Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland OoKa Qeyb-galay Qalin-jabinta Munaasibadaha Jaamacadaha FFU Iyo BIU

           

 

Madaxweyne ku  xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb-galay Munaasibado ay ku qalin jabinayeen Ardayda Jaamacadaha Beder International University (BIU) iyo Frantz Fanon University (FFU) oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa,

 

Madaxweyne ku xigeenka oo khudbado kala duwan ka jeediyey munaasibadahaasi ayaa ugu horayntii Hambalyo u diray Ardayda ka qalin-jabisay Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadahaasi, waxaana uu sheegay inuu la qeybsanaayo dareenka farxada iyo Hambalyada ah ee ay maanta ku jiraan waalidiinta iyo ardaydii ay mudada ku soo tabcayeen, sidoo kalena waxa uu u mahadceliyey Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadaha oo uu ku bogaadiyey kaalinta ay ku leeyihiin aqoonta iyo soo saarista arday ka dhisan dhanka aqoonta.

 

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Ardayda kula dardaarmay in Cilmiga ay barteen ay wax ugu qabtaan Dalkooda iyo dadkooda islamarkaana ku horumariyaan  waddankooda si loo anba qaado geediga aqoonta iyo ilbaxnimada ee hoolka horumarka, ugu danbayntiina wuxuu ugu duceeyey ardaydaasi inuu ilaahay ku anfaco cilmigaa ay barteen.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso