Sudan: Al-bashir oo lagu xukumay 2-sano oo dhaqan celin ah

Madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar al-Bashiir ayaa lagu xukumay laba sano oo xabsi dhaqan celin ah ,ka dib kolkii lagu eedeeyay dacwado ku saabsasn laaluush iyo musuqmaasuq ,taasoo qeyb ka ah kiisas dhowr ah oo loo heysto hoggaamiyahaasi oo la afgambiyay bishii April ee sanadkaan.

Al-Bashiir  ayaa manta oo  Sabti  ka soo muuqday maxkamad ku taal magaalada Khartuum, isagoo wajahaya eedeymo la xidhiidha musuqmaasuq iyo haysashada lacago sharci daro ah oo qalaad.

Madaxweynihii hore waxa uu qirtay 25-milyan oo doolar oo uu tilmaamay in uu ka helay Mohammed bin Salman  oo ah dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga,hasa yeeshee 130-milyan oo dolar ayaa horay loo shaaciyay in laga helay hoygii uu daganaa Al-Bshiir.

Dalkaan oo ku yaalla woqooyi bari ee Qaaradda Afrika ,waxaa hadda talada haya dowlad rayid ah oo ku meel gaadh ah,wana mid ka mid ah 25-ka dal ee ugu saboolsan Qaaradda,

Advertisement

Ku Xayeysiiso