Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya
qaybtii 6aad
Feb 2020
Ilaa hadda way adag tahay in la helo Dowlad ahaan-Siyaasiyiin ahaan iyo Shacab ahaanba, cid tidhaahda Somaliland iyo Soomaaliya ha midooba amase ha kala tageen.Qaybtanina waxay ka mid tahay kala duwanaanshaha Somaliland iyo Soomaaliya ee dhinaca wada-hadalada.
Soomaaliya:-
Inkastoo Dowlada—Maamul Goboleedyada-Siyaasiyiinta
iyo qaybo ka mid ah Bulshada Soomaaliya ay aad ugu kala duwan yihiin dhinaca Siyaasada.Inkastoo Soomaaliya ay u sii kala qaybsamayso maamulo iyo Dowlado Goboleedyo badan, Inkastoo ay dhamaantood Maamulada iyo Siyaasiyiintuba Soomaaliya cadow isu yihiin,kuna kala fog yihiin dhinaca Siyaasada,haddana waxaa jira arin qudha oo ay ka midaysan yihiin Soomaaliya oo dhan,taas oo ah “Somaliland kama goi karto Soomaaliya inteeda kale”
Somaliland:-
Dhinaca Somaliland inkastoo aad aragto murano dhinaca Siyaasada ah,gaar ahaan Murano kulul oo dhexeeya Xisbiyada iyo Siyaasiyiinta,balse waxaa laysku raacsan yahay Dowladda-Xisbiyada-Siyaasiyiinta iyo guud ahaan Shacabka Somaliland in “gooni isu taaga Somaliland yahay lama taabtaan”
Hadal iyo dhamaan way adag tahay in Dowlada Soomaaliya tidhaahdo aynu laba Dowladood(Soomaaliya-Somaliland) oo walaalo ah oo deris ahaano.
Somalilandna Dowlad ahaan iyo Shicib ahaanba way ku adag tahay in ay yidhaahdaan,aynu markale midowno(Soomaaliya iyo Somaliland).
Haddaba aynu ka war sugno Bulshada iyo Dowladaha Caalamka,inta ay dan inaga yeelanayaan,oo ay inakala furdaaminayaan,inta ka horeysana tabtaas bay inoo ahaanaysaa.
ALLAA. M A H A D L E H
Amb. Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com
fb. Abdi Saleiman.
Twitter: @_saleiman.
Skype: abdisaleiman1
—- la soco qaybt 7aad ( maxaa looga jeedaa erayga waa Muqadis. Dastuurka Somaliland iyo Soomaaliya )