R/wasaaraha dalka Bakistaan Imran Khan ayaa gaaray qeybta Kashmiir ee ay maamulaan dalkaasi,isagoo dib u xaqiijiyay in uu taageersan yahay xaqa dadka Kashmiiir ay u leeyihiin in ay helaan ismaamul u gaar ah.
Booqashada manta ee R/wasaare Khaan ayaa ku soo beegantay xuska maalinta xoriyadda dalka Bakistaan,waxayna tallaabadaan ay imaaneysaa waqti dalka Hindiya ay soo saaren amar fulin la yaab leh oo ay ku xayirayso maqaamkii gaarka ahaa ee qaybteeda ay ku lahayd gobolka muslimiintu ku badan yihiin.
R/wasaaraha dalka Bakistaan Imran Khan ayaa ka hor inta uusan manta gaarin qeybta Kashmir ee ay maamulaan,waxa uu Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dalbaday in wax laga qabto xiisadda sii adkaaneysa ee kala dhexeeysa dalka Hindiya.
Ururka Xuquul Aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay tallaabada ay dalka Hindiya u qaaay gobolka Kashmiir,gaar ahaan xayiraadaha dhinaca Isgaarsiinta ah iyo dhaqdhaqaaqyada kale.