Mareykanka oo dhimaaya ciidamada ka jooga qaaradda Afrika.

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay dhimmayso ciidamadeeda ka howlgalka qaaradda Afrika .

War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa lagu sheegay in wasaaraddu meel marisay mashruuc ballaadhan oo lagu dhimaayo ciidamada Mareykanka ee dibadda ku maqan islamarkaana qaaradda Afrika ay ugu horrayso meelaha ciidamada laga dhimayo.

Mark Esper oo ah wasiirka difaaca Mareykanka ayaa sheegay in taliska AFRICOM amar lagu siiyay in uu soo qiimeeyo qorshaha dhimidda ciidamada bisha Janaayo ee soo socota, meelaha sida aadka ah loo dhimi doono ciidamada Mareykanka waxaa kamid ah galbeedka qaaradda Afrika oo inta badan ciidamada American-ka laga qaadi doono .

Pentagon-ka Mareykanka wuxuu caddeeyay in uu isha ku hayo qaaradda Afrika oo noqon doonta meesha ugu daran ee ciidama dhimistu ay saameyn doonto marka laga reebo wadamada Ciraaq iyo Afghanistan oo kumanaan askar American ah lagasoo saari doono.

Qorshahan ayaa ah midkii ugu ballaadhnaa ee Mareykanku sameeyo muddo 18 sano gudahood ah tan iyo markii ay dhaceen weeraradii 11 Septembar.

Mareykanku wuxuu irdaha isugu dhufan doonaa saldhigyo uu ku lahaa wadamada galbeedka Afrika wuxuuna kasoo reebi doonaa saldhigga weyn ee uu ku leeyahay wadanka Niger halkaas oo ay ka haadaan diyaaradaha duqeeya Kooxaha Maqribul Islaami ee ka hawlgala Maali,Liibiya iyo Burkina Faso.

Mark Esper wuxuu carrabaabay in dalka Ciraaq lagasoo qaadi doono 2500 oo askari halka Afghanistan lagasoo qaadi doono inta badan ciidamada American-ka ah ee ku sugan, lama oga in Mareykanku uu xidhi doono saldhigyada uu ku leeyahay dalka Soomaaliya oo ah kuwa ugu waaweyn qaarada Afrika marka laga reebo wadanka Jabuuti.

Advertisement

Ku Xayeysiiso