Sannadkan “2019” iyo laba ka horreeyay ba waxa Djibouti gogol u fidisay oo maal-gelinaysay shir xilli ba waji lahaa oo la huwiyay ama maqaar-saar looga dhigay magaca aqoon-yahan, inta badanna arrimo siyaasad-dhaqaale lagu falanqaynayay. Aniga oo muddooyinkaa ba isha ku hayay si dhawna ula socday doodaha iyo go’aannada ka soo baxa ayay maanta ila qummanaatay in la joogo xilligii aan si madax bannaan wax uga qori lahaa. Waxa aanan iftiimin doonaa arrimo door ah oo dadka haydh-haydh kaga jiray. Kuwaas oo is-huursan una baahan in si hagaagsan loo lafo-guro waxa aanay u muuqataa in aan dadka badankiisu shiddaysan ba goortan. Hasa yeeshee, aniga waxa ii muuqda in cawaaqib xumo laxaad lehi ka dhalan karto haddii sidaa loo fudaydsado.
Ugu horreyn aan caddeeyo in shirkan ay soo qabanqaabiso “Heritage” uu ka geddisan yahay idil ahaan ba shirarkii hore ee hal-abuurka iyo bah weynta aqoontu Djibouti ugu kulmi jireen kuwaas oo manaafacaad u lahaa dhaqanka, afka iyo aqoonta. Anna waxa aan u ahaa xog ogaal inta badanna goob-jooge ka ahaa muddo ku siman laba iyo toban sanno. Sidaa darteed, waxa aan ugu horreyn Madaxweyne Geelle iyo dawladdiisa ku bogaadinayaa idil ahaan shirarkii hore ee aan siyaasiga ahayn, waxa aanan uga digayaa in dhaxalkaa hore ee wanaagsan shirarka sidan u sumaysan ee siyaasaddeed ay hal-bacaad lagu lisay ka dhigayaan.
Fahankayga arrimahani waa halbawleyaal;
▪ Djibouti waxa ay doonaysaa in ay muujiso doorkeeda hoggaaminta siyaasadda Soomaalida ee dawladaha gobolka.
▪ Djibouti mararka qaar waxa ay door moodaysaa siyaasadda LAFO GERI IYAGAA LAYSKU JABSHAA! Oo Soomaaliland iyo Soomaaliya way isku garaacaysaa! Halkaas oo ay hab farshaxan siyaasaddeed oo mug weyni ka muuqdo sida ay shaxda u dhigayso. Mar walbana natiijadu waa mid iyada u caano badisa. Shirkuna waa shaabuug Somaliland iyo Soomaaliya hadba kii door ay Djibouti mooddo ay ku karbaashto.
▪ Dawladaha Soomaaliland iyo Soomaaliya si habqan ah ayay shirka uga soo qayb-galayaan mana jirto farriin siyaasaddeed xukuumi ah oo macno weyn xambaarsan oo ay meesha la imanayaan. Iyaguna way sii kala liitaane Soomaaliya ayaad mooddaa in ay Somaliland ka abaabul hagaagsan tahay, xagga Somaliland se dedaal qofeedyo mooyaane ma jirto kaalin dawladdeed oo ay ku meel marsato ama ku gudbiso farriinteeda.
Farriimhii Dawladda Soomaaliya gudbisay waxa ka mid ahaa;
” Ethiopia Ra’iisal wasaare cusub baa yimid, siyaasad cusub buu la yimid oo xagga is-dhex galka dhaqaale ee gobolka ku aaddan. Taasi oo aan wax badan ka faa’iidaysan doono, waxa aan ka faa’iidaynaa nabad, waxa aan ka faa’iidaynaa nolol.” Ra’iisal Wasaare xigeenka Soomaaliya Mahdi. (2018)
▪ Shirku waa masrax lagu jilo riwaayadaha citiraaf raadinta Somaliland oo aan wax ba ka geddisnayn,
“Baadida nin baa kula deydeyi, oo daal na kaa badin,
Oon doonahayn in aad hesho na, daayin abidkaa,
Dadkuna idin moodi duul wada dashoon, wax u dahsoonayn,
Dallo na malaha aakhiro na haddii loo, kitaab dayo’e! Qammaam Bulxan.
▪ Djibouti markasta farriin ay ka muuqato in aad looga baaran-degay oo culus isla markaana duluc abbaar ah ayay shirka ka diraysaa. Tusaale shirkii 2018 farriintiisu intan kooban bay ahayd.
” …Is-beddellada hadda jooga iyo kuwa iman doona ba waxa loo baahan yahay in la is weydiiyo waxa ay dan innoo xambaarsan yihiin iyo dibin-daabyo. Kolka laga hadlayo is-beddellada gobolka waa in aan la goyn oo la illaaliyaa ma-huraannada ummaddeed ee aan adduunyadu goyn jiritaankana salka u ah. Waan baahanahay looma bahalo cuno!” Ismaaciil Cumar Geelle.
Haddaan farriintan lafteeda hoos u eegno gun-gaadhkeedu waa maahmaahda Soomaaliyeed ee tidhaa; WAAN BAAHANAHAY LOOMA BAHALO CUNO oo cidda ay ku socotaa caddahay.
MA AQOON YAHAN BAA DADKA SHIRARKAN KA QAYB-GALAA?! MAXAA SE LAGU SOO XUSHAY?
Inkasta oo shirku ku magacawnaa aqoon-yahanka haddana hannaanka marti-qaadka ayaa qallooc ku jiray oo waxa aad arkaysaa in dad caan ah la bartilmaameedsaday, sida;
• Xasan Aadan Samatar,
▪ Kaynaan
▪ Cawaale iyo qaar kale oo badan oo la jaad ah Isla markaana in ay meesha ka dhex muuqdaan uun la rabo si Soomaalida wax ma garatada ah dhalanteed loogaga dhigo ama loo ekaysiiyo goob Soomaali intii magaca lahayd ka muuqato in ay meeshu tahay.
Ma jiraan hibooyin ama sifooyin martida shirka ka soo qayb galayso lagu xusho oo ka shishaysa jecaylka safiirka Djibouti Xamar u fadhiya.
Geesta kale inkasta oo macne ahaan la isku maan-dhaafsan yahay cidda aqoon-yahan la odhanayaa hibooyinka iyo sifooyinka ay leedahay haddana aniga waxa ii muuqda calaamado waaweyn oo farta ku fiiqaya in wax si ka yihiin aqoon yahanka madasha ku kulma.
1. Aqoon-yahan haddii uu madal ku kulmo kuma yawyawtamo ee isku imaatinkooda midho la mahadiyo iyo afkaar lagu samato-baxsho ummadda laguna xalliyo hal-xidhaaleyaasha murugsan ee looga maaraha waayay goleyaasha kale ayaa ka soo baxa kulankooda.
2. Aqoon-yahanku ma tago kamana muuqdo goob aanu garanayn waxa ka socda iyo cidda wadda iyo maba’dida aasaasiga ah ee ay ku dhisan tahay.
3. Aqoon-yahanku kuma qanco diyaarad raac, jiif hudheel iyo sawirro uu meel ku soo galo.
4. Aqoon-yahanku maaha cod baahiye farriinta uu gudbinayo la dhex mariyo.
MA SAFAARADDA DJIBOUTI MISE HERITAGE?
Machad Heritage la yidhaa oo door muuqda ku leh arrimaha shirka Lagu lafo gurayaa ma jiro waxa qorshaha bilaw iyo dhammaad ba Safiirka Djibouti ee Soomaaliya oo aniga Saaxiibkay ah muddo na aan rafiiq soo ahayn arrintan se aannu ku kala aragti geddisannahay.
Fahankayga Heritage waa hay’ad yar oo maxalli ah hadda ba waxa aad is weydiisaan sidee hay’ad noocaas ahi ay u soo saari karto go’aanno masiiri ah oo. Tusaale; Sannaddii hore waxa ay soo saartay in wada hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland
“Qoros been ah fool wada qayaxan, qiil aan garanaayo
Booraan afkii laga qafilay, qabarna hooseeyo
Qunsur oodan shabag laysu qubay, qoolad iyo xeelad
Qimaada kobtaa daahirka ah, aan qun ugu soo jeedo
Doqon baa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane
Ma anaa middiyo lay qarshaa, laygu qali doono?!” Faarax Nuur.
Qaybo badan oo muhiim ah xilliyada soo socda ayaan wadaagi doonaa haddii ALLE yidhaa.
LA SOCO..