Deegaanka Qool-dhuxulaale ee Degmadda Sallaxley oo Xukuumadu ka hirgalinayso dhaam biyood

Xukuumadda Somaliland ayaa deegaanka Qool dhuxulaale ee Degmadda Sallaxlay Ka dhagax dhigtay dhaam biyood ay dadka deegaankaasi ka faa’iidaysan.

Dhagax dhigaasi waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha iyo Mas’uuliyiin kale.

Qaar ka mid ah Odayaasha deegaanka Qool dhuxulaale ayaa soo dhaweeyay dhagax dhiga dhaam biyoodka ay Wasaaradda horumarinta biyuhu ka hirgalinayso deegaankaasi oo ay sheegay inuu wax weyn ka tarayo baahida biyood ee ka jirta deegaankaasi.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha Mudane Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa sheegay in dhaam biyoodkani ka mid yahay balanqaadkii uu xisbiga Kulmiye u balanqaaday bulshada ku nool deegaanka qool dhuxulaale.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Mudane Saleeban Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay in Wasaaradda Horumarinta biyaha Somaliland ku hawlan tahay sidii dalka Somaliland looga haqab tiri lahaa baahida dhanka biyaha waxa uu wasiirku intaas ku daray inuu dhaamkani noqon doono mid ay ka faa’iidaysan doonaan dadka iyo duunyada ku nool deegaankaasi.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Mas’uuliyiin iyo Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Maayar ku xigeenka Caasimadda Hargaysa C.casiis Maxamud Xaashi Cago weyne, Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Maroodijeex Khadar Baaruud C.laahi Maxamed Daahir Cukuse,Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (C.raxmaan Dheere) , Maxamed Cismaan Dhabeeye,Maayarka Degmadda Sallaxley .

Dhanka Kale Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha iyo Mas’uuliyiinta wehelinaysa Waxay soo kormeereen dhaam biyood ay hore xukuumadda Somaliland ka bilowday degmadda sallaxley ee Gobolka Maroodijeex,kaas oo weli shaqadiisu socoto.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso