arko dad reer somaliland ah oo in badan hadlaya oo wax tabanaya oo aan cidiba u jawaabayn , wax maanta kula yar ayaa suuragal ah in ay bari kula cuslaadaan oo aad gaadhi waydo horena waan uga qoray maqaal arintaa oo aan la wadaagay dadka reer somaliland .
Dadka qaar ba si bay u fasiran doonaan qoraalkayga oo qaar waxa ay is leeyihiin waa mucaarid , qaar kale waxa is odhan doonaan madaxweyanaha ayey isku reer yihiin oo uu u werwerayaa , dadka qaarna in aan dano kale ka leeyahay ayey u fasiran doonaan oo waa binu adam iyo caadadii .
Haseyeeshee waxa inta ugu badan iga hadliya marka waxii kaftan ah laga saaro mustaqbalka umadani siduu noqon doonaa , kiinii yooyootan lagu laasaye tolow ka ilmahaagu isaguna siduu noqon doonaa , dhaxal noocee ah ayaa umadan looga tagi doonaa iyo su’aalo kale oo badan .
Somaliland hawlo badan oo mucaarid iyo muxaafid , in beelo loo kala shiro ka waaweyn ayaa inoo yaalla iyo in qofku ka fikiro naftiisa oo kaliya , waxa inoo yaalla sidii aynu wax u wada qabsan lahayn ee dalkeenu isku filnaansho iyo hore u socod u gaadhi lahaa , waxa inoo yaalla sidii dalkan tacabku galay ee dad badani nafahooga u soo waayeen sidii aynu wax uga dhigi lahayn ee uu u noqon lahaa dal dalalka caalamka ka mid ah .
Somaliland waa lagu kala badan yahay waa run , laakiin badnidaadu waa in aanad walaalkaa ku muquunin awood iyo aqlabiyad taasi oo ay ka dhalan karto dulmi iyo cadaalad darro , tusaale wanaagsana waa aynu haysanaa oo waatii shalay reer somaliland soo martay oo midhaheega iyo dhaxalkeegii waxa uu dhalay waataa somali ka muuqata maanta , aniga oo og in dalku dimuqaradiyad qaatay oo ay kuraasida iman karaan in iskuwada reer ka yimid , hadana in inta waxa aynu wadnaa hanaqaadayaan oo dadkana qaabka ay u xisaabtamayaan korayo in la isku wadaa waa lagama maarmaan.
Waxa aan ku talinayaa in la is maqlo oo reer somaliland isku joojiyaan oo aan arinkeenu noqon ku xumee iyo ku jiqsii ee somaliland way isku wada baahan tahay oo cid cid ka maarantaa ma jirto e , arimaha marwalba xaga wanaaga iyo xalka dadka reer soamaliland ku jiro la isla eego oo dawladuna dadkeeda maqasho wax la qabato oo meel loo wada jeedo .
Gunaanadka qoraalkayga waxa weeye in dadku nabad galyadooda ilaashadaan dawladnimadooda ilaashadaan wanaaga iyo wadajirka marwalba u taagnaadaan oo xaga wanaagsan wax loo wado , si aynu u hiigsano dalalka iyo dawladaha hore u talaabsadey oo aynu meeshan uga dhaqaaqano .
Muhamed Dhimbiil
Mohamed Abdi Jama