Buug buug sita oon waddankii ku soo arkay.

Sc!
Fadlan maqaalkan ila gaadhsiiya dhalinteenii.
BUUG BUUG SITA

Fasaxii Hargeisa tobban ayaamood ayuun baan ka soo sokeeyay maanta. 
Su’aasha ah, bal waddankii ka waran Maxamed ? iguma ay yarayn, jawaabtan waan la raagay oo daalkii ( Fasaxa SL ma howl yara oo waa lagu soo daalaa) iminka uun buu iga soo ba’ayaa. 

Waa hagaage, aan waramo, waxaanad hollanayn horaa loo yeelaa ayay somalidu ku maahmaahdaaye

Somaliland warkeedu ma yara oo gees kasta, qofkii wax u fiirsanayaa ayaamo ayuu ka warami lahaaye, maanta, horta dhankii dhalinyarada iyo intooda wax baratay iyo waliba raadka uu ku yeeshay shaqo la’aantan baahsan iyo siday ula tacaalaan uun aan idiinka waramo, intii ogaalkay ah.

Midna aan soo hormasado oo afeef ka dhigtee, warkaygan waxaan ku saleeyay xaqiiqooyinkii dhabta ahaa ee aan soo arkay, maaha ku tidhi ku teen. Maan alfin, mana mala awaalin ee masuuliyiinta ugu sareeyay ee hay’adaha dowliga ah ee masuulka uga ah shaqo galinta, sida wasaarada shaqada, hay’ada shaqada iyo shaqaalaha, iyo madaxda shaqo qarabna waan soo arkay oo la soo sheekaystay, dhanka kalana ganacsato waayweyn oo raad muuqda ku leh shaqo galinta waan soo akay oo la soo sheekaystay. Dhalin yaro badan oo degree haystana oo jaamacado ka baxay oo qaar badana shaqeeyaan, qaar badana oo kalana shaqo laayihiin waan soo arkay oo la soo sheekaystay. Waayahay.

Waa ta ugu horeysee, adba sidaad ogtahay shaqo la’aan baahsan baa dalkii ka jirta. Ha is dhaanto dhalinyaradu oo inta jaamacagha ka baxdaa ha u ladnaato ee, balse shaqo la’aan baddan oo muuqataa jirta.

Gacansatadu waxay igu qanciyeen in intii itaalkooda ahayd ay qaateen, siday doonayaanba ha ku qaateen oo intay ajanabiga siyeen, oo ay ka waayeen wax xirfadaa yaqaana mooyee ay karaankoodii shaqaalaysiiyeen dhalinyaradii.

Dowladuna waxay sheegtay, in ayna waxba hagranayn ee awood dhaqaale intaa ka tahay.

Dhalinyaradii baa soo hadhay. Waa tan halka iigu xiisaha badnayd haddaba. Waayo laba sheeko oo cajiib iyo badh ah baan ku soo arkay.
Waxaan soo arkay, laba innan oo isku qabiil ah, isla xaafad ah, isku iskuul hoose, dhexe iyo saraba ka baxay, isku da’a ah, isla jaamacad ka qalin yabiyay, waloow ay kala facolty ahaayeen, balse labadu ay arts barteen, mid uu haysto MA, halka uu midna ka haysto BA. Labada innan midkoodna shaqo kama uu helin dowlada iyo ganacsatada toona. Balse waa ta i soo jiidatee, midi wuu fakiray oo labaataneeye oroma ah ayaa u shaqeeya oo xashiishkuu guraa, laba rayiislena suuqa hoose ayuu ku samaystay, sideed waashmaana wuu kireeyaa, bishiina 1000 dollar ugu yaraan wuu ka helaa, shaqo la’aan daaye Maxamedow xashiishkii baan dhamayn laayahay oo maalin walba kaalayoo naga qaad iyadoo la i leeyahay ayaan ka rawaaxaa ee dalkeena nimcaa taal.

Midna maalin walba isaga ayuu u shaxaad tagaa oo ku yidhaa Hebeloow kaalay maanta jaadkii ii qaad , shaqo la’aan baa i dishee, waana ka MA haysta ninkaa shaxaadka ku nooli.
Masuuliyiintu waxay ii sheegeen , anniguna aan soo arkay in shaqadii hoose oo dhan faraha looga qaaday ajanabi. Inta caqli uga faa’iitaysatayna ay aad u yar tahay.

Haddaba waxaan soo arkay dhalinyaro ay aad ugu badan tahay inta aqoontii , kharashkii badnaa ee waalidku bixiyay, iyo wakhtigii badnaa ee ay wax dhiganayeeba ka dhigay uun BUUG BUUG SITA OO XARAGOONAYA.

Sidaa daraadeedna, jawaabtaad iga sugayseen waa qadhaadh iyo naxdine, wadankeenii oo awalba buug buug sitihii qurbaha ka iman jiray khaatiyaan ka taagnayd waxa ku soo badanaya buug buug sita kale oo aynu korinay.

 Qalinkii Maxamed Yusuf Bidhiidh Badda

Advertisement

Ku Xayeysiiso