Dr.Muxammed Shaxruur:Shaaficiga Labaad
Ka dib markii aan akhriyey kutub diinta islaamka ku saabsan oo uu qoray ninka magaciisa la yiraahdo Dr.Muxammed Shaxruur,waxaan arkay in aan dadka soomaaliyeed usoo gudbiyo qaar ka mid ah fikradaha aqoonyahankan si kooban,waayo waa kuwo aad u xiiso badan sidaan anigu u arko.Magaciisa waxaan kusoo gaabinayaa MSH,maadaama marar badan uu soo noqnoqonayo qoraalka gudihiisa.
MSH waa injineer ku dhashay Suuriya sannadkii 1938.Wuxuu shahaadada koowaad ee injineeriyada kusoo qaatay Midowgii Soofiyeet 1964,shahaadada PhD-na dalka Ayrlaand(Ireland) sannadkii 1972.Wuxuu qoray kutub injineeriyada ku saabsan oo heer jaamacadeed ah(textbooks).
Sannadkii 1967 ayuu MSH usoo jeestay xagga diinta,waxaana taas ku dhaliyey jabkii carabtu kala kulantay dagaalkii ay yuhuudda la gashay.Wuxuu yiri;Jabkaas lama filaanka ahi wuxuu dhammaan dadka carbeed ku beeray argagax iyo caloolxumo aan laga sheekayn karin.Jimcadii ugu horreysay jabka ka dib ayaan waxaan salaadda jimcaha ku tukaday masaajid ku yaal Dimishiq.Wadaadkii khudbada akhriyey wuxuu noo sheegay in guuldarradu ka timid dumarka qaawan)كاسيات عاريات.),maalmo kadibna waxaan la kulmay nin shuuci ah oo aan Alle rumaysnayn kaasoo ku safiray in guuldarradu ka timid soonka bisha Ramadaan.Labadaas nin oo midna wadaad diimeed yahay midna shuuci yahay waxay i tuseen in caqliga carbeed wax weyni ka khaldan yihiin.Maadaama diintu abuurto dhaqanka iyo qaabka dadyowgu u fikiraanna waxaan goostay inaan si fiican wax uga barto diinta.
MSH wuxuu baaritaan iyo barasho ugu dhaqaaqay arrimaha diinta,wuxuuna 1990 qoray kitaabkiisii u horreeyey oo ku magacaabay :Quraanka iyo kitaabka(القرأن والكتاب),kaasoo abuuray dood aad u dheer .
Ka dib wuxuu qoray kutub badan oo la xiriirta diinta.Ugu horreyn waxaa usoo baxday in diinta sidii loo safiray qarniyadii 2aa iyo 3aad(عصرالتدوين) ee hijriga aan waxba iska beddelin ilaa maanta,safirkaasina uu ka duwan yahay waxa Quraanka ku qoran oo diintu gebi ahaanba ku salaysan tahay xaddiis iyo ra,yiga culimmada iyadoo la adeegsanayo xeerarkii fiqiga(اصول الفقه)ee uu dejiyey imaam Alshaafici.Xeerarka Alshaafici kan ugu khatarsanaa waa kan oranaya in nebigu(NNK) uu la yimid labo waxyi(صاحب الوحيين),Quraanka iyo axaadiista.Maadaama axaaddista lagu sheegay waxyi waxaa lala barbar dhigay Quraanka,balse ayagaa la hormariyey markii ay is khilaafaan.Tusaale ahaan 10 aayadood oo dardaaranka ku saabsan waxaa lagu nasakhay hal xadiis(لاوصية لوارث)Baaritaan dheer MSH wuxuu dejiyey xeerar cusub oo fiqiga,waana qofkii ugu horreeyey ee wax ka beddelay xeerarkii Alshaafici dejiyey abbaaraha 1200 sano ka hor.Taasina waa sababta ciwaanka qoraalka.
Markii MSH Quraanka eray eray u baaray wuxuu fahan cusub iyo sharax cusub ka bixiyey arrimo aad u badan.Xagga axkaamta wuxuu si cusub u safiray aayadaha dardaaranka,dhaxalka,dharka,xuquuqda dadka gaar ahaan dumarka,xukunka iyo xaakimiyada Alleالله حاكمية )Qof kastaa waa gefaa,laakiin waxaan shaki ku jirin in sharaxiisu ka hufan yahay kuwii hore ugana dhaw yahay kitaabka Alle.In kastoo wadaaddadu qaylo afka ku shubteen,cay iyo gaalaysiinna isugu dareen sidii caadada u ahayd,haddana fikradaha ninkani si dhaqso ah ayey u faafayaan waayo waa kuwo qaarkood aad u qancinaya qof kasta oo run raadis ah.Kitaabka Alle ayuu MSH kor u qaaday kana kor mariyey kitaab kasta oo kale iyo ra,yi kale oo kasta.
Sida uu u fahmay MSH kitaabku wuxuu ka kooban yahay saddex qaybood;
1)Alquraan:oo ah qaybta nebinnimada nebi Muxammed(NNK).Waxaa qaybtan ku jira
B)Qisooyinka rusushii hore taasoo quraanku na barayo geeddi socodka taariikhda dadka
T)Aqoonta dabiicadda iyo sida ay u shaqayso;mar kasta oo ay aqoonta dadku kororto,waxaa kordhaya fahamka aayadaha ku saabsan dabiicadda.Waxaana fasiri kara dadka bartay aqoonta sayniska.
J)Waxyaabaha naga qarsoon ee rumaynta u baahan,sida Alle,malaaigta iyo nolosha dambe iyo waxa la xiriira.
2)Umm alkitaab(الكتاب) ام oo ah qaybta rasuulnimada kana hadlaysa akhlaaqda ,sharciyada iyo cibaadooyinka(salaadda,soonka,zekeda,xajka) oo MSH ugu yeeray Shacaair(الشعاءر).Qaybtan bidco lama oggola oo waa in loo sameeyaa siday nagu soo gaareen,waayo isma beddelaan.
3)Furaha fahamka kitaabka(الكتاپ تفصيل ) waana qaybta ah tusmada kitaabka sida aayadda 2aad ee surat albaqra,aayadda 1aad suradda Huud
Waxa ugu xiisaha badan natiijada baaritaanka MSH,siday aniga ila tahay, waa xeerarka cusub ee fiqiga.Baaritaan kasta oo cilmiyeysan waxaa xukuma natiijadiisa xeerarka cilmi baarista,heerka guud ee aqoonta cilmibaaraha iyo qalabka la adeegsaday.Wuxuu dejiyey xeerar guud oo fahamka kitaabka Alle oo MSH aaminsan yahay in fahamkiisu isaga ku dhex jiro sida dabiicadda , maadaama dabiicadda iyo kitaabku ay isku il ka yimaadeen.Sidaa awgeed dabiicadda iyo kitaabka Alle marna isma khilaafi karaan
Waxaan ugu dambeyn kula talinayaa qof kasta oo carabiga akhriyi karaa inuu akhriyo kutubta aqoonyahankan oo laga heli karo boggiisa internetka shahrour.org.Qofkii ingiriiska akhriyi karana waxaa halkaas ku jira kitaab ingiriis ah.Xeerarka fiqigana halkaas baad ka helin,waxaana ila roon in marka hore la akhriyo xeerarka iyo manhajka.Waxaan xusuustaa mar aqoonyahan soomaaliyeed qoray kitaab uu kaga hadlayo xukunka riddada.Kitaabkaas oo si cilmiyeysan loogu qoray afsoomaali macaan wuxuu aniga ila ahaa kii ugu fiicnaa ee afsoomaali lagu qoray .Qoraagu waxyaabuhuu qoray wax cusub ma ahayn,laakiin wuxuu ahaa kii ugu horreeyey oo arrintaa ka hadlayey oo soomaali ku qoran.Waxaan ka yaabay markaan wax ka dhageystey wadaad soomaali ah oo dabagal ku sameeyey kitaabka oo aad moodaysid inuu kitaab kale ka hadlayo,waxaase ugu la yaab badnaa markii wadaaddada qaarkood dadka uga digeen inay kitaabka akhriyaan.Malaha waxay ka baqayeen in dadku ogaado beenta ay ka sheegayaan kitaabka iyo qoraaga,waana ixtiraam xumo caqliga dadka oo wadaaddadu caadeysteen.Waxay rabaan in dadku noqdo xoolo iyaga u xeraysan oo meeshay rabaan u kexeeyaan.In ka badan 50 aayadood oo kitaabka Alle ayaa dhawraya xorriyadda diinta oo lagu nasakhay axaadiis la sheegay in nebigu)NNK(yiri,suuragalna maaha in axaadiistaasi nebiga ka sugnaadeen.Xaddiis kasta oo kitaabka Alle ka hor imaanaya saxiix ma noqon karo,haddii axaadiistu waxyi tahayna nebiga ayaa qori lahaa siduu Quraanka u qoray,balse waxaa sugan inuu diidey qoriddooda,sidoo kalena ay diideen khulufadii isaga ku xigey.Waxaa la inaka dhaadhacsiiyey in dadyowga kale oo dhami diinahoodii beddeleen innaga mooyee.Haddii aad akhristow sidaas qabto waxaan ku oran lahaa ka fiirso.Kiristaanku waxay diintii Nebi Ciise)CS( ku beddeleen in ka yar boqol sano.Muslimmintuna axaadiista ay Quraanka ku nasakheen waxaa la qoray qarniyadii 2aa iyo 3aad.Imaam Bukhaari,tusaale ahaan wuxuu dhintay 256Hijriyada.Nebigu waa gaarsiiyey ammaanadii Alle usoo dhiibay,axaadiistana waxaa la uruuriyey qarnigii 2aad iyo 3aad ee hijriga.Alle caqligaa lagu caabudaa,dabagalka indho la,aanta ahna waa laga fiican yahay,dadka wax akhriyana masuuliyad gaar ah ayaa saaran.Haddii aan caqliga la adeegsan suun bumbo ku xiran tahay ayaa dhexda la inooku xirayaa,waxaanan xasuuqaynnaa dad aan wax inoo dhimin.Dadka isqarxinaya oo xasuuqa ka geysanaya dalalka muslimiintu waxay indho la,aan u dabagaleen dad ay iyagu culimmo u qabaan.Caqligu waa waxa keliya ee dadku kaga duwan yahay xayawaanka,sidaa awgeed waa inaynnaan oggolaan cid caqligeenna ku cayaarta oo aan ixtiraameyn
W a bilaahi altawfiiq
Q:Cabdiraxmaan C.Xaashi