Bulshadu ha ka Digtoonaato Wararka Been-abuurka ah ee ay Faafiyaan Dadka Faasiqiinta ah
By: Mustafe Cabdillaahi Cali
Ilaahay (SWT) ayaa inooga digay wararka ay faafiyaan dadka faasiqiinta ah ee been-abuurka badan, iyadoo ay dhibaato ka dhici karto haddii ay bulshadu si dhib yar u rumaysato warka uu sido qofka faasiqa ah, waxaannu Ilaahay arrintan si gaar ah ugaga hadlay aayadda 6-aad ee suuradda Xujuraat ee qur’aanka kariimka ah, taasoo nuxur ahaan macnaheedu u dhigan yahay sidan;
“Kuwa xaqqa rumeeyoow haddii uu mid faasiq ahi idiin keeno war iska hubiya, si aydaan cid u dhibaatayn ciddaas oo aan garanayn waxa lagu dhibaataynayo idinkuna aydaan ka war qabbin arrintan, haddii aad arrintaas samaysaana aad noqotaan kuwo ka qoomamayna waxaad samayseen.”
Aayaddani qur’aanka kariimka ah ayaa mid wax-ku-qaadasho mudan, isla markaasina ay waajib tahay in la iska hubiyo warkasta oo la faafiyo ama loo kala gudbiyo bulshada, maadaama ay xiligan casriga ah ee lagu jiro ay aad u badan yihiin wararka been-abuurka ah ee sida fudud la isugu diri karo bulsho walaalo ah oo meel ama degaan ku wada nool.
Haddaba, araartaydaas kadib, waxa aan jeclaystay in aan maqaalkan kooban kaga hadlo qodob maalmihii ugu dambeeyay hadal-hayn badani ka dhalatay, kaasoo nuxurkiisu ahaa
warqad been-abuura oo laga sameeyay Mashruuca Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF (Somaliland Development Fund), iyadoo sida aynu ka wada warqabno ay warqaddaas ku xardhanaayeen magacyada lixda gobol-doorasho ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo Gobol kasta lagu muujiyey saamiga uu ka helay mashaariicda laga maalgeliyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.
Warqaddan been-abuurka ah ee lagu faafiyey baraha bulshada (Social Media), ayaa abuurtay buuq iyo falan-qaynayay baraha bulshada iyo goobaha kala duwan ee bulshada kulmiya ee gudaha dalkani Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanna si hubsiimo la’aan ah qoraalkaas been-abuurka ah uga fal-celiyey siyaasiiyiin iyo masuuliyiin kala duwan oo ka soo jeeda qaar ka mid ah Gobollada dalka, gaar ahaan Gobolka Togdheer, kuwaasoo si isdaba joog ah uga soo muuqday telefiishannada madaxabannaan ee dalka, waxayna dulucda guud ee fal-celintaasi ka soo yeedhay masuuliyiintaasi ay ahayd; “ma aqbalayno saamiga aannu ka helnay Sadnuuqa SDF, kumana qanacsanin gobol ahaan.”
Sidoo kale, waxa iyaguna afka furtay inta aragtida dhaw ee baraha bulshada (social media) wax ku qora, iyagoo warqaddaasi been-abuurka ah meel kasta ku faafiyay, isla markaasina ku lifaaqay hadallo deel-qaaf ah iyo qoraalo aanay u meel dayin oo ka dhan ah masuuliyiinta dowladda ee gacanta ku haysa maamulidda mashruuca Sanduuqa SDF, waxaanan leeyahay waxa ay arrintaasi ka dhigan tahay uun; “nin wayn oo hadal ka dhacay waa geed qolofi ka dhacday.”
Haddaba, isku soo wada duub oo cid kasta oo samaysay warqaddani gacan-ku-rimiska ah ee sida been-abuurka ah loo faafiyey kamay fikirin fal-celinta ka dhalan karta warqaddani iyo dhibaatada ay beentaasi ka dhex abuuri karto bulshada walaalaha ama dowladda iyo dadweynaha reer Somaliland, haddiiba aanay cidda waxaas faafisay ugu talogelin in si badheedh ah dhibaato looga dhex abuuro dadweynaha Somaliland.
Waxa xusid mudan in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay gabi ahaanba beenisay jiritaanka warkaasi been-abuurka ah, iyadoo uu Wasiirka Qorshaynta Qaranka Md. Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaafaadhi) oo saxaafadda la hadlay uu sheegay in aanay shaxdaas la faafiyey ahayn wax jira oo xaqiiq ah, waxayna dowladdu sheegtay in diyaarinta mashaariicda SDF aan weli si buuxda loo dhammaystirin oo gacanta lagu hayo, sidaa darteedna aan xiligan la ogaan karin gobollada ama degaannada laga fulin doono mashaariicda ugu badan ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Haddaba, waxa aan jecelahay in bulshadu ka digtoonaato wararka aan xaqiiqda ku salaysnayn ee sida been-abuurka ah loogu faafinayo dadweynaha dhexdooda, ujeedaduna tahay in dadka la isku diro, dhexdoodana colaad iyo kala shaki lagu beero.
Allaah Mahad Leh
Qalinkii: Mustafe Cabdillaahi Cali, Hargeysa, Somaliland