Safiirka EU-da oo Ammaanay Go’aankii Guddida Dhexdhexaadinta Axsaabta Somaliland

Safiirka EU-da u qaabilsan Somaliland iyo Soomaliya Nicolas Berlanga oo wefti uu hoggaaminayaa ku sugan yihiin dalka, ayaa sheegay inuu bogaadinayo shaqada ay qabteen Guddidii dhexdhexaadinta Xisbiyada Somaliland.

Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitterka,kadib markii uu maanta la kulmay Guddidaasi, waxaanu yidhi “Waxaan jeclahay inaan ammaano shaqada xad-dhaafka ah ee ay qabteen Guddida dhexdhexaadinta ee ku saabsaan hawlaha hore loogu soconayo doorashooyinka Baarlamaanka iyo Goleyaasha Deegaanka Somaliland.”

“Qaadhaan-bixiyeyaashu waxay ku faraxsan yihiin oo ay taageerayaan shaqada Guddida dhexdhexaadinta waxaanu dhiirigelinaynaa in la fuliyo heshiiskaas,”ayuu yidhi Safiirka EU-da ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Weftiga qaadhaanbixiyeyaasha oo sidoo kale maanta la kulmay xisbiyada ayaa lagu wadaa inay Khamiista berri la kulmaan madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso