Hargaysa, February-9-2020-(THN)-Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Md.Axmed Maxamed Diiriye oo ay wehelinayeen Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Md.Axmed Abokor, Wasiir kuxigeenka WW&S, agaasimaha tacliinta sare Md.Axmed Muuse muruud ayaa saaka ka qaybgalay shirka todobaadlaha ah ee ay iskugu yimaadaan agaasime waaxeedyada wasaaradda waxbarashada iyo sayniska.
Shirkan ayaa maanta lagu lafaguray sidii loo gaadhi lahaa qorshaha 2020-ka ee u dejisan wasaaradda waxbarashada. Qodobadii ugu waaweynaa ee shirkaa sida weyn la iskula falanqeeyey waxa ka mid ahaa sidii degsiimooyinka aan lahayn dugsiyada looga dhisi lahaa dugsiyo hoose dhexe.
Dhanka kale, madaxda wasaaradda waxbarashada iyo saynisku waxay si adag uga jawaabeen arrin been abuur ah oo ay warbaahinta qaarkeed ka sheegeen wasaaradda waxbarashada iyo sayniska, taas oo ahayd, in ay jiraan 300 boos oo aan ahayn shaqaale jira oo laga helay wasaaradda waxbarashada iyo sayniska. arrintaa waxay madaxda wasaaradda waxbarashadu ku tilmaameen, mid aan waxba ka jirin. Wxaanay sheegeen in aanay jirin shaqaale been abuur ah oo ka jira wasaaradda waxbarashada iyo sayniska.