Afsoomaaligu waa Carabi

Luqada Soomaaligu waxay ka mid tahay luqooyinka Carabiga, laakiin badiyaa kelmadaha waxaan ugu dhawaaqnaa hab innaga innoo khaasa . Waddan wal oo Carbeed, afcarabiga si khaas iyaga u ah ayay ugu dhawaaqaan, wuxuuna leeyahay kelmedo waddankaa ama ummaddaa u gaar ah.
Si aan loo kala tegin ayaa loo qoray naxwaha, si loo helo wax ka dhexeeya dadka ku hadla Afcarabiga.
 Afsoomaaliga haddaad dhugato oo aad Carabigana aqoon u leedahay waxa ku caddaanaya in afsoomaaligu dhammaantii yahay Afcarabi. Dhammaan afsoomaaliga lagaga hadlo geyiga Soomaalidu degto oo dhan waa afcarabi. Marka laga reebo kalmadu shisheeye oo luqado kale innaga soo galay, kelmadahaa oo qaarkood la Soomaaliyeeyey. Kelmadahan shisheeye oo badiyaa ka yimid gumaystayaashii  iyo cidihii kale ee la socotay sida Hindida.
Waxa kale oo kelmadaha shisheeye qaarkood innooga yimaadeen umadaha aan jaarka nahay sida Oromada, Amxaariga, Canfarta, Sawaaxiliga iwm. Inkastoo luqadahan laftoodu Carabi asal ku leeyihiin.
Tusaale u fiirso waxaad guriga ku isticmaasho:
Saxan (Sixni), koob, fijaan, mulqaacad, disdi, kursi miis, sariir, furaash, busde, xallaaf, makhadad, durraaxad, suuli, kaniif,madbakh, albaab,daaqad, fayaarad, saawiyad, saqaf, muraayad,shaah, sonkor, sharaab, casiir, qureec (quraac), nuse-saace, qado, casuumad, casariye, casho, suxuur, aftir iwm ma soo koobi karno; shay kasta oo guriga lagu isticmaalo waa Carabi.
Bal guriga ka bax, maxaad arki?
Dayr, baabuur, jaar, deris, saaxiib, rafiiq, dariiq, suuq, dukaan, baayac mushtar, nijaar, wasdaad, mukhallis, shaqaale, Xammaal, Jaariyad, Cadow, Nasteex, shaxaad, bakhshiish, mushqaayad, maqaaxi, madarasad, qaxwe, muqaxwi, macallin, wasiir, raysal-wasaare, taajir, fiqiir, miskiin, xawaalad, sarrifle, wasaarad, hay’ad, masjid, dabaq, fooq, daar, daar fooq ah iwm. Kelmadaha diiniga ah ee muslin oo dhan ka dhexeeya waan ka tegey.
Jaanib kasta oo aad afkeena ka eegto waa Carabi; tusaale:
Dulli, ciso, caado, cabsi, cudur, caafimaad, aamin, khaayin, xariif, fariid, bakhayl, mar, mar-mar, Arlo (ard), lid, hawo, diyaarad, madaar, Xisbi, mucaarid, muxaafid, dawlad, xukuumad, mushahar, shaqaale,maxkamed, qaadi, halaag, duqayn, dabayl, daraasad, cilmi, qalin.
Anaa (aniga), innaka, muftaax, quful, caasimad, askari, darajo, jaahil, tacbaan, caruus, ceeb, laakiin, xataa, ilaa, baadiye iwm.
Intani waa iga tusaale laakiin afsoomaaligu sida uu u dhan yahay waa Afcarabi, xataa luqada baadiyaheenna.
Dad baa ku odhanaya Afsoomaaliga waxa la qoray waqtigii xukuumaddii Siyaad Barre!! Afsoomaaligu boqolaal sano ayuu qornaa, wuxuuna ku qornaa afcarabi. Laakiin Siyaad Barre wuxuu u beddelay qoritaankiisa xarfaha dalalka gumaystaaysha si uu u raalli geliyo iyaga iyo Shaydaan, sidii Ataturka Turkiga uu afkoodii (qoritaankiisa) ka beddelay Carabi ee u beddelay Latiin. Siyaad Barrena sidaa uum buu sameeyey.
Wuxuu sidaa u yeelay si ummadda looga fogeeyo barashada iyo qoridda Afcarabiga, waayo afcarabigu waa afkii Quraanka, luqadii Rasuulka SCW (axaadiista) dadku hadday bartaana waxay fahmayaan diintooda.
Qof walba siiba dadka waawayn waxay waalidkood ama awoowyaashood ka soo gaadheen iyadoo afsoomaaliga lagu qoro Carabi.
Waxaan halkan ku soo lifaaqi waraaq u qoray nin reer Burco ah oo ka shaqaynayay Berbera. Waraaqdan oo uu u qoray xaaskiisa oo deggen iyada iyo carruurtuba Burco. Waraaqdu waa afsoomaali ku qoran Carabi, wuxuuna qoray sida taariikhda waraaqda ka muuqata muddo ku dhow boqol sano ka hor (90 sano). Waraaqdan waxay ka mid tahay waxyaabaha qadiimka ah ee yaalla matxafyada.
Qabiilooyinka Soomaalida, intooda badan ee muhiimka ah iyo kuwo kaleba waxay sheegtaan inay Carab ka soo jeedaan, asal ahaan. Dadka qaar ayaa mooda wax malawaal ah laakiin waa xaqiiq markaad u fiirsato luqadeena iyo dhaqankeenaba. Dadkuna kollay waxay sheegtaan uun wax ay awoow-awoow ka soo gaadheen oo waa sida abtirsiinta. Qofna ma sheegto meel uuna asal ku lahayn ama cid uuna ahayn.
 Shakhsiyaadka diidan inaan Carab asal ahaan nahay, ama luqadeena Carabi tahay waa kuwa badiyaa ka fog diinta; ama aan aqoon-diineed lahayn ama aan ku dhaqmin oo shaydaan shukaanta u hayo.. Nacaybka Carbeed ama luqada Carbeedna waa calaamadaha munaafaqnimada. (munaafaq macnaheedu waa korka-ka-muslin, qalbiga (rumaynta) ka gaal). Markaa in Faraaciin iyo meelo aan waxba iska keen gelin afkeena lala raadsadaa waa nasiib-darro iyo jaahilnimo.
Fiiro gaar ah: maqaalkani wuxuu ka kooban yahay 99% afcarabi. U fiirso kelmadaha aan isticmaalay.

Wa Billahi tawfiiq,
A. Amir Bidde

Advertisement

Ku Xayeysiiso