Midowga Africa iyo QM oo Ka Digay in Hub Sharci Darro ah Loo Daabulo Colaadaha ka Aloosan Dalka Liibiya.

Ururuka midowga Africa iyo Qaramada midoobay ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara in hub iyo dagaal yahano loo diro dalka Liibiya oo ay ka taagan yihiin colaado xoogan iyo dagaalo u dhexeeya dhinacyada isku haya maamulka dalka Liibiya, arrintan ayaa lagu soo qaaday shirar hor dhac ahaa oo shalay ka dhacay xarunta midowga Africa ee Addis Ababa.

Shirka midowga Africa oo maanta oo axad ah ka furmaya caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa kaasoo looga hadli doono colaadaha iyo khilaafaadka ka jira qaar kamid ah dalalka ku bahoobay midowga Africa.

Sidoo kale waxaa xarunta midowga Africa ee Addis Ababa ka furmi doona shir madaxeedka 34-aad ee dalalka ku midoobay ururka African Union iyadoo lagu soo qaadi doono arrimo kala duwan oo inta badan ku saabsan xaaladaha ka jira dalalka Qaaradda Africa.

Advertisement

Ku Xayeysiiso