Abuurta Rabaaniga ah ee shakhsiga dabadeed, waxa daba socota, marxaladaha kala duwan ee uu waajahayo aadamuhu waa kii noloshu ku sinto e, Cimri na ilaahay siiyo, hadaba imaanshiiyaha qofka ee dunida, waxay tahay nolol cusub oo uu qofka looga baahan yahay inuu la jaanqaado heer korniimo iyo mid caqliyeedba, ilaa uu naftiisa ku hogaamiyo jidka xun ama jidka wanaagsan. Ilaahayna wuxu ina faray inuu qof walba ku dadaalo acmaasha wanaagsan.
Aqoonta waxbarashadu waxay qofka bartaa, aqoon masuuliyadeed uu naftiisa ku maareyn lahaa, waxayna bareysaa inuu uga faa’iideeyo dadkiisa iyo dalkiisa, waana qaybta ugu muhiisan inuu ka qaybqaato horumarinta deegaankiisa iyo dadkiiisa dhinac walba. Hadaba qoraalkeyga maanta waxaan si kooban uga hadli doonaa maxaa uu aqoonyahanku ku soo kordhin karaa bulshada? akhrsitoow inkastoo aan halkan lagu soo koobi Karin hadana waxaan isku dayayaa inaan dhawr qodob oo muhiim ah ka soo qaadano.
1. Aqoonyahanka dhabta ahi waa qof ..Wax badan ka qaban kara horumarka bulshada ee dhicana Dhaqaalaha, Waxbarashada, Caafimaadka iyo mid Siyaasadeed ba. Waa qof u haga bulshada dhinaca wanaagan iyo wax wada qabsiga kuna dhiiri galiya in bulshadu wax qabsato si ay horumar sare u gaadho, ulana tartanto ummadaha hore u maray.
2. Aqoonyahanku waa qof bulshada uga faa’iideeya wixii uu soo bartay, maadaama uu ka tirsan yahay bulshada, waana qaybta ugu muhiimsan bulshada sababtoo ah maanta dunida horumartay waxa dayaxa gaadhsiiyay waa aqoonyahan,waana qof wixii uu bartay uga faa’iideeyay bulshada laakiin adiga aqoonyahanka Afrikaanka ahoow maxaa helay kaalintaadii!!!??
Aqoonyahan Ogow in maanta bulshadu ku tabayso, lagaana sugaayo wixii ilaahay ku baray inaad dadka iyo dalkaba uga faa’iidayso. Bulsho kasta oo caalamka joogtaa waxay ku faantaa aqoonyahankeeda waayo, waa kuwa Horumarka iyo Barwaaqada ka sheqeeyay,.
PROF. MOHAMED AHMED FARAH MATTAN (JAAFAA)
ANKARA, TURKEY