Taliska ciidammada Booliska Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay nin lagu magacaabo Mustafe Sheekh Maxamed Faarax (Khaarajiye) oo tooray ku dilay Marxuum lagu magacaabi jiray Yuusuf Cali Weyd (Caddaani Weyd) oo Hargeysa lagu dilay xalay.
Taliye ku xigeenka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle oo ka warbixiyey dhacdan iyo sidii ay ciidammadu gacanta ugu soo dhigeen eedaysanahan ayaa sheegay in xidheen ninkaas oo baxsad ahaa.
Taliye ku-xigeenku wuxuu intaas ku daray in ciidammadu ay ku guulaysteen qabashada ninka falkan dilka ah geystay laba saacadood ka dib markii uu dilkaas geystay.
Dilkan ayaa ka dhacay xaafadda lagu magacaabo Qoob-Dameeraad oo ka tirsan degmada Gacan libaax ee magaaladda Hargeysa. Gacan ku dhiiglaha dilkan geystay iyo marxuumka dilka loo geystay ayaa labadoodaba taliye ku xigeenku da’dooda ku sheegay 50 sanno jir.