Marinka Gaza waxaa maanta lagu soo rogay xaalad heegan ah,ka dib markii qarax lagu dilay 3-boliis oo ka tirsan ciidamada Xamaas ,kaas oo u muuqda weerar is-haligid ah ama is-biimeyn ah.
Qaraxyadaan lala beegsaday laba baro koontorool oo ay joogeen ciidamada Xamas,waxaa ku dhintay 3-sarkal iyo qof rayid ah,halka dhaawacyo kale ay soo gaadheen dad rayid ah.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arimaha Gudaha oo lagu magacaabo Eyad al-Bozom ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay dabagal xoogan ku sameeyeen ciddii ka dambeysay qaraxyadasi,balse wax faahfaahin ah kama bixin cidda lagu tuhmayo shilkaasi.
Hamas ayaa sanadkii 2007-dii la wareegtay magaalada Gaza,ka dib markii ay dagaal la gashay ciidamo taabacsan madaxweyne Mahmoud Abbas ,waxaana Ururkaasi soo waajahay mucaarado gudaha ah oo ay hogaaminaayaan kooxo islaami ah