Mareykanka ayaa ka walaacsan isku dayga Shiinaha ee la xiriira inuu saameyn ku yeesho doorashada madaxweynenimo ee ka dhacaya Taiwan, sidaasi waxaa laga soo xigtay sarkaal sare oo Mareykan ah oo manta oo Jimco ah ku sugan Jasiiraddaasi .
Sarkaalkaasi ayaa sheegay in Shiinaha uu sare u qaaday cadaadiska jasiiradda iskeed ugu dhawaaqday mamulkeeda oo dooneysa in bisha Janaayo ee sanadka soo socda ay qabato dorashoyin madaxtinimo.
Hadalkaan ayaa yimid maalmo kadib markii Taiwan ay ku dhaleeceysay Shiinaha inay wadaan isku day ku saabsan faragalinta geedi socodka dimoqraadiyadda,gaar ahaan mudada lagu guda jiro doorashada 11-ka Janaayo ee sanadka soo socda.
Jasiiradda Taiwan oo ah maamul iskiis isu xukuma,ayaa dalka Shiinuhu wuxuu u arkaa in ay tahay gobol ka mid ah dalweynaha Shiinaha,inkasta oo ay heleen taageero iyo tixgelin heer sare ah oo ay u muujiyeen dalal ay ka mid yihiin Mareykanka iyo kuwo kale.