Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka qayb galay shirka golaha wasiirrada ee Maamul daadajinta.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta gudoomiyey Shirka guddida golaha wasiirrada ee maamul daadejinta (IMC Meeting) shirkaas oo seddexdii biloodba hal mar qabsooma ujeedadiisuna la xidhiidho sidii warbiximo loogu kala qaadan lahaa  waxyaabihii qabsoomay mudadaasi. 

Sidoo kale waxa lagaga hadlay balaadhinta mashruuca dawladaha hoose ee gobolada bariga iyo hirgelinta mashruuca JPLG oo bilaami doona horaanta bisha 11-aad iyadoo la gaadhsiin doono degmooyinka Ceerigaabo, laascaanood iyo caynaba.

Ugu danbayntiina waxa lagu lafo-guray kulankaasi mashaariicda horumarineed ee sannadkan ugu jira degmooyinkii uu mashruucani hore uga hirgalay iyo qorsheyaasha cusub.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso