Wasiirka Wasaaradda Gashaandhiga Somaliland Oo Ka Warbixiyey Waxyaalaha Ay Wasaaraddiisu U Qabato Naafadda Iyo Agoonta Ciidamada Qaranka Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Gashaandhiga Somaliland Md Cabdiqani  Maxamuud Caateeye (Fariid)  iyo Agaasimaha Waaxda Agoomaha ee wasaaradda Gashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland Jaamac Koosaar Axmed ayaa ka warbixiyey  waxyaalaha ay wasaaradda Gashaandhiga Somaliland u qabato Naafada iyo Agoomaha ay maamusho wasaaraddaasi.

Waxaana ugu horeyn ka warbixiyey  tiradda Naafadda iyo Agoomaha ee wasaaradaasi hoos yimaada iyo waxyaalaha ay wasaaraddu u qabato Agaasimaha Waaxda Agoomaha ee wasaaradda Gashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland Jaamac Koosaar Axmed, waxaanu tilmaamay Agaasimuhu in ay wasaaradda hoos yimaadaan Naafada iyo Agoomaha ciidamada Qaranka Somaliland, gaar ahaana ciidamada Militariyga iyo ciidamada Booliska Somaliland, naafadaas oo tiradoodu dhan tahay 3894 qof oo naafo ah, kuwaas oo kala jooga gobollada dalka oo dhan.

Waxa uu Agaasime Jaamac sheegay in ay Naafadan iyo Agoomahani qaataan wixii xuquuq ahaa ee ay ka heli jireen ciidamada , gaar ahaana mushaharaadkoodii iyo raashinkoodiiba, waxa kale oo uu tilmaamay in ay jiraan kormeero ay ku sameeyaan Naafada iyo Agoomaha Ciidamada Qaranka ,si ay uga war hayaan xalaadooda.

Dhinaca kalena qaar kamid ah Naafada ay wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland daryeesho waxbarashadooda iyo xaaladooda nololeed ee kale ayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi  iyo wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid)  uga mahad naqay hanaanka iyo habka ay uga war hayso xukuumaddu, waxaanay sheegeen in xukuumadda Somaliland ay guntiga u xidhatay sidii ay u ilaalin lahayd Naafada iyo Agoomaha Ciidamada Qaranka Somaliland ee kala duwan.

Sidoo kale Agoomaha hoos yimaada waaxda Agoomaha ee wasaaradda Gashaandhiga Somaliland ayaa ka warbixiyey baahiyaha ay wasaaraddu ka daboosho , iyaga oo amaan iyo bogaadin u jeediyey xukuumadda Somaliland, gaar ahaana wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland.

Dhankiisa wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid ) ayaa waxa uu si qoto dheer u sharaxay waxyaabaha ay wasaaraddu u qabato Naafada iyo Agoomaha hoos yimaada, isaga oo sheegay in ka wasiir ahaan isaga oo ka duulaaya balanqaadyadii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi  iyo sidoo kale barnaamij siyaasadeedkii xisbiga KULMIYE ee uu ku hantay Guusha in ay ka wasaarad ahaan ay guntiga u xidheen sidii loo daryeeli lahaa Agoomaha iyo Naafada ay wasaaradda Gaashaandhigu maamusho ee hoos yimaada, waxa kale oo uu sheegay in dakhliga ugu badan ee wasaaradda ka baxaa uu yahay mid lagu daryeelo , isla markaasna lagu ilaaliyo naafada iyo Agoomaha Ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland.

Waaxdan Naafada iyo Agoomaha ayaa la hoos geeyey wasaaradda Difaaca  sannadkii 2012-kii, kadib markii tiro koob lagu sameeyey Naafadda iyo Agoomaha ciidamada Qaranka Somaliland ee Booliska iyo Militariyga .

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso