Madaxweynihii u horeeyay ee maraykanka George Washington waxa laga reebay
“Waxaanu Doonaynaa Dawlad Sharcigu Sareeyo, Ma doonayno Dawlad Qofaf Ka Kooban”
Jamhuuriyada Somaliland si aad u ogaatid Ha`yadaha dawladu siday u socdaan ama wax kaaga baxaan waa inaad QOF ka mid ah soo qaadato Waayo Dawladnimadii oo aan adkaan awgeed
Xaalada guud ee Garsoorka Somaliland wuxuu la socdaa koritaanka ha`yadaha kale ay ka kooban tahay dawladnimadu
QOFNA XILKA LOO MAGACAABO AYAA WAX KA DHIGA, QOFNA ISAGAA XILKA WAX KA DHIGA OO HAL ABUUR IYO KARTI KU SOO KORDHIYA …. Ina Beergeel wan ka danbe
Cabdirashiid Beergeel waa garsoore ilaahay bulshada ogalaysiiyay dadweyne badan oo maxkamadaha cadaalad usoo doontaa waxay yidhaahdaan “Hadii Ina Beergeel Joogo Isagay Noogu Dhantahay” Waa qubuul ilaahay bixiyo iyo daacadnimo iyo cadaalad laga arkay
Sideedaba Kiisaska Dhaxalka dadweynuhu dibada ayay ku dhamaystaan XAGA maanta Garsoore C/rashiid Beergeel lagula soo hagaago
Wuxuu dheeryahay garsoorayaasha kale isagoo si qotodheer u diraaseeyay fiqiga diinta ee garsoorka iyo kala saarida dadweynaha iyo isagoo aqoon dheeraad ah u leh xeerarka iyo dhaqanka geedka soomaalida “Garta”
Waxa u raaca sifooyin uu ku adagyahay qaarkood ay keentay barbaarkiisii hore
Daacadnimo badan oo dhabarka ku haysa alle ka cabsi iyo dadka jilicdasan oo loo adeego
Go,aan adayg isagoon cidna raali galinayn
Cadaalad ay dhif tahay in la helo baryahan danbe DADKA UGU BADAN EE UU ILAALIYAA WAA DADKA AAD U JILICDASAN EE LA DULMAAYO/
Waxa u kala baxsan Ina Beergeel Aduunka iyo Garsoorka oo ah aafada ragaadisay Cadaalada sababo ay ka mid tahay “Isagoon Baahi u Gayn Garsoorka”
Ugu danbayn waxaan filayaa in uu garsoorku u baahan yahay Ina Beergeel ee aanu isagu u baahnayn, Joogitaanka qofkaas oo kale iyo la dhaqankiisu wuxuu badali karaa guud ahaan garsoorka laga cabanaayo had iyo goor wuxuu noqon karaa tobabar jiilasha soo kacayaa ku daydaan
Cilmiga Siyaasadda Iyo Dawladnimada Garsoorku waa tiirarka ugu culus ee laga maarmaanka ah si hore loogu socdo
Qofka haboon meesha haboon in la geeyo.
Alle Mahad Leh