HADDII QAADKA LA WAAYO, gaby xiknad badan
Ahmed Diriye
ahmedmdiriye@yahoo.com
HADDII QAADKA LA WAAYO, gabay..
Ninka qaadka cunaa, dhashiisuu qadiyaayoo
Quudkooduu ku tuntaane, haddii qaadka la waayo
Qarash baa hakanaayoo, qoysaskaa aflaxaaya
Ninka qaadka cunaa, waqti baa ka qasaaroo
Qayrkii buu ka hadhaaye, haddii qaadka la waayo
Aaabahaa qabsan doona, qabyo hawl ka ahayd
Ninka qaadka cunaa, QOODHAY WAA XERADAYDA
Qayilaad ku dhixiisa, Marwadiisaa qurxoon buu
Qalbigeeda jabshaaye, haddii qaadka la waayo,
Farxaday wada qaybsan labaddii is-qabaayo, waqti bay wada qaadan
Ragga qaadka cunaa, waa qalfoof socoto ah
Qalfoof socoto ahoo, haddii qaadka la waayo
Raggan quudka ka soomay baa, qurixaysan lahaayoo
Hablo quustay samaanoo, ka qashaafay gayaanoo
Quud-darreeyay shisheeyaa, rajo qaadi lahaayoo
Haddii qaadka la waayo, rag aan guur u qalqaalin baa
Guursanaaya qurshayshoo, qoysas baa dhismilaa
Ragga qaadka cuna, qaar baan u sujuud qaadirkooda salaaddoo
Waa qalayn iyo dayne, haddii qaadka la waayo,
Qaru’aankay baran iyo diintoo, qaboobi lahaayeen
HADDII QAADKA LA WAAYO, QAYILAADA MIRQAANKA
QARAAMI HEESO DHEGAYSKA, MAFRASH QIIQ WADA HAYSTO
QOL KU YAAL JANNO MOODKA, QAADIRO CADHO-TOOSKA
WAA QASAARE NA HAYSTEE, HADDII QAADKA LA WAAYO
QALAD BAA SAXMILAAYOO, QARANKA CAGGIHIISA KU IS-TAAGI QUMAATI