Warbixin ka timid guddiga kormeerka cunaqabateynta Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalka Yemen aysan wax lug ah ku laheyn ama aysan fulin weeraradii gantaalada ee bishii Septembar lagu qaaday goobaha shiidaalka ee dalka Sacuudi Carabiya.
Khuburada madaxa bannaan ee golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay u xilsaareen kormeeridda cunaqabateynta saaran dalka Yemen ayaa sheegay in inkasta oo Xuutiyiintu ay sheegteen weerarada dhinaca gantaalada ee lagu qaaday goobaha saliidda dalka Sacuudiga,haddana Kooxdaasi aysan fulin gantaaladii 14-kii September ee sanadkii 2019 ku dhacay Abqaiq iyo Khurais .
Natiijooyinka ka soo baxay kormeerayaasha UN-ka ayaa ku soo beegmeen xilli ay xiisado ka jiraan gobolka, ka dib kolkii Mareykanku uu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Iiraan ,laguna magacaabo Qassem Soleimani oo ku sugnaa Ciraaq.
Baadhayaasha Qaramada Midoobey ayaa sheegay in gantaalada lagu weeraray goobaha saliida Sacuudiga aysan ka imaan dhulalka ay gacanta ku hayaan Xuutiyiihnta Yemen balse ay fulliyeen diyaaradaha Darooniska.